Dadka Kenya ayaa ka codeeyn doona doorashada guud oo dhacaysa Maarso 4-teeda, oo ah tii ugu horreysay oo la qabto tan iyo markii dastuurka cusub la ansixiyay 2010-kii, kaasoo bilaabaya nidaamka dawladda ee baahinta awoodda. Doorashada sanadkan waxaa ka tirsan musharraxiin u tartamaya 1,882 jago: 290 xubnood oo baarlamaanka ah, 47 aqalka odeyaasha ah, 47 guddoomiyayaal degmo ah, 47 haweenka degmada matalaya ah, 1,450 golaha deegaanka ah iyo madaxweynaha.
Boggan mar walba soo booqo si aad u hesho maqaallo iyo warar ku saabsan doorashada Kenya ee 2013-ka.
-
2013-04-02
Bilayska Kisumu ayaa xiray 23 tuhmane oo geeystay dhac intii uu socday dibad-bax ka dhashay xukunkii Maxkamadda Sare ku ansixisay guushii madaxweynah...
-
2013-03-31
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Sabtidii (30-kii Maarso) waxay si buuxda u ansixisay in Ra'iisul-wasaare Ku-xigeen Uhuru Kenyatta uu ku guuleeystay doo...
-
2013-03-29
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Jimcihii (29-kii Maarso) dhageeysatay gunaanadka dacwooyinkii khuseeyay sax ahaanshaha natiijooyinka doorashadii madaxw...
-
2013-03-28
Golaha Qaranka Kenya ee Ilaalinta Saxaafadda (NSCMM) ayaa eegaya 14 ah dadka qora websiteyada oo lagu tuhmay in ay faafiyeen hadallo naceeyb ah, sida...
-
2013-03-27
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Arbacadii (27-kii Maarso) diiday codsi ka yimid Xarunta Afrika ee Maamulka Furan (AfrikCOG) kaas oo ay ku waydiisteen i...
-
2013-03-26
Dib-u-tirinta codadka doorashadii madaxweynenimada ee 22 xarun-cod-bixineed ayaa Talaadadii (26-kii Maarso) iyada oo aad loo sugayo ammaanka ka bilaa...
-
2013-03-26
Agaasimaha Xeer-ilaalinta Guud ee Kenya Keriako Tobiko ayaa ku amray Waaxda Baarista Dambiyada (CID) in ay istaajiso baaritaankeeda ku aaddan eedeeym...
-
2013-03-25
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Isniintii (25-kii Maarso) amar ku bixisay in la baaro foomamka 34 ee dhammaan 33,400 xarun cod-bixineed ee Kenya iyo d...
-
2013-03-24
Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya (SUPKEM) iyo Golaha Imaamyada iyo Waacidiinta Kenya (CIPK) ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ayan kicin dadka dhallin...
-
2013-03-21
Go'aan dhowaan laga filayo in ay Maxkamadda ugu Sarreysa ka gaadho codsigii uu Ra'iisul Wasaare Raila Odinga ka gudbiyay natiijadii dorashadii madaxweynanimo ayaa ama xoojin doona ama burburin doon...
-
2013-03-21
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) kama noqon doonto eedaymaha loo haysto madaxweynaha la doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta, sidaana waxa Arbacadi...
-
2013-03-20
Ra'iisul-wasaaraha xilka ka sii dagaya ee Kenya Raila Odinga ayaa gudbiyay dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare Talaadadii (19-kii Maarso) taas oo uu ku...
-
2013-03-19
Dadka Kenyanaka ah ee ku nool Waqooyiga Samburu iyo Bariga Kuria ayaa ku noqday codeeynta Isniintii (18-kii Maarso) si ay u doortaan wakiillada laama...
-
2013-03-17
Ra'iisul-wasaaraha xilka ka sii tagaya ee Kenya Raila Odinga ayaa Sabtidii (16-kii Maarso) waxa uu dacwad rasmiya ka gudibyay natiijadii doorashooyin...
-
2013-03-17
Bulshada Sharciga Kenya (LSK) ayaa si madax-bannaan baaritaan ugu sameeyn doona maamulkii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimada ee...
-
2013-03-17
Muwaadiniinta waa ka mamnuuc in ay qabtaan kulamada siyaasadeed iyo dibad-baxyada dadweyne inta ay Maxkamadda Sare ka dhagaysanayso dacwadda sharciga...
-
2013-03-17
Murashaxii madaxweynenimada ee Isbahaysiga Amani Ra'iisul-wasaare Ku-xigeen Musalia Mudavadi ayaa Sabtidii (16-kii Maarso) ayaa saxiixay heshiis dab...
-
2013-03-14
Tira aan horay loo arag oo ah 86% ka mida 14.3 milyan ee cod-bixiye ee la diiwaan-galiyay ayaa codkooda ka dhiibtay doorashooyinkii guud ee 4-tii Maa...
-
2013-03-13
Madaxweynaha soo socda ee Kenya ayaa waxaa looga fadhiyaa qancinta iyo midaynta qowmiyadaha kala duwan ee dalka, sida ay qabaan falanqeeyayaasha siyaasadda.
-
2013-03-13
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa kula kulmay madaxweynaha la doortay Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi...
-
2013-03-12
Qareennada xisbiga Isbahaysiga Dib-u-habeeynta iyo Dimuqraadiyadda (CORD) ayaa Isniintii (11-kii Maarso) waxa ay gudbiyeen codsi ay ku doonayaan awa...
-
2013-03-11
Lix garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa dhagaysan doona dacwadda natiijada doorashada taa oo ka timid Isbahaysiga Dib-u-habeeynta iyo...
-
2013-03-10
Ra'iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa magacaabay koox sharci-yaqaanno ah si ay uga caawiyaan in uu ka dhiidhio guushii Ra'iisul-wasaare Uhuru Ke...
-
2013-03-10
Ma jiraan wax rabshado waawayn ah oo la soo sheeay kadib shaacintii lagu sheegay in Ra'iisul-wasaare Ku-xigeen Uhuru Kenyatta uu ku guuleeystay tarta...
-
2013-03-09
Uhuru Kenyatta ayaa codad yar ugu guulaystay doorashadii madaxweynanimo ee Kenya, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC...
-
2013-03-08
Musharraxa madaxweynenimada ee Madasha Midowga Dimuqraadiyadda Ra'iisul-wasaare ku-xigeenka Musalia Mudavadi ayaa aqbalay in laga badiyay Jimcihii (8...
-
2013-03-08
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa 9-ka Luuliyo dib ugu dhigtay maxkamadeeynta musharraxa madaxweynenimo Ra'iisul-wasaare Ku-xigeen Uhuru Kenyatt...
-
2013-03-07
Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC) ayaa ku tala-jira in uu ku dhawaaqo natiijada doorashooyinkii madaxweyne ee todob...
-
2013-03-07
Dad badan oo Keenyaan ah ayaa codeeyay doorshadii guud ee 4-tii Maarso, markii ugu horeeysay tan iyo markii ay dhacday doorashaddii lagu murmay oo kicisay mowjado rabshada ah shan sano kahor. Xili ...
-
2013-03-06
Lama oggolaan doono dibad-baxyo dadweyne oo ku aaddan natiijooyinka doorashayoonkii guud ee Isniintii, sidaana waxa Talaadadii (5-tii Maarso) sheegay...
-
2013-03-06
Laba qarax ayaa ka dhacay xaafadda Islii ee Nairobi Talaadadii (5-tii Maarso), halkaasna ku dhaawacay ugu yaraan qof, sida ay warisay AFP....
-
2013-03-06
Dad weerar soo qaaday oo aan la aqoonsan ayaa bam-gacmeed ku tuuray askari ka tiran ciidanka ammaanka oo ka shaqeeynayay albaabka xarunta cod-tirinta...
-
2013-03-05
Codbixiyeyaashii badnaa oo u soo baxay codeeynta ayaa keenay safaf dhaa-dheer iyo isku-dhex yaac ka dhacay goobaha codeeynta qaarkood, laakiin codbixiyayaashu waxay sheegeen in ka qeyb qaadashada d...
-
2013-03-04
Cod-bixiyeyaasha ayaa safaf uu dhererkoodu dhan yahay boqolaal mitir oo ballacooduna yahay dhowr qof u istaagay goobaha lagu codeeyo ee waddanka si ay uga qeyb galaan doorashadan taariikhiga ah.
-
2013-03-03
Komishanka Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha (IEBC) ayaa sheegay in agabkii doorashada uu diyaar noqon doono Axadda (3-da Maarso), ka h...
-
2013-03-01
Inkastoo ay Kenyaanka qaar ka walwalsan yihiin inay soo rogaal-celiyaan rabshadihii dhacay doorashadii ka dib, haddana qaar badan ayaa leh waddanku wuu soo waana qaatay waxaana dhibaatooyinkii yima...
-
2013-02-28
Siyaasiyiinta haweenka ah ayaa sheegaya in inta badan laga niyad jabiyo u tartamidda xafiisyada dowladda, iyagoo wajaha cabsi galin nafsiyan iyo mid jir ahaaneed, waxa ayna bilayska ka codsadeen in...
-
2013-02-28
Karua waxay sheegtay in arrimaha ugu weyn ee Kenya la isku haysto jawaabahooda laga heli karo dastuurkii la aqbalay 2010-kii, fulintiisa deg-degta ah ee buuxdana waxay noqon doontaa saldhigga qorsh...
-
2013-02-27
Qiyaastii 90 boqolkiiba cod-bixiyayaasha Kenya kama ayan xaqiijin faahfaahinta diiwaan-galintoodii Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdi...
-
2013-02-27
Iyada oo maalintii doorashada ay dhawr maalmood ka hadhsan yihiin, ayaa qaar ololayaasha siyaasadda ka mid ah ay rabaan in ay dadka ku soo jiitaan lacag.
-
2013-02-26
Musharraxiinta madaxweynenimada Kenya ayaa ka jawaabay su'aalo ku saabsan anshaxa, dhaqaalaha, dhulka iyo musuq-maasuqa iyadoo ay muwaadiniintu doodda gabi ahaan ka muujiyeen dareenno kala duwan.
-
2013-02-26
Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha (IEBC) ayaa sameeyay isbaddallo si uu u hubiyo in dhammaan dadka reer Kenya ay codeeyaan doora...
-
2013-02-25
Doorasho tijaabo ah oo laga sameeyay 1,450 xarumood oo laga codeeyo oo ku yaal daafaha Kenya Axaddii (24-kii February) ayaa soo saartay natiijo ah in...
-
2013-02-24
Xoghayihii Guud ee Hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ayaa Sabtidii (23-kii Febraayo) waxa uu dadka Kenya ugu baaqay in ay diidaan colaadda iyo nac...
-
2013-02-22
Culimada Kenya ayaa qaba in murashaxiinta ay la hadlaan dadka Kenya ee aan lahayn aqoonta rasmiga ah si mararkaa dhammaan cod-bixayaashu u qaataan go'aan ku dhisan xog-ogaalnimo.
-
2013-02-22
Xukuumadda Kenya ayaa soo bandhigtay qorshaha ay kaga tala-gashay sugitaanka ammaanka haddii ay rabshado dhacaan wixii ka dambeeya doorashooyinka 4-t...
-
2013-02-21
Guddiga Ka-talinta Ammaanka Qaranka Kenya (NSAC) ayaa ku kulmay Nairobi Khamiistii (21-kii Febraayo) si ay uga wadahadlaan hanjabaaddii dil ee loo so...
-
2013-02-21
Golaha Qaranka Kenya ee Ilaalinta Saxaafadda (NSCMM) ayaa ka codsaday Facebook in uu ka caawiyo sidii loo aqoonsan lahaa 25 isticmaale oo looga shaki...
-
2013-02-20
Murashaxa madaxweynenimada ee isbahaysiga Jubilee ahna, Ra'iisul-wasaare Ku-xigeenka Uhuru Kenyatta ayaan ka qayb-gali doonin doodda labaad ee madaxw...
-
2013-02-20
Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Kenya Willy Mutunga ayaa sheegay Arbacadii (20-kii Febraayo) in uu todobaadkii hore hanjabaad dil ah la kulmay laba ma...
-
2013-02-19
Koox madax-bannaan oo Kenyan ah, sameeysana kormeerrada ayaa xarumaha laga codeeyo ee dalka ku kala baahsan u diri doonta 7,000 oo isugu jira kormeer...
-
2013-02-18
Dida, oo ah musharaxa madaxwaynanimada ee Isbahaysiga Isbadalka Dhabta ah, ayaa sheegaya in uu doonayo in uu dadka siiyo waxbarsho bilaash ah, dhaqaalahana adkeeyo, xaalada ammaanka ee Kenyana uu h...
-
2013-02-18
Komishinka Qaranka Kenya ee Wadajirka iyo Is-dhex-galka (NCIC) ayaa degaannada Kenya u kala diray 400 oo kormeere si ay u ilaaliyaan khudbadaha karaa...
-
2013-02-17
Komishanka Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC) ayaa hal toddobaad dib u dhigay doorashadii tijaabada ahayd ee is-diyaarinta...
-
2013-02-17
Bilayska Kenya ayaa xiray 20 dhallinyaro ah sababo la xiriira arbushaad ay ku sameeyeen ninka u tartamaya madaxweynenimada Ra'iisul-wasaare Raila Odi...
-
2013-02-17
Koox ka kooban 40 kormeerayaal doorasho oo ka socda Beesha Bariga Afrika (EAC) ayaa bilaabi doona in ay ilaaliyaan hannaanka ay ku socoto doorashada...
-
2013-02-15
Siddeed murashax ayaa ku hardamaya mansabka siyaasadeed ee ugu sarreeya Kenya iyaga oo gali doona tartan lagu go'aan qaadan doono 4-ta March iyada oo ay suuragal tahayna in lagalo doorsho kama damb...
-
2013-02-13
Ra'iisul-wasaare Ku-xigeenka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xildhibaankii hore ee ka soo gali jiray Waqooyiga Eldoret William Ruto ayaa oggolaaday in ay xa...
-
2013-02-13
Komishanka Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC) ayaa helay 20,000 oo xaaladood oo laba jeer iska diiwaan-galiyay howshii diiw...
-
2013-02-12
Doodda ayaa cod-bixiyayaasha siinaysa fursad ah in ay si toos ah u maqlaan sida ay siddeedda murasahx ugu kala duwan yihiin qaddiyado muhiim u ah ka hor doorashooyinka 4-ta March.
-
2013-02-12
Sarkaal sare oo bilayska ah iyo ku-xigeen ayaa loo magacaabi doona mid walba oo ka mida 17-ka gobol ee Kenya si ay u noqdaan taliyayaasha arrimaha do...
-
2013-02-11
Digniinta ammaanka loolama jeedo in ay joojiso dhaq-dhaqaaqa ololaha, laakiin ujeedadu waa in la xaqiijiyo doorasho nabad iyo ammaan ah oo dhamaan Kenyaanku ay ka qayb galaan, madaxda ayaa sidaas leh.
-
2013-02-11
Bilayska ayaa toogtay gaariga Guddoomayaha Komishanka Madaxa-bannaan ee Soohdimaha iyo Doorashooyinka Kenya (IEBC) Ahmed Issac Hassan habeeynimadii A...
-
2013-02-11
Komishanka madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC) ayaa qaban doona doorasho tijaabo ah 18-ka February, sidaana waxa Axaddii (10...
-
2013-02-08
Garsoorka Kenya ayaa rakibay barnaamijyo kombiyuutar si ay ula socdaan una ilaaliyaan habsami-u-socodka dacwooyinka doorashada, sidaana waxa Jimcihii...
-
2013-02-08
Machadka Sahmiyayaasha Kenya (ISK) ayaa ku boorriyay siyaasiyiinta Kenya in ay si macna leh uga hadlaan lahaanshaha dhuleed inta lagu jiro ololahooda...
-
2013-02-08
Komishanka Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC) ayaa ansaxiyay ku dhawaad 12,000 oo musharrax si ay ugu tartamaan doorashooyi...
-
2013-02-08
Hay'ada Ilaalada Xuquuqda Insaanka ayaa sheegaysa in ku guul darraysiga ay dawlada Kenya ku guul darraysatay wax ka qabadka ku xad gudubka xuquuqda inasaanka ee hadda socota horayna u dhacday ay ko...
-
2013-02-07
Waxa heer gabagabo ah maraya dooddi ugu horreeysay ee laga baahiyo telefishanka oo toddobaadka dambe dhex mari doonta lix ka tirsan musharraxiiinta u...
-
2013-02-07
Ciidamada bilayska Kenya waxa ay diyaar u yihiin in ay sugaan ammaanka inta lagu guda jiro doorashooyinka guud ee soo socda, sidaana waxa Arbacadii (...
-
2013-02-07
Guddi xukuumadeed ayaa soo jeediyay hannaan mushaar dhimis ah oo lagu sameeyo shaqaalaha dawladda, balse kooxaha bulshada rayidka ayaa sheegaya in siyaasiyiinta sar sare uu mushaarkoodu wali aad u ...
-
2013-02-06
Hanaanka igmashada ee xukuumadda ayaa u fududeyn doona madaxda maxaliga ah in ay kala mudaan barnaamijyada ayna maal galiyaan mashaariic bulshadooda ka caawin gara in ay gaaraan isku-fillaasho dhaq...
-
2013-02-06
Ra'iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa ku dhaartay in uu dhammaan murannada imaan kara kadib doorashooyinka guud ee 4-ta Maarso uu la aadi doono...
-
2013-02-06
Waraaqaha codeeynta ee doorashooyinka madaxweynenimo ee Kenya ka dhici doona bisha soo socota ayaa la daabacay kadib sharaxaaddii todobaadkii hore, s...
-
2013-02-05
Xukuumadda iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa bilaabay barnaamijyo dhowr ah si ay ula tacaalaan hadallada naceybka ah ee internetka la marinayo kuwaa oo sababi kara rabshado dano siyaasadeed laga...
-
2013-02-05
Komishanka Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC) ayaa sheegay in ay waajahayaan nuqsaan lacageed oo dhan 6 bilyan oo shilin ($...
-
2013-02-03
Golaha Jamhuuriga Mombasa (MRC) ayaa ku baaqay doorashooyin nabadoon oo ka dhacda Gobolka Coast-ga ee Kenya, sidaana waxa Sabtidii (2-dii February) s...
-
2013-02-03
Isbaddallo lagu sameeyay ciidamada bilayska Kenya oo lagu dhawaaqay todobaadkii hore ayaan la dhaqan-galin doonin ugu yaraan bil si loo hubiyo xasill...
-
2013-02-01
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa laga yaabaa in uu awoodda ku wareejiyo madaxeynaha cusub ugu horreeyn 26-ka Maarso, sida ku cad jadwalka marxalad...
-
2013-02-01
Koox ka soo jeedda bulshada rayidka ah ee Kenya oo lagu magacaabo Usalama Forum ayaa Jimcihii (1-dii Febraayo) waxa ay xukuumadda Kenya ugu baaqday i...
-
2013-01-31
Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Kenya Willy Mutunga ayaa magacaabay saddex garsoore oo dhagaysta racfaanka laga soo gudbiyay go'aammada uu gaaray Ko...
-
2013-01-31
Komishanka Qaranka ee Adeegga Bilasyska Kenya ayaa Arbacadii (30-kii January) bilaabay barnaamij cusub oo lagu isticmaalo taleefanka mobiilka kaasoo...
-
2013-01-30
Komishinka Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC) ayaa ansixiyay afar murashax u taagan madaxweynenimada Talaadadii (29-kii Jan...
-
2013-01-30
Mas'uuliyiinta Kenya waa in ay tallaabo degdeg ah ka qaadaan ka hor doorashooyinka guud ee 4-ta March sidii loo hubin lahaa in ciidamada bilaysku ay...
-
2013-01-29
Rabshadihii hareeyay doorashooyinkii horudhaca ahaa ee dhawaan ka dhacay Kenya ayaa muujinaya baahida loo qabo in loo diyaar-garoobo ammaan ahaan si...
-
2013-01-28
Magacaabidii bishaan ee xisbiyada ayaa waxaa ka dhashay rabshado iyo eedeymo musuqmaasuq, taa oo nasiib-darro ku ah doorashooyinka guud ee March.
-
2013-01-25
Ra'iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa hoggaaminaya tartanka loogu jiro xafiiska ugu sarreeya ee dalka, iyada oo uu ku soo xigo ninka ay is hayaa...
-
2013-01-25
Isbatooraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa todobaadkan u dammaanad-qaaday wafdiga dul-joogayaasha doorashooyinka ee Midowga Yurub in la di...
-
2013-01-24
Hannaanka cusub ee doorashooyinka ayay dadka reer Kenya ugu codeyn doonaan lix jago, balse qaar badan ayaa sheegaya inay dareemayaan in aanay diyaarsaneyn sababta oo ah war baahintu waxay xoogga sa...
-
2013-01-18
Heshiiska la filayo in uu dhex maro fallaagada M23 iyo DRC ayaa qeyb ka ah dhaqan ballaaran oo lagu xalliyo khilaafaadka Afrika oo wiiqa mabaadii'da dimuqraadiyadeed, sida ay ku doodayaan falanqeey...
-
2012-11-19
Iyada oo doorashadii guud ee waddanku soo dhawaatay, ayay Kenyaanku sheegayaan in ay siyaasiyiinta ka doonayaan in ay xoogga saaraan qaddiyadaha ay kamidka yihiin dhaqaalaha iyo daryeelka caafimaad...
-
2012-11-02
Todaba wakiil ayaa ku midoobay in ay abuuraan urur wax kala saarid oo lagu hubinayo in musharaxiintu ay anshax fiican yihiin si ay xafiis dawlo u qabtaan.
-
2012-10-25
Shuruurcda cusub ayaa siyaasiyiinta khasab uga dhigaya inay farriimaha olole iyo xayaysiimaha soo gudbiyaan si baaris loo mariyo ugu yaraan laba maalmood ka hor inta aan la dirin ama aan loo baahin...
-
2012-09-28
Iyada oo Kenya ay isku diyaarinayso doorashooyinka guud ee dhacaya bisha Maarso ee sanadka soo socda, ayaa dadka caanka ah iyo fanaaniinta ay isu tagayaan si ay kor ugu qaadaan hab u socod siyaasad...
-
2012-09-19
Dib u dhac dheer kadib, barlamaanka Kiinya ayaa laga filayaa inay ansaxiyaan dadka loo magacaabay guddiga cusub, kaasi oo kor ka maareeyn doona ciidamada bilayska.
-
2012-08-09
Dowladda ayaa dadajinaysa in ay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Xudduudaha u soo iibiso mashiinnada aqoonsada sifaadka dadka ee loo isticmaalo diiwaan-galinta codeeyayaasha, sdia ay sheega...
-
2012-04-09
Ka hor intii aan haweenka kuraas looga qoondeeyn barlamaanka, ayay caqabadaha dhaqanku waxa ay haweenka ka fogeeyeen qabashada xilalka hoggaamineed.
-
2012-01-09
Iyagoo cashar ka qaadanaya 2007-dii ayaa waxa jira siyaasado cusub oo lagu raadinayo doorasho ku dhacda caddaalad iyo awoodda oo si nabad ah loola kaa wareego
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waxaa inagu waajib ah inaynu ilaalino nabada dalka Kenya dhamaantiis.
Sida ra’iisal wasaaraha laga hayo, dimuqraadiyadu wali waa tijaabo, laakiin anigu hadaan ahay qof jumhuuri ah, waxaan qabaa inaysan dimuqraadiyadu wali dimuqraadiyad ahayn dalalka Afrikaanka ah dhexdooda.
Maxkamaduhu waa kuwo wacan, Kenya na si xawli sare ah ayay u horumaraysaa, markaa aynu hore u socono, dhamaanteen isku mid ayaynu nahay walaalayaal
Waxaan ka yaabay go’aanka maxkamada sare ee Kenya, go’aankaasina wuxuu ahaa mid xor ah oo cadaalad ku dhisan. Markaa maxkamada sare hawl wacan ayay qabatay.
Gudida doorashooyinku hawl wacan ayay qabatay, anaguna codkayagii ayaanu dhiibanay, idinkuna hawl wacan ayaad qabateen, ee halkaa kasii haya.
Waxay ila tahay waxaa aad inooga dhaadhacsan in qofku dambiguu sameeyo lagala xisaabtami doonin, taasaana keentay inay dadka qaar wali sii wadaan codaynta, iyagoo aan ixtiraamaynin dadka reer Kenya ee 6-da iyo 8-da saacadood bacadka taagnaa iyagoo sugaya inay doorkooda helaan oo u codeeyaan musharaxiintooda madaxwaynaha.
Odinga waa inuu aqbalaa natiijooyinka doorashada si uu u badbaadiyo walaalihiisa reer Kenya.
Walaalahayga reer Kenya waxaan leeyahay ilaaliya nabada, xitaa hadii ay maxkamadu go’aamiso in la qabto wareeg labaad oo doorasho ah, waxaanad ogaataan inay nololi ka dambayso doorashooyinka.
Waa cajiib!!
Waa in cadaalad lagu dhaqmaa iyadoo aan cidna loo eexanaynin. Anigu waxaan ka mid ahay dadkii codeeyay, waxaanan ahay muwaadin Kenya u dhashay.
Waxay ila tahay doorashooyinku waxay ahaayeen kuwo xor ah oo cadaalad ah, dadka reer Kenya na way dagan yihiin
Dadka reer Kenya waxaan ugu baaqayaa inay sabir yeeshaan si ay maxkamadu hawsheeda u gudato. Waana in sharciga lagu dhaqmaa. Nabadeey.
Maanta waa maalin taariikhi ka ah dalka Kenya, sababtoo ah dhamaan dadka Kenya iyo bulshada caalamkuba waxay indhaha ku haysaa maxkamada sare oo iyadu isu diyaarinaysa inay soo saarto go’aankeedii taariikhiga ahaa. Anagu waanu ku kalsoonahay maxkamada sare, markaa waxaan walaalahayga reer Kenya leeyahay aynu ixtiraamno go’aankeeda. Ilaahay ha barakeeyo walaalahayga reer Kenya, nabadana waa inaynu ka dhignaa mid waarta.
Warbixino hufan
Dhamaan doorashooyinkii taariikhda Kenya soo maray waxaa lagu andacooday in lagu shubtay. Markaa doorkanwaa inaan ogaanaa xaqiiqada. Dadka reer Kenya mudo dheer ayay usoo dagaalamayeen dimuqraadiyada, waxaana la gaadhay wakhtigii is bedel dhab ah la samayn lahaa. Dr. Mutunga waxaan leeyahay badbaadi dadka reer Kenya, waa waxa gacantaada ku jira nolosha 42 milyan oo qof hadii aad go’aan ama xukun qaldan qaadatid.
Magacaygu waa Amos waxaanan joogaa magaalada Dara Salaam ee Tanzania. Goorma ayay maxkamada sare ee Kenya go’aan kasoo saari doontaa arjigii loo gudbiyay?
Dadka kiristaanka ahi waa inay Kenya alle bari u sameeyaan hadii nabadu sii jirto
Anigu waxaan ku faraxsanahay maqaalkan sida wacan loo nidaamiyay.
Raila Odinga waxaan leeyahay aqbal natiijada.
Hogaamiyayaasha xaga ilaahay ayaa laga doortaa, markaa hadii aynu si kasta u cabano, qorshaha rabaaniga ah lama badali karo. Waxaan hambalyo u dirayaa madaxwaynaha la doortay mudane Uhuru, iyo madaxwayne ku xigeenkiisa la doortay, mudane ruto, anigoo ku hambalyaynaya guusha ay soo hooyiin isla wareegii koowaad ee doorashada. Ilaahay Kenya ha barakeeyo.
Maxaad arrinka uga indha qarsanaysaan? Hadii ay dhab tahay inaysan dhicin wax ku shubasho ahi waa in laga warsugaa intay hawshu dhamaanayso (dacwadu) si loo xaqiijiyo inaysan ku shubasho dhicin, intaa ka dibna cid kastaa hambalyo ayay soo diri doontaa. Waxaan sidoo kale dhamaan dadka reer Kenya ee nabada jecel runsheegana ah aan ka filayaa inay is dajiyaan hadii ay cadaato in cabashooyinka isbahaysiga CORD ay dhaboobaan, waa hadii aydaan meel aad rabteen roob idinku eryin!
Waa maxay micnaha doorashadu? Doorashada micneheedu waxa weeyaan in tartan la galo oo tartankaas cid kaliyi ay ku guulaysato, markaa cidii aan aqbalin in laga badiyay maaha cid tartan ku jirtay.
Doorashooyinku xor iyo xalaal maysan ahayn. Markaa waxaan garsooraha maxkamada sare leeyahay cadaalad ku dhaqan si doorashada wareeg labaad loogu dareero.
waxaan ku baaqayaa dalkeena aynu nabadayno
Ma run baa arrinkani, miyaynaan hadaynu nahay reer Kenya fahmin cadaaladu waxay tahay???? Run ahaantii waa inaynu arrinkaa fahanaa wax kasta ka hor, hadii kale, hadii kale waa in gobol kasta fusad la siiyaa, si dalka hogaamintiisu ay u noqoto mid isu dheelitiran. Ilaahay wuxuu gacan qabtaa cidii nidaamsan.
Waxaan jecelahay inaan hambalyo u diro dhamaan dadka Kenya, oo aan ku hambalyeeyo sida nabadgalyada leh ee ay u dhaqmeen codbixintu intay socotay iyo kabacdi labadaba. Sidoo kale, hogaamiyayaasheenu waa inay sidaasoo kale u dhaqmaan, si dhismaha qaranka muwaadiniintu usii wadaan. Tartan kasta oo la galo cid ayaa ku guulaysata cidina way ku guuldarraysataa, markaa inkastoo ay xanuun badan tahay, laakiin waxaa qasab ah in cidina guulaysato cidina guuldarraysato.
Waxaan u mahad celinayaa gudida doorashooyinka Kenya iyo dhamaan dadka reer Kenya guud ahaan.
Dadka reer Kenya madaxwaynohoodii way doorteen, ra’yigoodiina way dhiibteen, inkastoo ay dimuqraadiyadu dhigayso inay dadku natiijooyinka dacwad ka qabi karaan, taasina waa mid caadi ah. Laakiin arrinkani wuxuu cida dacwad noocaas ah bilawdaa waxay dadka ugu muuqan kartaa inay tahay cid daciif ah, waxaanay dadku u qaadan karaan inay cidaasi danaheeda gaarka ah oo kaliya ka fekerayso oo ay colaad babuurayso, isla markaana rabto inay dalka burburiso si ay iyadu wax u faa’ido. Xidaa hadii wareeg labaad oo doorasho ah la galo, nacaybka dadka dhexdooda ka jiraa wuu sii badan doonaa, waayo dadku waxay rabaan in dhibaatooyinkoodu soo afjarmaan ee ma rabaan in lacag dheeraad ah la kharash gareeyo si cid gaar ihi faa’ido u gaadho. Waxaan dadka reer Kenya ku hambalyaynayaa doorashooyinka.
Anigu cidna uma malaynayo inay dadka reer Kenya colaad ka dhex abuuri karto, hogaamiyayaashuna waa inay markasta diyaar u ahaadaan inay muujiyaan sawirka quruxda badan ee qaranka. Sidoo kale waa inay maskaxda markasta ku hayaan in Kenya ay dhamaantood ka sarayso. Sidaa awgeed, waa inay waxaanu rabno na siiyaan oo aysan nagu qasbin wax aan nagu munaasib ahayn
Warar badan iyo farxad badan
Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu reer Kenya xigmad siiyo, oo ay maxkamada sarena arjiga aqbasho
Kenya meel fog ayay ka timid. Waxaanan rajaynaynaa in waxyaabaha socdaa ay dadka reer Kenya awood u siin doonaan inay talaabooyin waawayn hore u qaadaan.
Waxaan jecelahay inaan amaan balaadhan usoo jeediyo gudida doorashooyinka, waayo waxay hirgaliyeen doorasho xor ah oo xalaal ah oo lagu kalsoon yahay, waxaanan sidoo kale rajaynayaa inay gacanta ku hayaan daliil lagu kalsoonaan karo, kaasoo ansixin doona natiijada doorashooyinka madaxtinimada ee hada maxkamada lagaga hor muransan yahay.
hogaamiyaha dhabta ahi waa ka aqbala natiijada, siday doonto ha ahaatee. Dadka reer Kenya si dimuqraadiyadi ku dheehantahay ayay codkooda u dhibteen
xaalku siduu doono ha ahaadee, waa inaynu ilaahay ka barinaa in Kenya midaysnaato
Anigu mareegtan waan ka helay. Dadka Kenya waa dad wacan, waxaanay dhiibteen codadkoodii, oo waxay muujiyeen rabitoonkoodii. Markaa waxaan hambalyo usoo jeedinayaa labada nin ee kala ah madaxwayne Uhuru iyo ku xigeenkiisa Ruto guusha ay soo hooyeen awgeed. Meel kasta oo markii hore aynu ku ogayn colaaduhu inay ka dhacaan xiliga doorashooyinka waxay doorkan ahayd meel nabad buuxdaa ka jirto. Waxaanan ilaahay ugu mahad celinaynaa inuu ninkan wacan inoo dooray. Waxaan rajaynaynaa in dalkeenu uu noqdo mid nabdoon inta uu taladiisa hayo mudanahan la doortay. Hambalyo! Reer Kenya waxaan leeyahay aynu midawno, si aynu dalkeena Kenya u dhisno.
Anigu waxaan is waydiinayaa in Kenya ay waligeed noqon doonto dal xadaarinimo buuxda gaadhay?
Reer Kenya waxaan leeyahay aynu nabadgalyo ku jirno, waayo ilaah kaliya ayaa ina wada abuuray, waana in aynu dalkeena jeclaanaa.
Anigu waxaan hogaamiyayaasha xaga ilaahay ayaa laga doortaa, markaa inkastoo aad dadka jujuubi kartid, laakiin arrimuhu si wacan u socon maayaan. Waxaa xitaa suurtagal ah inaad dadwaynaha adeegsatid si ay kuugu dagaalamaan, laakiin aakhirka amarka ilaahay ayaad u hogaansami doontaa. Ha noolaadaan Uhuru iyo Ruto, Jehovah ayaa hadlay!
Dadka iyagu codeeyay waxaan uga mahadcelinayaa madaxwaynaha ay dalkeena u dooreen, kaasoo ah hogaamiye geesi ah. Waxa kaliya ee imika hadhsani waa in nabada koone kasta oo Kenya ka mid ah laga ilaaliyo.
Dadka reer Kenya badidoodu codkoodii way dhiibteen, markaa waa in ikhtiyaarkooda la ixtiraamaa. Ikhtiyaarkoodu wuxuu ku yimid codad ay dhiibteen oo kadibna ay tirisay oo ansixisay gudida doorashooyinku. Markaa looma baahna in maxkamada la isla tago, waayo cida ay tahay inay wax go’aamisaa waa aqlabiyada ee maaha cida laga badiyo. Ilaahay dalkeena Kenya ha barakeeyo. kani waa dalkeenii iyo qarankeenii Kenya
Doorashooyinka hadda qabsoomay waxay ahaayeen kuwo taariikhi ah, waxaanay u dhaceen hab xor ah oo xalaal ah. Waxaanan hambalyo balaadhan usoo jeedinayaa dhamaan gudida doorashooyinka.
Waxaan gudida doorashooyinka uga mahad celinayaa hawsha wacan ee ay qabteen
Isbahaysiga CORD ee hada dacwada ka keenay doorashooyinkii madatinimada ee iminka soo gabagaboobay xaq ayay arrinkaa u leeyihiin, run ahaantiina dustuurka ayaa sidaa dhigaya. Si kasta ha ahaatee, hadii ay dadka reer Kenya xusuusan yihiin habkii gudida doorashooyinka lagu dhisay, waxay arki doonaan in ujeedadu ahayd si doorashada maaraynteeda ay khaladaadkeedu u yaraadaan, ilaa imikana gudida doorashooyinku maysan ku kicin wax keeni kara in laga shakiyo inay cid u eexanayaan ama u xaglinayaan. Laakiin run ahaantii habka gudida loo hirgaliyay ayaa ah mid laga shakiyo, waayo waxaa suuro gal ah in xisbi ka mid ah axsaabtu uu khalkhal galiyo gudida lafteeda. Dad badan oo reer Kenya ahi waxay maanta ka warwarsanyihiin in dhacdadani ay wax u dhimi karto guulaha ilaa hada laga gaadhay in dhidibada loo taago geedi socodka dimuqraadiyada, gaar ahaan doorashada hogaanka siyaasadeed. Hadii khaladaadka dhacay aysan ahayn kuwo wax ka badali kara guud ahaan doorashada la doortay hogaanka siyaasadeed ee dalka, waxay xigmadu ku jirtaa in arintaa laga hadlo IEBC iyadoo aan dib loogu soo celin maxkamadda.
Raila waa nin daacad ah oo mabda’ leh, markaa waan hambalyaynayaa, waxaanan leeyahay halkaa kasii wad ilaa inta waxad tahay nin iyo bar!!!!
doorashooyinka 2013-ku waxay ahaayeen kuwo xor ah oo cadaalad ah hambalyo reer kenya
Hambalyo, cidda guulaysatay waa dadka reer Kenya dhamaantood
Doorashooyinku waxay u dhaceen si cadaalad ah, waxaanay ahayd in aan arji iyo dacwad laga keenin.
Dhamaanteen waynu ognahay in doorashooyinka Kenya aysan waligood noqon doonin kuwo dimuqraadi ah, waayo waxaa codadka lagu ciyaaraa marka la tirinayo, waxaana masuuliyiinta gudida doorashooyinka amar lagu siiyaa inaysan arrinkaa ka hor imanin, kadibna wixii dhacay waa la asturaa. Laakiin aamuska ay dadwaynuhu aamusan yihiin macneheedu maaha nabad ayaa jirta. Waxaa dad badani dareensan yihiin cadho iyo ciil dalka oo dhan. Si kasta ha ahaatee, waa in madaxwaynayaasha la magacaabaa intii aynu wakhtiga iskaga lumin lahayn cod bixinta. Waa inaan codbixin dambe loo galin doorashooyin natiijooyinkooda hore loo sii qoondeeyay.
Hawl wacan!!
Kenya waxaan leeyahay halkaa kasii wada, waayo dimuqraadiyad ayaad muujisay. Hambalyo.
Hambalyo reer Kenya, qaranka ilaahay isku xidhaana waa qaran barwaaqoobi doona. Gunuunuca iyo cabashada iyo dadka kale oo aan la aqbalin waxay dunida tusin kartaa inaysan reer Kenya is maamuli karin iyagoo aan shisheeshe soo faragalin. Markaa hurdada ka toosa, waayo sidan kuma sii socon karno waligeen. Noolow oo arag waxa uu Alle samaynayo.
Waa macquul in dadku ay baaqayaga macnihiisa bedelaan, ama ay fariintaanu u gudbinaynu diidaan, ama doodaanu soo bandhigayno ka hor yimaadaan, amaba ay shakhsi ahaan noo abaaraan, laakiin ducada aanu ilaahay baryayno waxba uma dhimi karaan. Ilaahay ka barakeeyo Kenya, waanad ku mahadsantihiin in Kenya madaxwayne u dooranay.
Dadka reer Kenya waxay xaq u leeyihiin inay doortaan hogaamiyaha ay rabaan.
Waxaan hambalyaynayaa dadka reer Kenya, waanan salaamayaa.
Waxaan jecelahay inaan marka hore dadka reer Kenya aan ku hambalyeeyo sida nabada leh ee ay madaxwaynohooda cusub u doorteen iyagoo aan wax colaad ah ku dhicin. Waxaan anigu aaminsanahay in uu Uhuru Kenyatta dalka hogaamin doono isagoo aan qabyaalad iyo diin midna ka fekerin. Markaa waxaa wacan in uu Raila Odinga aqbalo natiijada, waayo dadka doortay Kenyatta iyagaa og waxay u doorteen.
Anigu shakhsiyan waxaan u codeeyay mudane Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa mudane William Samoe Ruto. Markaa fadlan wakhti ha la siiyo si ay talada ula wareegaan, waayo waa dad karti leh, waxaanan ilaahy ka baryayaa inuu ka ilaaliyo warmaha iyo falaadhaha cadawga. Aamiin!!!
Arrinkan ilaahay awoodiisa ayaa suurto galisay. Ilaahay Kenya ha barakeeyo.
Anigu Kenyatta waan jecelahay, waana inuu madaxwayneheena noqdaa. Waa nin farxad badan oo bulshaawi ah, waanuu ka duwan yahay Raila, kaasoo isagu markasta cadhaysan marka uu ku dhawaaqayo hadalada aan macnaha lahayn mooyaanee
Hadii labadooda midna la doortay kii kalena uu maxkamada tagay, taa macneheedu waxa weeyaan ka dambe ma fahansana macnaha doorashooyinka. Doorashooyinka macnohoodu waxa weeyaan markay toban qof tartamaan, qof kaliya ayaa guulaysta, darajada uu doono ha lahaadee. Markaa waxa wacan in dad badani arrinkaa fahmaan. Waa inaynu aqbalnaa hadii tartanka la inaga badiyo, waayo maaha cadaalad in dhiig loo daadiyo qof raba inuu kursiga madaxtooyada ku fadhiisto. Waa inaynu ogaanaa inaynu nahay dad lagu shaqaysanayo, oo aynu nahay cida ugu hor dhiman doonta, kadibna ay kuwa inaga darajada sareeyaa inagu xigi doonaan. Waa inaynu eegnaa Libya wixii ka dhacay, waayo waxaynu arki karnaa in markii dadkii darajooyinka hoose ahaa ay dhamaadeen ay kuwii darajada sare lahaa ay ahaayeen cidii ugu dhimashada dambaysay. Markaa dadka reer Kenya waxaan leeyahay waa inaynaan aqbalin geeri aan ahayn wadkeena ilaahay inoo qadaray.
Maxaynu wax aan micno leheen aynu rabsho uga abuuraynaa nafsadaheena?
Waxaan rajaynaynaa in hogaamiyayaasheena cusubi ay musuqmaasuqa si arxan darro ah ula dhaqmi donaan, oo ay shaqooyin u abuuri doonaan kumaanka kun ee bilaa camalka ah, isla markaana ay la dagaalami doonaan qaraabo kiilka iyo wastada. Hadii taasi dhacdo anaguna mar kasta waanu idiin codayn doonaa.
Anigu dimuqraadiyada Kenya aad ayaan uga helay.
Kenya way qaan gaadhay. Dadka reer Kenya waxaan leeyahay waanu idinku faanaynaa, waayo waa markii ugu horraysay ee doorashooyin la galo ee aysan colaad qabiil qarxin wixii ka dambeeyay sannadkii 1992-kii.
Waxaan jecelahay inaan akhriyo kolba wixii cusub ee aad soo bandhigtaan, aniguna wixii faalooyin ah waan samayn doonaa
Waa inaynu taageernaa cidii guulaysata oo aynu nabadana ilaalinaa. Maxkamadan la isla tagayaa waa macno darro.
Waxaan dadka reer Kenya ku hambalyaynayaa degenaanshaha ay muujiyeen intii la sugayay natiijooyinka doorashada.
Waxaan reer Kenya ku hambalyaynayaa doorashada dimuqraadiga ah, iyo sabirka ay muujiyeen intii codadka la tirinayay. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka la doortay, reer Kenya iyagana waxaan leeyahay nabada ilaaliya, xukuumada cusubna taageero buuxda siiya. Ilaahay ha barakeeyo Kenya iyo Afrika.
Dadwaynuhu waxay mar labaad ku dhawaaqeen “waxaanu rabnaa BARNABAS!!!!!”
Wax kastaa way dhamaadeen, laakiin waxaan reer Kenya leeyahay ha la sameeyo laba ama saddex xisbi si qabyaalada Kenya ka jirta loo dabar gooyo.
Waxaan dadka reer Kenya ku hambalyaynayaa siday u muujiyeen qaan gaadhnimada dimuqraadiyadeed ee ay gaadheen. Walaalkay Odinga waxaan leeyahay siyaasadaa sidaa ah, waana inagoo wadajir ah inaynu ka shaqayno inaysan kenay ku dhicin colaadihii dhacay sannadkii 2007.
Looma baahna nacayb balse waxaa loo baahanyahay in nabada iyo is jeclaanshaha la ilaaliyo. Waxaan leeyahay aan dhamaanteen aqbalno natiijooyinka doorashada oo aynu kadibna nolol maalmeedkeena wadano.
Waxaan jecelahay inaan fursadan ka faa’idaysto oo aan u mahad celiyo dhamaan dadka reer Kenya, anigoo uga mahad celinaya degenaanshohooda iyo sida sabirka leh ee ay u sugayeen natiijooyinka. Waxaan leeyahay aynu dhamaanteen madaxwaynihii guulaysta aqbalno ciduu doono ha ahaadee, oo yaynaan taariikhda dib u celinin
Waxaan ilahay ka baryayaa in doorashooyinka Kenya rajo u keento dhamaan reer Kenya.
Isaaq Xasan waanu ku faanaynaa, waana nin hawlkar iyo geesinimo iyo daacadnimo intaba u saaxiib ah, waxaanan leenahay ilaahay ha ku barakeeyo oo nolol barwaaqoleh ha ku siiyo. Dunida inteeda kale haatan waxay ogaan doontaa inaynaan ahayn siday ina moodayeen, ee aynu nahay dad sabir leh. Dhamaan shaqaalaha gudida doorashooyinka waxaan leeyahay waanu idinku faanaynaa, dalkeenuna hadda ayuu heer gaadhi doonaa, dastuurkeenana waan ku dhaqmi doonaa. Dadka reer kenyoow fadlan akhriya dustuurka. Hogaamiyayaashana waxaan leeyahay Kenya.
Hambalyo dhamaan dadka reer Kenya ee doortay Uhuru Kenyatta. Waxaad dunida u muujiseen dimuqraadiyad dhab ah.
Madaxwaynaha cusub ee Kenya waxaan u rajaynayaa khayr iyo inuu xigmad yeesho oo uu xigmad wax ku maamulo. Kenya waa dal kaliya oo aynu wada jecelnahay!!!
Saaxiibadayda Afrikaanka ahoow, waxaan idin leeyahay ha la aqbalo natiijooyinka doorashooyinka, oo hadafkeenu ha noqdo dhismaha dalalkeena. Waa inaynaan dalalka reer galbeedka u ogolaan inay cidday rabaan madax inooga dhigaan. Iyaga ma cidbaa madaxdooda u doorta?
Guuldarrada macneheedu maaha maad dadaalin. Hambalyo Raila
Waxaa la gaadhay wakhtigii ay Kenya nabad heli lahayd, waxaanan leeyahay yaynaan shaydaanka u ogolaanin inuu ina soo kala dhex galo. Ilaahay ha barakeeyo dhamaantiin iyo Kenyaba, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu idin siiyo nabad oo aad is jeclaataan, alle ka cabsina aad yeelataan. Waa anigoo ah Arusha Namanga.
Waxaan ilaahay ka baryaynaa inaad nabad heshaan.
Hala xusuusnaado dadkan idinkaa shaqada keenay, markaa idinkaa hadda ku dhib qaba. Nabada Kenya ha la ilaaliyo.
Waxaan ilaahay ku mahadinayaa inuu haatan Uhuru yahay madaxwaynaha 4-aad ee Kenya
Waaw, anigu bogan waan ka helay.
Maadaama aynu hadda madaxwayne yeelanay, waa inaynu xusuusnaanaa inuusan madaxwaynahani hadda gaar u ahayn qabiil iyo xisbi toona. Madaxwayne Uhuru wuxuu u taagan yahay midnimada qaranka, markaa waxaan walaalahayga reer Kenya leeyahay waa inaynu nabada ilaalinaa oo aynu cidii guulaysatay iyo cidii laga guulaystayba la dabaal degnaa. Waxaa xaqiiq ah in Kenya ay qaran ahaan uguuleeysta!
Hambalyo ayaan soo jeedinayaa, waxaanan leeyahay hogaan da’ yar ayaa yimid maadaama uu sharaxanyahay uhuru Kenyatta, waxaanan leenahay waanu ku kalsoonahay inaad dalkan quruxda badan saboolnimada ka saari doontid, waxaananu balan qaadaynaa inaanu daacad kuu noqono.
Saaxiibadayda Kenya ee qaaliga ah waxaan leeyahay ilaahay ha idin barakeeyo, waayo waxaad muujiseen heersare oo nabad ah intii natiijada la sugayay. Markaa waxaan leeyahay dunida aynu tusno inaynu awoodno inayno qabanqaabino doorashooyin nabad ah oo aan colaadi ka dhicin. Ilaahay Kenya iyo dadkeedaba ha barakeeyo.
Dadka Kenya waxaan leeyahay aynu wadajir yeelano oo aynu nabada ilaalino.
Haddaynu nahay reer Kenya waa inaynu si nabad ah u sugnaa natiijooyinka.
Sabirku wanaag ayuu keenaa. Inkastoo lagu daalay tirinta codadka iyo sugitaanka natiijooyinka doorashada, laakiin waxaan amaan usoo jeedinayaa walaalahayga reer Kenya, anigoo ku amaanaya xamaasada ay muujiyeen. Markaynu eegno natiijooyinka ilaa hada la shaaciyay, waa wax aan suuragal ahayn in qabiilka Luo ay soo saaraan madaxwayne iyaga kasoo jeeda. Markaa doorka dambe ha sugaan. Ilaahay ha barakeeyo Kenya iyo afrika labadaba.
Waa in aynu ixtiraam u muujinaa hawsha wacan ee ay qabatay gudida doorashooyinku, waana inaynu xasilooni muujinaa, waayo hawshu waxay u eegtahay mid ka culus sidii la filayay.
In qofku naftiisa oo kaliya uu ka fekeraa waa arrin aad khatar ugu ah dadka bulsho kaliya kuwada nool. Meesha qof kaliya ayuumbaa madaxwayne noqon kara, markaa madaxwaynaha la doorto waxaa la gudboon inuu dadka faraha badan ee iyagu ka codeeyay uu si wacan ula macaamilo, oo uu caawiyo oo uu jacayl u muujiyo, isla markaana uu ka hawl galo sidii uu xidhiidh wacani u dhex mari lahaa dadka iyagu ka codeeyay iyo kuwa u codeeyay, si ay dhamaantood Kenya oo midaysan dhismeheeda uga qayb qaataan. Dimuqraadiyadu waa sidaas. Cidii la doortayna awooda eebe ayaa la jirta.
Waa inaynaan dib usoo celinin wixii dhacay sanadkii 2007, waayo aad ayuu u xanuun kululaa. Dadka reer Kenya waa inay xusuunaadaan in hadii aynu arrinkaa soo celino aynu inagu ku dhib qabi doono.
Waxaan walaaleheena reer Kenya u rajaynaynaa doorashooyin wacan, waxaanan ilaahay ka baryaynaa inuu ku hanuuniyo sidii ay u heli lahaayeen hogaamiyayaal wacan, qaaradeena afrikana ay isku duubnaanteedu usii jiri lahayd. Hambalyo ayaan idin leeyahay, guushana aynu ku qaabilno nabad, cidii laga guulaystaana waa inay aqbashaa. Sidaasay wadaninimadu ku jirtaa – in nabadeena aynu daafacno. Cidii aan aqbalin in laga guulaystayna maaha murashax dhab ah. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idinla jiro oo uu idin hago.
Kenya way jirta doorashooyinka ka hor, waanay jiri doontaa kadib doorashooyinka. Markaa waa inaynu Samir yeelanaa oo aynu nabada ilaalinaa, cidii guulaysataana waxay u madaxwayne noqon doontaa dhamaan reer Kenya qabiilkay doonaan ha ka soo jeedaanee.
Waxaan dadka reer Kenya ka codsanayaa inay xasiloonaadaan intay sugayaan natiijooyinka doorashooyinka. Annagu haddanu nahay reer Tanzania waanu idin garab taaganahay. Waa anigoo ah Hidaya, oo jooga Tanzania.
Muhiimada koowaad waa ilaalinta nabada
Dhamaanteen waxaynu codaynay inagoo wada reer Kenya ah, markaa waa inaynu dhamaaneen diyaar u ahaanaa inaynu aqbalno dadka aqlabiyadiisa rabitaankooda, waayo arrinkaasi waxa uu gundhig iyo aasaasba u yahay dimuqraadiyada. Waxaynu u baahanahay nabad. Cidii guulaysan doonta ama khasaari doontaana waa inaga hadaynu nahay reer Kenya, noloshuna halkeedii ayay kasii socon doontaa doorasho kasta ka dib. Ilaahay Kenya ha barakeeyo. Hadalkuna waa intaa!
Tanzania waa inay cashar ka barataa doorashooyinka Kenya, sababtoo ah ilaa hadda natiijadii ma hayno, laakiin mar kasta gudida doorashooyinku macluumaad ayay soo saaraysaa. Markaa waxaan hada saadaalin karaa in Odinga uu guulaysan doono.
Khayr ayaan u rajaynayaa dadka reer Kenya, waxaanan leeyahay colaad ha galina!!! Cid kasta oo lagu dhawaaqo inay guulaysatayna aqbala.
Haduu jiro musharax tiradaas codadka ah oo lagu daray hal cod, laakiin wali codadkiisu waa 4.3 milyan oo cod, maxaa markaa la yeelayaa?
Waxaanu rabnaa in natiijooyinka doorashooyinka sida ugu dhakhsaha badan loo shaaciyo, waxaananu sidoo kale rabnaa in la sameeyo xukuumad adag doorashooyinka ka dib. Xukuumadaasi waa inaysan habayaraatee kala takoorin dadka reer Kenya, waana inay la dagaalantaa musuqmaasuqa. Waxaan jecelahay inaan sidoo kale dadka u sheego inay nabada ilaaliyaan, waayo nabadu waa shay inaga wada dhexeeya, hadii aysan nabadi jirina horumar samayn kari mayno. Waa in markaa la ciqaabaa cid kasta oo isku dayda inay nabada waxyeelayso habayaraatee.
Waa inaynu wax kasta isu diyaarinaa, cid kastoo guulaysatana waa inaynu aqbalnaa.
Waxaa hada dhidibada loo aasay casri cusub oo hufnaan iyo masuuliyad iyo cadaalad ku dhisan. Hadii talaabooyin kuwan la mid ah oo wacan aynu qaadno, waxaa hubaal ah inaynu barwaaqoobi doono oo aynu u qalmi doono inaynu ka mid noqono dalalka xadaarada gaadhay. Ilaahay ha badbaadiyo Kenya.
Waxaan hambalyaynayaa dadka reer Kenya ee ilaa imika aan u jixin-jixin dhamaan guubaabinta colaada lagu guubaabinayo, waayo colaadaasi waxay dadka reer Kenya ku celin kartaa dagaal. Markaa hambalyo oo ilaahay dhamaantiin ha barakeeyo.
dadka reer Kenya waa inay ixtiraamaan dimuqraadiyadu waxay ku taliso, waana inay dhexdooda is ixtiraamaan, sida uu yeelay peter Kenneth. Gudida doorashooyinku qof kaliya inuu guulaystay ayay ku dhawaaqi doonaan, sidaana waxa dhigaya sharciga. Markaa waxaan dadka laga badiyay ku guubaabinayaa inay aqbalaan in laga badiyay oo ay sugaan sannadka 2018-ka. Marxuum Saitoti ayaa hore u yidhi: waxaa iman doona wakhti ay danaha qaranku ka muhiimsanaan doonaan danaha gaarka ah. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu barakeeyo dadka reer Kenya, dadka laga badiyayna waa inay ilaahay ka cabsadaan oo ay ixtiraamaan dadka kale ee reer Kenya.
dadkan cabashada soo gudbiyay waxay ahayd inay tiriyaan codadka goobohooda, waayo goob kasta oo ay dadku codadka ka dhiibteen waxaa joogay dad wakiilo, markaa sideebay ku dhacday inay kuwa kale cabasho keenaan? Waa inaysan gudida doorashooyinku aqbalin dadkan raba inay kharibaan xorriyada dadka reer Kenya.
Reer Kenya waxaan leenahay aad ayaanu idiin jecelnahay jaarkayagoow, markaa sabir yeesha si ay doorashadu si wacan u dhamaato oo aad u dhistaan dalkiina Kenya.
Maqaalkani waa mid wacan, anaguna dabcan sii buuxda ayaanu uga qayb qaadan doonaa. Markaa ii ogolaada inaan soo gudbiyo wixii warar ah marka aad heshaan, ina saxa oo I haga. Waa anigoo ah Kazikuntu
Waa run in mareegtani ay runta ka sheegto amuuraha jira.
Waa anigoo ah Khamiis oo jooga Tanzania, waxaanan leeyahay doorashooyinku maaha colaad ee waa wax ay dadku xaq u leeyihiin
Ilaahay ha barakeeyo Kenya iyo dadkeeda, hana ka ilaaliyo colaada doorashada doorkan.
Gudida doorashooyinku waxay wadaa hawl amaan mudan. Markaa waa in ay siyaasiyiintu joojiyaan su’aalaha oo ay shaqaalaha gudida daayaan si ay hawshooda wacan u gutaan.
Dadka reer Kenya waxaan leeyahay waa in dimuqraadiyadiina qaangaadhka ah la muujiyaa, waana in dunida oo dhami ay ogaataa. Iyadoo aan dhiig la daadinina arrinkaa waa la samayn karaa. Waxaanan idiin rajaynayaa khayr iyo nabad. Tanzania way idiin ducaynaysaa.
Waxaan dadka reer Kenya ku amaanaya siday u gaws adaygeen ee ay gaashaanka ugu dhufteen isticmaarka maraykanka iyo reer yurub, kuwaas oo raba in murashaxiinta isbahaysiga CORD ay guulaystaan, halka ay dadka reer Kenya rabaan in Uhuru iyo isbahaysigiisa Juobilee ay guulaystaan. Khayr ayaan u rajaynayaa Uhuru Kenyatta.
Taariikh nadiif ah oo qurux badan ayuu arrinkani u yahay dadyowga bariga afrika ku dhaqan. Waxaan aragnay gudida madaxa banaan ee doorashooyinka Kenya, waana mid aan la mid ahayn gudideena, waayo gudideenu waxay ku dhaqantaa khiyaamada waxaanay hadheeyay mugdi qotodheer. Waa anigoo ah Makulile oo jooga Musoma, Tanzania.
Nabada lacag laguma helo, markaa waa inaad nabada ilaalisaan. Ilaahay Kenya iyo Afrikaba ha barakeeyo. Aamiin.
Waxaa loo baahanyahay in la sabro iyo in la ilaaliyo nabada jirta. Kenya khayr ayaan u rajaynayaa.
Walaalahayga reer Kenya waxaan leeyahay aynu nabada ilaalino intay aynu sugayno natiijooyinka, waana inaynu ogaanaa in tartan kasta oo la galo ay dadka qaarna guulaystaan qaarna laga guulaysto. Sidaa awgeed, waxaan idinku boorinayaa inaad aqbashaan hadii la idinka badiyo, oo aad u hogaansantaan natiijooyinka kama dambaysta ah ee ay soo saari doonto gudida doorashooyinku, waxaanan si gaar ah ula hadlayaa dadka kaalmaha labaad gali doona, siiba murashaxiinta madaxtinimada. Waa inaad xusuunaataan in dalkani yahay dal dimuqraadi ah, kaasoo ciid codadka ugu badan heshaa ay guulaysan doonaan.
Hadaynu nahay dadka reer Kenya waa inaynu degenaansho yeelanaa ilaa inta gudida doorashooyinku ay ku dhawaaqayso natiijooyinka. Kenya waa dal nabad ah, dagaalkuna dhisi maayo. Nabad, nabad…
Waa maqaal aad iyo aad u xiiso badan.
Waxaan dadka reer Kenya iyo hogaamiyayaashooda ku hambalyaynayaa qaan gaarnimda ay muujiyeen ka qayb galka ay ka qayb galeen ololaha doorashooyinka, iyo codbixintii iyo sugitaanka ay si xamaasad leh u sugayaan natiijooyinka. Ilaahay ha idin barakeeyo, waxaanan dalalka ka hooseeya Saxaaraha afrika ku boorinayaa inay ku daydaan Kenya.
Wakhtigani waa wakhtigii ay dadka reer Kenya nabada ilaalin lahaayeen inta natiijooyinka la sugayo.
Maxaa dhici doona hadii aynu ogolano in Uhuru uu madaxwayneheena noqdo, xagee ayaynu tagi doonaa. Uhuru waa nin aad loo tuhunsanyahay.
Hadii ay hogaamiyayaashu xakamayn karaan hadalada xun xun ee ay ka jeediyaan meelaha fagaarayaasha ah sidaynu horeba u aragnay, markaa wax colaad ahi dhici mayso, waayo cidda dadka guubaabisaa ee ugu wayni waa iyaga.
Reer Kenya waa inay sugaan natiijada oo aysan dagdagin. Ilaahay ha barakeeyo Kenya iyo reer Kenya.
Dadka waxaan leeyahay aynu isjeclaano oo aynu noqono sidii jidh kaliya, jidhkaasoo hadii suul ama xubin ka mid ahi damqato uu jidhka intiisa kale xanuunkiisa dareemo. Waa in marka aad wajigayga eegto aad aragtaa walaalkaa ama aabahaa ama adeerka, ka hor inta aanad wax xumaan ah ii gaysanin oo aanad ku kicin.
Hambalyo Kenya
Reer Kenya waa inay feejignaadaan si aan codadka loogu shubanin.
Nabada ilaaliya, oo shaaciya.
Waxaan dadka reer Kenya ku guubaabinayaa inay samir yeeshaan inta ay sugayaan natiijooyinka doorashooyinka ee bari lagu dhawaaqi doono. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idin badbaadiyo si aydaan wax khilaaf ah ugu dhicin, sidii doorkii horeba dhacday. Ilaahayna musharaxiinta ha caawiyo si ay u aqbalaan natiijooyinka.
Waxaan dadka Kenyoow walaalayaal idinka rajaynayaa inaad Samir badan u yeelataan natiijooyinka doorashada. Ilaahay ha idin garab galo.
waxaan ilaahay ku mahadinaynaa nabada uu siiyay reer Kenya, waxaanan leeyahay halkaa kasii wada. Waa anigoo jooga Tanzania
Kenya waxay gaadhay ay nabadi ka dhex dhalan lahayd, markaa yaynaan shaydaanka u ogolaanin inuu ina soo kala dhex galo. Ilaahay ha ina barakeeyo oo Kenya iyadana ha barakeeyo.
Tiknoolajiyadan cusubi waxay yarayn doontaa walwalkeena.
Waan ka xumahay waxa walaaleheen reer Kenya ka qabsaday doorashada. Doorkan waxaad muujiseen xamaasad wayn, markaa xamaasadaas sii wada, inkastoo geedi socodkiinii dimuqraadiyada ay wiiqday tiknoolajiyada casriga ahi. Waxaan ilaahay ka baryaynaa in tirinta codadku ay dhamaato oo sanduuqu sheego qofkii guulaystay.
nabadu qofka ayay ka bilaabantaa, kadibna dadka kale ayaa ku xiga. Ilaahay qof ina hogaamiya ayuu inoo dooray, anigu markaa noloshii caadiga ahayd ayaan ku laabanayaa, waayo waxaa iga dambeeya qoys u baahan in la quudiyo iyo qaran u baahan in la dhiso. Markaa waxaan leeyahay waa inayn is farnaa nabada oo aynu ka hadalnaa nabada oo aynu ku dhaqanaa nabada. Ilaa hadda si wacayn ayay wax u socdaan, markaa hambalyo ayaan leeyahay reer Kenya
Reer Kenya waxaan leeyahay aynu xasiloonida ilaalino, ilaahay amarkiisana ha la raaco, waayo isagaa ah cida talada dalka hogaamiyayaasha u dhiibta, hadii xun yihiin iyo haday san yihiin labadaba, ujeedaduna waa si aynu aakhirka u cibro qaadano. Ilaahay ha barakeeyo Kenya.
Waxaan idin leeyahay doorkan hawl wacan ayaad qabateen, waxaanan ku faraxsanahay in aad dadka reer Kenya rajo iyo nabad ku noolaysiiseen. Anigu waxaan joogaa xaafada UTHIRU, arrimuhuna si wacan ayay u socdaan, ilaahayna ha barakeeyo gudida doorashooyinka, waxaanan leeyahay halkaa kasii wada hawsha wacan ee aad haysaan. Dadka reer Kenya waxaan dhamaantood leeyahay aynu shaqooyinkeeni ku laabano, ilaahayna wuu ina garab taaganyahay.
Codayntii si wacan ayay u dhacday, laakiin gudida doorashooyinku way ku daaheen inay soo saaraan natiijooyinka meelo dalka ka mid ah qaarkood. Waxaanse rajaynaynaa in ay cashar baratay, kaas oo ah inay shaqaalaysiiyaan shaqaale haboon.
reer Kenya waxaan leeyahay aynu dhamaanteen mid ahaano oo aynu nabada iyo isjeclaanshaha iyo midnimada u codayno
Doorashooyinkan wacan ka dib, dhamaanteen waxaynu nahay reer Kenya, mana kala nihin luhyo iyo kukuyo iyo luo. Waxaa inala gudboon inaynu dalka aynu jaarka nahay ee Tanzania aynu dhaqankooda kaga dayano, waayo iyaguba qabaa’il way leeyihiin, laakiin dalkooda ayaa muhiimada koowaad leh.
Inkasta oo ay Kenya ka jiraan dhibaatooyin qoomiyadaha u dhexeeya, laakiin haddana dadka reer Kenya way ka wacyi sarreeyaan dalalka kale ee bariga afrika, gaar ahaan xaga siyaasada iyo aqoonta siyaasadeed. Run ahaantiina waa arrin xusid mudan sida ay cod bixiyayaashu goobaha cod bixinta uga soo xaadiraan 8 saacadood ka hor wakhtiga codbixinta.
Waxaan u baahanahay in Raila is badal noo keeno
Markay natiijooyinka doorashooyinku soo baxaan, ee hadii ilaahay idmo arrimuhu sidii caadiga ahayd ku noqdaan, waa in xukuumada cusubi nidaamka diiwaangalinta codbixiyayaasha ee kombiyuutarka ah ka hawl gashaa. Gudida doorashooyinku dadka reer Kenya way hodday, waxaanan rajaynayaa inuusan kharashkoodu inagu badanin.
Anigoo ah muwaadin u dhashay Kenya, waxaan jecelahay inaan si kal iyo laab ah ugu mahad naqo walaalahayga reer Kenya marka labaad, waxaan ku baaqayaa inaynu sugno natiijooyinka, oo aynu nabada ilaalino, dadkana nabada farno, nabadana u noolaano, waayo nabadu waa wax qiimo badan.
Afrika heer ayay gaadhay, reer kenyana hawl wacan ayay qabteen
Maqaalkani waa mid cid u xaglinaya oo aan xambaarsanayn wax macluumaad ah. Anigoo ah Dan, Nairobi
Reer Kenya waxan leeyahay waa in dhamaanteen aynu u dabaal dagnaa cida guulaysata. Waayo nabadii ayaa guulaysatay !!!
Waxaan si xamaasad leh idiinka sugaynaa natiijooyinka doorashooyinka. Markaa fadlan dhakhsada si aan natiijada u ogaano sida ugu dhakhsaha badan. Si kasta ha ahaatee, waxaan hambalyaynaynaa gudida doorashada ee madaxa banaan.
Kenyatta ayaa ka wacan Odinga.
CNN waxaan leeyahay waligaa dhexdhexaad ka ahow Kenya arrimeheeda, iyo cida aad rabtaan inay qabato talada dalka si ay si gaar ah idiin soo dhawayso marka aad wararka kaso diraysaan
Magacaygu waa jully, waxaanan reer Kenya u rajaynayaa nabad iyo wada noolaasnsho. Dhiigga Ciise ha idiin badbaadiyo.
Waa in aynu ilaahay ahmiyada koowaad siinaa, markaasaynu hagaagi doonaa
Waxaan rabaa inaan xukuumada hadda talada haysa ee Kenya la taliyo! Waxaan leeyahay wax kasta awood iyo xoog xal lagagama gaadhi karo, balse waxaa wacan inaynu ilaahay barino mar kasta oo aynu go’aan qaadanayno, waana inaynu khaasaraha iyo faa’idooyinka isu xisaabinaa ka hor intaynaan wax talaabo ah qaadin. Waxaan leeyahay yaynaan nafteena ku canaananin go’aamada aynu gaadhnay. Nabadu waa shay raasamaal u ah qof kasta. Sidaa daraadeed waa in aan ka fogaano ogaashaha shay qiimaha uu leeyahay marka aynu lumino.
Waxaynu muujin karnaa inaynu khibrad iyo dimuqraadiyad leenahay, waayo waxaynu si dagan uga codaynay 47 gobol ee uu dalka Kenya ka kooban yahay. Waa inaynu natiijada aqbalnaa.
Ilaahay Kenya ha barakeeyo
Hadii ay dadku ku degdegaan dabaaldaga waxaa dhici doona dhibaatooyin, markaa waa in la joojiya dabaaldagyadaas wax kastaa ha dhacaanee. Waa in warbaahintu sii wadaa inay dadka ka jaahil saarto xiliga la dhihi karo cid baa doorashada guul ka gaadhay. Cid kastaa nabada ayay dadka ku guubaabin kartaa, balse waxaa dhici karta in dhacdo yari ay huriso dagaalo mar labaad. Ma jiro qof qorshaynaya inuu dagaal galo, laakiin arrin mar kaliya si kadis ah u dhaca ayaa dadka dagaal galin kara. Dadka reer Kenya waayo badan ayay soo mareen, markaa fadlan ha lagu dadaalo in nabada la ilaaliyo ilaa dhamaadka.
Gudida madaxa banaan ee doorashooyinku way ka fekertay inay dhici doonaan dhibaatooyin farsamo oo noocan ah, waxaanay heleen habkii ugu wacnaa ee lagu furdaamin lahaa dhibaatooyinkaas.
Waa in gudida madaxa banaan ee doorashooyinku ay natiijada hore usoo saartaa si aysan dadku u walwalin.
Haddaynu nahay dadka afrikaanka ah waa inaynu is waydiinaa sababta keenta in codad badan la kansal gareeyo doorashooyinkeena. Waa maxay meesha aynu daciifka ka nahay? Ma aqoondarrada codbixiyayaashaa mise waa jaahilnimada mise waa rajo la’aanta? Waa in arrinkaa daawo loo helaa si loo gaadho dimuqraadiyad dhab ah.
Dhamaan reer Kenya waxaan u rajaynayaa nabad, waana inaynu rumaysanaa oo aaminaa in ilaahay uu yahay cida inoo talisa.
Waxaan dadka reer Kenya ku hambalyaynayaa doorashooyinka nabada iyo cadaalada ah ee ay galeen. Ilaahay ha idin barakeeyo.
Waa ilaahay mahadii mar hadii doorashooyin nabad ahi ay ka qabsoomeen Kenya, waxaanan hambalyo u dirayaa dhamaan cidii ka qayb qaadatay.
Dadka reer Kenya waxaan leeyahay nabada yaan loogu qiil dayin doorashada oo lagu shubto. Nabada iyo cadaalada waxaa labadoodaba lagu helaa qori caaradii, arrinkaasina idinka maahee caruurtiina ayuu faa’ido u yahay. Hadii ay cabsoon lahaayeen dadkii reer Kenya ee xornimo doonka ahaa, gumaystayaashu may ka kaceen dhulkeena. Markaa reer Kenya waxaan leeyahay feejignaada si aad u aragtaan in cadaalad lagu dhaqmayo iyo in kale. Madaxwayne Jomo Kenyatta xaq ayuu u lahaa inuu carruurtiisa dhaxalsiiyo beerihiisa, laakiinse xaq umuu lahayn inay ka dhaxlaan talada dalka. Markaa waa in hadda aynu hurdada ka kacnaa.
Waa in cadaalad la helaa
Dadka reer Kenya waxaan u rajaynayaa doorashooyin nabad ah oo xasiloon.
Haddaynu nahay dadka reer Kenya waa inaynu markasta is jeclaanaa, waana inaynu ilaahay jacaylka uu dadkiisa jecelyahay ku dayanaa. Waxaa inagu waajib ah inaynu marxaladan aynu ku jirno aynu degenaansho la nimaanaa intaynu sugayno natiijooyinka doorashada.
Waxaan dadka reer Kenya u rajaynaynaa doorasho wacan oo nabad ah. Ilaahay ka barakeeyo Kenya.
Dadka reer Kenya waa inay doortaan hogaamiye wacan ee maaha inay doortaan qabiil, waayo sidaas ayaa idiin wacan.
Dadka reer Kenya waxaan leeyahay nabada ilaaliya waligiin.
Dadka reer Kenya waa inay sabir yeeshaan intay doorashadu socoto iyo kadib. Cidii kasta ee guulaysataa waxay hogaamin doontaa dhamaan dadka reer Kenya iyo mandaqada bariga afrika. Waxaan idiin rajaynayaa dhamaantiin khayr iyo nabad iyo Isfahan intay doorashadu socoto.
Ilaahay Kenya ha barakeeyo si aysan doorashadani sabab ugu noqonin colaad iyo ismaandhaaf dadka reer Kenya ka dhex aloosma.
Anigu waxaan qabaa sannadkan doorashooyinka Kenya way ka dhib yaraayeen sanadkii 2007-dii, sababtoo ah waxaa dhacay tiro yar oo dhacdooyin ah, laakiin waxaan jecelahay inaan dadka reer Kenya ka codsado inay nabada ilaaliyaan intay sugayaan natiijada doorashooyinka, kuwaasoo ay imikaba ka muuqato in mudano Uhuru Kenyatta uu guulaystay. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu quluubtiina adkeeyo.
Kenya khayr ayaan u rajaynayaa
maanta waxay ahayd maalin wacan, waana ilaahay mahadii.
Kenya waxay inoo muujisay doorashooyin dhab ah, nabad iyo jacayl korkiina ha ahaadaan.
ilaahay oo kaliya ayaa aduumihiisa ka xoog roon, markaa doorasho nabad ah aynu ku dadaalno
Nabad, waana in loo codeeyaa isbedel, oo waa in Raila la doortaa.
Doorashooyinkan shayga kaliya ee looga fadhiyaa waxa weeyaan in la soo afjaro dadka dambiyada gala ee aan wax ciqaab ah la marin, iyo in culays la saaro sidii 47-ka degmo ee jamhuuriyadeenu ka koobantahay cadaalad iyo sinaan looga hirgalin lahaa.
Waxaan idiin rajaynayaa doorashooyin xor iyo xalaal iyo nabad ah, qokii guulaystana waa in la shaaciyaa, markaa wax dhiig ah oo daataa ma jiri doono, sidaasaana dalal badan oo afrikaan ah ka dhacda.
aniga nabada ayaa iigu muhiimsan, waxa kalena way ku xigaan
hamuunta loo qabo gacan ku haynta taladu waa cudur ku dhaca dimuqraadiyada. Dadka Kenya waxaan leeyahay waa naad aqbashaan natiijada doorashooyinka, gudida doorashooyinkana waxaan leeyahay waa inaad cadaald ku shaqaysaan oo aydaan xisbiga talada haya u eexanin. Sidoo kale, waa in qabyaalada meel la iska dhigaa, oo horumar iyo qaranka oo la adkeeyo laga fekeraa. Ilaahay ha idiin barakeeyo doorashooyinkiina.
Waxaan aad iyo aad walaaleheen iyo dhamaan dadka ugu baaqayaa inay natiijooyinka aqbalaan, murashaxiintuna ay iyaguna natiijada aqbalaan, waa anigoo ah Pieter William Masai, oo jooga Tanzania. Ilaahay ha barakeeyo saaxiibadeena reer Kenya iyo doorashadooda. awood badan oo ilaahay ka timid ha ilaaliso doorashooyinka Kenya
Waxaan reer Kenya hadaad tihiin idiin rajaynaynaa doorashooyin nabad ah oo xasiloon. Waxaad doorataan hogaamiyayaal go’aan adayg leh, ayna ka go’an tahay inay u dagaalamaan xuquuqda dhamaan reer Kenya. Waa anigoo ah Peter Masai oo Tanzania jooga. Waxaan dhamaan reer Kenya u rajaynayaa doorashooyin nabad iyo kalgacayl ku qabsooma.
Anigu waan ka helay.
Nabadu waa inay waartaa
Arrinka ugu muhiimsani waa nabada oo la ilaaliyo. Waxaynu nahay shacab kaliya iyo qaran kaliya iyo isjeclaansho kaliya iyo cod kaliya.
Hadaynu nahay reer Kenya, waa inaynu nabada ilaalinaa, waayo waxaynu ku jirnaa wakhtigii aynu mustaqbalkeena go’aamin lahayn. Walaalayaal aynu si xor ah wax u doorano, rajadeenuna ha wacnaato. Anigu waan jecelahay Kenya. Dhamaanteen waynu jecelnahay Kenya, markaa aynu inagoo reer Kenya wada ah isku duubnaano. Khayr baan idiin rajaynayaa
Waxaan rajaynayaa oo aan ilaahay ka baryayaa in arrimuhu sidii loogu talagalay ay u socdaan, waxaan taa uga jeedaa inay inoo qabsoomaan doorashooyin nabad ah oo la wada aqbalo raalina laga noqdo natiijada.
Waxaan dadka reer Kenya kula talinayaa inay doortaan hogaamiye wacan oo qiimayn doona dhamaan dadka Kenya, isla markaana u horseedi doona horumar, daafici doonana midnimada Kenya isagoo aan ka fekerayn qabiil iyo midab midna. Waxaan idinku soo dhawaynayaa dalka Tanzania doorashada ka dib.
Walaalahayga reer Kenya waxaan idiin rajaynayaa doorashooyin wacan sanadkan 2013, doorashooyinkan oo aad ku dooranaysaan hogaamiyayaasha idin hogaamin doona afar sanadood. Hadii aad doorataan hogaamiyayaal xun, waxaa idinka xumaan doona afartaas sanadood.
Doorashooyinku waa inay ahaadaan kuwo cadaalad ah, nabaduna waa inay waartaa.
Waxaa wacan in doorashada tiro badan loogu soo dareero, kadibna guryaha lagu sugo natiijada. Waxaa wacan in qofku daafaco nabadgalyada si dalkiisa uu ugu faa’ideeyo intuu danihiisa gaarka ah ka fikiri lahaa. Waxaa wacan in la doorto hogaamiye dhaqaalaha wanaajin kara intii uu ka fikiri lahaa qabyaalad iyo dadka wajigooga. Waxaan ku baaqayaa qabyaalada iyo colaada aynu ka dheeraano, waayo labadaa shay dhaqaalaha Kenya dib ayay u jiidi doonaan. Waxaan idiin rajaynayaa doorashooyin nabad ah oo dhidibada u taagi doona dalka Kenya, adkayna doona Kenya iyo afrika labadaba. Ilaahay ha barakeeyo Kenya.
Annan hadal wacan ayuu yidhi waayo wanaag ayuu inala rabaa.
Waa in nabad iyo xasilooni lagu galaa doorashooyinka qabsoomi doona bisha afarteeda. Kenya way inoo baahantahay dhamaanteen doorashada ka dib.
Ma aha in siyaasadu ay geeri idiin horseedo hadaad tihiin dadka reer Kenya. Markaa si nabad leh u codeeya, diin iyo qabyaalad midna ha ku xisaabtamina.
waxa kaliya ee aan rabaa waa nabad. Waxaan haystaa saddex inan oo yaryar, waxaanan u codayn doonaa mustaqbalkooda, mustaqbalkooduna wuxuu ku jiraa Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto
Faalooyinkani waa kuwo caafimaad qaba,
Waa in dadka reer Kenya ay si nabad ah u codeeyaan iyagoo aan ka fekerin qabyaalad, waana inay ogaadaan in qabyaaladu ay tahay sababta colaadaha.
Walaalahayga Kenya waxaan idin leeyahay colaado maaha wax wacan, markaa si nabad ah u codeeya natiijooyinkana aqbala. Ilaahay ha idin hogaamiyo intaad ku jirtaan marxaladan adag.
Waxaan dhamaan hogaamiyayaasha ka codsanayaa inay ku dadaalaan adkaynta amaanka si arrimuhu aysan u marin dariiqii ay mareen doorkii hore. Waxaan dadka reer kenyana dhamaantood ka codsanayaa inay nabada ilaaliyaan xitaa markay guryohooda joogaan. Sidoo kalena bilaysku waa inay feejignaadaan, waxaanan dhamaantiin idiin rajaynayaa doorasho nabad ah.
Waa inaynu nabada u codaynaa ugu horayntii, Kenya na dhamaanteen waan jecelnahay
Fadlan oo fadlan dadka reer kenyoow! Idinka ayaa xasiloonida dalka Kenya ilaalin kara ama burburin kara! Mana jeclaan doono inaanu aragno ama aanu maqalno in marlabaad sannadkan 2013-ka lagu kacay wixii dhacay doorashadiinii hore. Dimuqraadiyadiina si nabad iyo isdhuldhig leh ugu dhaqma, sidaana codadkiina ku dhiibta. Waxaan idiin rajaynayaa in doorasho nabad ahi ay maalinta barrito idiin qabsoonto, ee taariikhdu tahay 04 maarso, 2013.
Dadka reer kenyoow waxaan idinka codsanayaa inaydaan qaladkii dhacay sanadkii 2007 marlabaad ku celinin. Waxaan ku baaqayaa nabada ha la ilaasho si ilaahay inoo barakeeyo.
Waxaan jecelahay inaan walaalahayga reer Kenya ku booriyo inay is dajiyaan oo ay doorkan natiijada aqbalaan, waayo ku farxi mayno inaan maqalno in arrimuhu doorkan ay noqdiin sidii doorkii hore.
Dadka reer Kenya waxaan leeyahay waa inaydaan hogaamiyayaashiina ugu codaynin waxoogaa aduun ah oo ay idin siiyaan balse waa inaad qalbigiina ugu codaysaan. Waxaanad xusuusataan in hal qalad oo kaliya uu jiil dhan u horseedi karo xanuun waligii waara, iyo dhimasho iyo dhagar iyo kala takoor.
Anigu waxaan qabaa waxaa la gaadhay wakhtigii ay dadka reer Kenya dhamaantood noqon lahaayeen dad siyaasad ahaan qaangaar ah. Waayo taasi inaga iyo dhaqaaleheena iyo ammaankeena ayay u wanaagsantahay, waxaana intaa dheer waxbarashadu waa waxa iigu muhiimsan!
waxaan rabnaa inaan aragno Kenya cusub
waxaan rabnaa Kenya cusub
Anigu waxaan ogahay inaysan doorashooyin ka dhici karin qaarada afrika, sababtoo ah hogaamiyayaasheenu waxay si wayn ugu mashaquulsan yihiin iibsashada codadka , dadkeenuna waa dad sabool ah, laakiin waa in dadkeena da’da yar aynu kacdoon samaynaa, waayo afrika aad ayay u dambaysaa, carruurteenana wax rajo ahi uma maqna. Anigu markaa ma aaminsani doorasho ka dhacda afrika, hadii wali ay ina dhex joogaan dadka ay ka mid yihiin Mudane Museveni iyo kuwa kale ee aan waligood isku khajilinin. Isaac, Uganda
Cidii guulaysataaba waa noo madawxayne loomana baahna colaad
fadlan dadka reer Kenya waxaad ogaataan in la gaadhay wakhtigii aad afrika inteeda kale u muujin lahaydeen waxa looga jeedo doorasho dimuqraadi ah, iyo macnaha midnimada. Ilaahay ha idin garab kalo reer Kenya
Dadka reer Kenya way ku mahadsanyihiin aqbalaada ay aqbaleen is bedelka.
Dadka reer Kenya waa inay dhamaantood walaalo ahaadaan doorasho iyo doorasho la’aan labadaba. Ma garateen?
Waxaan dadka reer Kenya dhamaantood la rabnaa nabad.
waxaan jecelahay inaan ciidamada amaanka Kenya ku booriyo inay nabada xoojiyaan, waayo anigu ma fahmin sababta keentay in aroor hore dad lagu gawraco Malindi inkastoo ay xukuumadu meesha soo dhoobtay 100,000 oo askari, mise tiradaas askarta ahi sax maysan ahayn. Ole mitito waa inuu hurdada ka toosaa waayo wali wuu hurdaa
Waxaan ku baaqayaa aynu si nabad leh u doorano dadka ina metelaya maalinta isniinta ee 4-ta bishaa maarso, inagoo ka fekerayna danta dhaqaaleheena iyo jiilasha soo socda.
Ilaalinta nabadu waa arrinka ugu doorka roon
Margaret halkaa kasii wad hawsha aad wado ee aad dadka reer Kenya wax ugu bayaaminayso.
Dadka reer Kenya waxaan kula talinayaa inay nabada iyo iswaafiqista ku fara adaygaan, waana in ilaahay aynu ka barinaa inuu ina siiyo hogaamiyayaal wacan. Ilaahay ha barakeeyo Kenya
Waxay dadka reer Kenya haystaan fursad wacan oo ay ku kala doortaa musharaxiinta wanaagsan iyo kuwa kale. Dadka reer Kenya waxaan ka codsanayaa inay si wacan wax u doortaan oo ay ka fekeraan ciday dooranayaan!
Ma jiro qof dadka intooda kale wax kaga wacan, mana aha inay cidina is moodsiiso inay xafiisyada xukuumada markasta ka ag dhawaato. Hadii lagaa badiyo, fadlan aayar gurigaaga ku laabo oo fursad sii hogaamiyayaasha sida dimuqraadiga ah loo doortay si ay dalka ugu hogaamiyaan sharicaga loo sameeyay iyo dustuurka cusub wuxuu dhigayo. Waxaa musharaxiinta qaarkood ku waajib ah inay dalka waxoogaa naxariis iyo kalgacayl ah u muujiyaan, isla markaana ay la shaqeeyaan cidii la doorto si ugu yaraan dalkan looga badbaadiyo in balaayiin lacag ah oo hantida guud ka mid ahi aysan ugu khasaarin wareeg labaad oo doorasho ah.
aniga waxaan ahay arday waxaan ku noola hay xaafada islii gaar ahaan 7street waxaan jeclahay in aan codkega dhiibto oo aan codeyo waxaan jeclahay inaan kamid noqdo dhaqaa tiirta keyna
Dadka Kenya haloo daayo in ay hogaamiye wacan doortaan.
Hadii murashaxa aad doorbidaysaa uusan doorashada ku guulaysan, cid kasta oo ku guulaysataa waa cid Kenya ka mid ah, dadkoo dhana cidaasaa madax u noqon doonta. Sidaa ageed, codeeya oo ogolaada in meesha qof kaliyaa uu guulaysan doono, isla markaana aysan jirin cid khasaari doontaa
Dhaman dadka reer kenya waxan leyahay u codeeya si nabad ah
Ra’yiga dadka reer Kenya run badan ayaa ku jirta, waxaanan rumaysanahay inuusan ilaahay adoomihiisa dayacin. Dhamaan waxyaabaha lasoo jeediyay ee laga hadlay waa la dhagaysan doonaa waana la dabiqi doonaa. Xitaa dadkayaga reer Tanzania waxaanu rajaynaynaa in nabadu waarto! Waxaana idinku waajib ah inaad qabyaalada meel isaga tuurtan. Ilaahay ha barakeeyo afrika.
Kenya waa dal dunida oo dhan laga jecel yahay, waana in dadka reer Kenya ay is jeclaadaan, waxaanan rajaynayaa inay doorashooyinku ku qabsoomaan nabad iyo is jeclaansho. Ilaahay ayaa idin hagi doona, anaguna hadaanu nahay reer Tanzania waxaanu jecelnahay inaanu aragno doorashooyin nabad ah.
Fadlan walaalahayga reer Kenya waxaan idinka codsanayaa inaad si xigmad leh u codaysaan si mustaqbalku uu u wacnaado, oo yaan lacag la idinku khiyaamaynin, waayo shan sanadood oo dhamaystiran ka dib ayaad dadkaas arki doontaan.
Meesha wax dhibaato ahi ka dhici maayaan maalinta doorashooyinka, hadii eebe idmo…. Kenya wa dal nabad ah, waligeedna may burburin.
maqaalkani waa mid u wacan cidii rabta inay xaqiijiso himiladeeda, sababtoo ah wuxuu macne wayn ugu fadhiyaa dhamaan dadka reer Kenya iyo dadka dunida ku nool intaba iyo kuwa internet-ka adeegsada. Angiu waxaan ka mid ahay dadka u ololeeya presso, oo waxaan uga ololeeyaa internetka iyo facebook-ga, dhamaan dadka igala shaqeeya rugta internetkuna waxay dhahaan waxaad tahay madaxwaynaha Kenya ee soo socda ee diyaar ma u tahay in ad ta u istaagto mudane.
Waxaan ku boorinaynaa dhamaan dadka reer Kenya inay nabada ilaaliyaan intay socoto doorashooyinka guud ee soo socdaa. Sidoo kale waa inaysan dhalinyaradu u ogolaanin inay siyaasiyiintu ku guuraan oo ay danohooda gaarka ah ku gaadhaan. Dadka reer Kenya go’aankoodii way gaadheen!
Waxaan walaalahayga reer Kenya ka codsanayaa inay nabada ilaaliyaan oo ay sawir wacan bixiyaan oo aysan abuurin wax dhib ah intay doorashadu socoto iyo kabacdi labadaba. Waxaan ilaahay ka bayrayaa in aynu xooga saarno si nabadgalyo leh in loo codeeyo.
waxaan leeyahay hctv sidii uugu fiicnayd ugamay soo waramin doorashada dalka kenya. noosheega oo maxa jira miyaad baqaysaan.////
Kadib markaan arkay wixii dhacay doorashadii sanadkii 2008 ka bacdi, doorashadan waan soo codayn doonaa kadibna gurigayga ayaan ku laaban doonaa, laakiin fadlan fadlan fadlan dadka reer Kenya waxaan kula dardaarmayaa nabad nabad nabad.
sidani waa si wacan
Waanu ku jecelnahay Kenya. p eace peave
nabad nabad nabad Kenya
Kenya waa qaran madaxbannaan, markaa waa in dadka reer Kenya ay dookhooda u codeeyaan oo ay iska ilaaliyaan saamaynta dalalka reer galbeedka ah.
dadka reer Kenya waxaan leeyahay aynu waajibkeena gudano oo aynu codayno, ilaahayna isagaa ina siin doona hogaamiye. Waxaad xusuusataan sidii reer banuu israa’iil ay markasta ugu fashilmi jireen inay doortaan hogaamiye, laakiin ilaahay ayaa usoo saari jiray. Hadaynu sidaa yeelno, waxaynu arki doonaa Kenya oo bilicsan, markaa nabada aynu ku dadaalno, oo aynu noqono kuwo nabada u adeega, waxaanan ku baaqayaa aynu waxaynu soo saarno cuno.
Waxaa la gaadhay wakhtigii ay ahayd inaynu taariikhda galno hadaynu nahay reer Kenya oo aynu codkeena dhiiban lahayn inago wada ah reer Kenya
Kenya way jiri doontaa 5-ta Maarso ka dib, markaa waa in cidina aysan cid kale la dagaalamin ama dilin doorashada awgeed.
Ciyaaraha waxaa qasab ah in qolana guushu raacdo qolana laga badiyo, markaa hadii cid laga badiyo, waa in cidaasi aqbashaa in laga badiyay oo ay dadka kale fursad siisaa.
Kenya waxay ka koobantahay aniga iyo adiga, markaa aynu nabada ilaalino oo aynu dunidana yaab iyo amakaag ku ridno, oo aynu u muujino dalalka kale inay talaabooyin kooban usoo jirno…
Xiligan waxaan rumaysannahay in qof walba oo Keenyaan uu yahay nabad ilaaliye
Dadka reer Kenya waa inay si xigmad leh u codeeyaan doorashooyinka, waana inaysan cidina saamayn ku samayn cida ay u codaynayaan bisha maarso afarteeda. Sidoo kale waa inay ilaaliyaan nabada dhamaan dalka dhinac kasta, si looga hortago inay dhacdo fawdadii dhacday sanadkii 2007. Qof kastaa xaq ayuu u leeyahay inuu u codeeyo cida uu rabo. Markaa fadlan xigmad yeesha.
Kenya waa dalka aan ugu jecelahay, markaa ilaahay waxaan ka baryayaa inuu markan hago reer Kenya, waxaanan u rajaynayaa khayr. Amiin. wa mary clement oo Tansaaniya jooga.
Waxaan walaalahayga reer Kenya aad iyo aad ugu boorinayaa inay natiijooyinka doorashada niyadsami iyo dulqaad ku qaabilaan, musharaxiintana waxaan ku boorinayaa inay aqbalaan natiijooyinka. Ilaahay ha barakeeyo Kenya.
Nabadu waa inay shaqaysaa kahor doorashooyinka iyo inta lagu gudajiro iyo markay dhamaadaan. Sidaasaan ku ducaynayaa. Aamiin.
Nabadu waxay ka timaadaa iimaanka, markaa aynu imaankeena wanaajino oo aynu walaalo noqono, rag iyo dumar labadaba. Hadaynu sidaa yeelno, waxaynu heli doonaa nolol waan oo ina raali galisa.
Nabad ayaan uga baahannahay Kenya.
Aynu noqono dad walaalohood ilaaliya, inagoo aan u fiirsanin halka uu qofku asal ahaan kazoo jeedo.
Waxaan u baahanahay dad muwaadinimadu ka dhab tahay. Kenya shakhis way ka muhiimsantahay, waxaanan ku baaqayaa nabad iyo isjeclaansho iyo midnimo.
waxaan codsanaynaa doorashooyin nabad ah
Dadka reer Kenya waa dad aad u nabad jecel, laakiin colaadii 2007-kii waxaa abuuray damaacinimada iyo khaayinimada hogaagmiyayaasha xiligaa joogay, iyadoo intaa dheertahay gudida doorashooyinka oo si aan hawlkarnimo lahayn wax u maamulaysay. Hogaamiyayaasha afrikaanku waligood wixii hore u dhacay cashar kama bartaan, laakiin waxa kaliya ee dalkani ku badbaadi karaa waxa weeyaan ala bari iyo in dhamaan waaxaha qaranku ay u hogaansamaan kuna dhaqmaan dastuurka cusub. Hadii doorashooyinka lagu shubto, waa in arrinkaa lala tiigsadaa nidaamka garsoorka kolba qaybtii ku haboon arrinkas. Maxay tahay cadaalada aad sugayseen kadib doorashooyinkii fashilmay ee sanadkii 2007, hadii uu qaadigu ahaa cida isku duba ridaysay ee maamulaysay dhaarinta madaxwaynaha, kaasoo qol madaw lagu dhaariyay, halka markii hore isla madaxwaynahaas dharaar cad lagu dhaariyay beerta Uhuru. Anagu ma rabno malaa’ig qarankan hogaamisa, balse waxaanu rabnaa dad reer Kenya ah oo ilaalin doona daaficina doona dastuurka. Maxaa ka dhacay dalka Ivory Coast? Madaxwaynihii hore ee dalkaas ee imika ku sugan xabsiga maxkamada dambiyada aduunku wuxuu ahaan jiray borofasoor dhiga culuumta taariikhda. Hogaamiyayaashu way soo shaac baxaan hadana way libdhaan, markaa aynu midaysnaano oo aynu nabada ilaashano intaynu ku guda jirno doorashooyinka dhici doona 4-ta bisha maarso iyo kabacdi labadaba. Anigu shakhsiyan waxaan gari go’an ku noqday magaalada Kismaayo, halkaasoo aan sadex casho ahaa bilaa cunto iyo bilaa biyo iyo bilaa hoy. Ilaahay ha barakeeyo Kenya iyo dadkeeda intay ku guda jiraan doorashooyinka dhici doona 4-ta bisha maarso.
Waxaan walaalahay ka codsanayaa inaysan noqon dad colaad wadayaal ah, waayo colaadu maaha xal
Waxaan rajaynayaa inay dadka reer Kenya midaysnaan doonaan xitaa doorashooyinka ka dib, waxaanan leeyahay aynu doorano hogaamiyayaasha mudan in la doorto.
qabaa’ilkeenu ha dagaalamaan bal aynu aragno keena guulaysta, waana in qabiilka “luo” si daran loola dagaalamaa
Waxaan codsanaynaa doorashooyin nabad ah.
waxaad ugu codaysaa hogaamiyahaaga hadba himiladaada mustaqbalku siday tahay
Waxaan dadka reer Kenya u rajaynayaa khayr intay ku guda jiraan doorashooyinka guud ee maalmo yar gudohood ku qabsoomi doona. Ilaahay ha idin hago.
Anigu waxaan degenahay xeebta, waxaananu ku tiirsannahay dalxiiska. Markaa musharaxiinta madaxwaynanimadu maxay ka qabaan dalxiiska Kenya?
Dadka reer Kenya waxaan ugu baaqayaa in aynu doorano hogaamiye ina hogaamiya, oo yaynaan hoos u eegin isirkiisa.
Dadka Kenya waxaan leeyahay waa inaynu iska ilawnaa dadka iyagu nacaybka ololayaashooda ka faafinaya, ee aan dadka usoo bandhigayn himilooyinkooda, ee kaliya ku u olo oleynaya inay ka sheekeeyaan dadka kale iyo hantidooda, waxaana dhab ah in dadkaasi aysan dan inoo ahayn, balse danteenu waa inaynu diirada saarno horumarinta Kenya iyo kobcinta qaranka, arrimahaasina waa kuwo ka wayn isir iyo deegaan labadaba. Diyaar uma nihin inaanu aragno dalkeena oo la kala googoynayo, oo ay kala jarayaan dad dano gaar ah leh oo u gaajaysan awood, isla markaana uu buuxiyay nacayb iyo aargoosi.
Doorashooyin nabad ah ha la qabto, hadii kale qofkastaa tuuladiisa ha ka ag dhawaado oo magaalada ha isaga baxo. waa anigoo ah otulo jackson
Khayr ayaan u rajaynayaa dadka reer Kenya.
Aan dhamaanteen door wacan ciyaarno, kaas oo ah in midkeenba midka kale uu ku waaniyo nabada. Dhamaanteen ilaahay waynu u simanahay.
Waxaan leeyahay haloo codeeyo yoolka sanadka 2030, meeshana halaga saaro jaahilnimada qabyaalada, aynuna maskaxdeena isla kaashano hadii aynu nahay reer Kenya.
Khayr ayaan u rajaynayaa Kenya intay ku gudo jirto doorashooyinka guud
Waxaan ilaahay ka baryaynaa inaysan colaaduhu marlabaad qarxin.
Waxaan dadka reer Kenya ugu ducaynayaa inay doorashooyinku si nabad ah ugu qabsoomaan, isla markaana ay awoodaan inay is habeeyaan si ay u doortaan musharaxiinta hadalkooda iyo balanqaadkoodu ay yihiin wax la fulin karo, waayo siyaasadu waa wax adag
Waa in dhamaan dadka reer Kenya ay nabada iyo wadanoolaanshaha xoojiyaan kadib doorashooyinka guud
Dadka reer Kenya waa inay wax ka bartaan wixii dhacay sanadkii 2007, waxaanan leeyahay ha ogolaanina in marlabaad khaladaadkaasi ay dhacaan, sababtoo ah ka sokow dhiigii daatay, qaranka khasaare wayn ayaa soo gaadhay. Waa anigoo ah Sergius Mtenga – Daarasalaam, Tanzania
Dadka reer Kenya waxaan leeyahay aynu si dhab ah nabada u adkayno isuna jeclaano