Midowga Yurub oo sheegay in doorashooyinkii guud ee Kenya ay si sax ah u dheceen

Maajo 30, 2013

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Doorashooyinkii guud ee Kenya ka dhacay 4-tii Maarso guud ahaan waxa ay ahaayeen kuwo sax ah, inkasta oo ay meesha ka maqneeyd daalacnaantii loo baahnaa, sidaana waxa Arbacadii (29-kii Maajo) warbixin kama dambays ah oo uu soo saaray ku sheegay Ergadii Midowga Yurub ee Ilaalinta Doorashooyinka Kenya (EUEOM).

"Waxan diiwaan-galinay khaladaad yaryar oo ka dhacay tirintii iyo farqi u dhexeeyay tirada cododkii laga bixiyay doorashada madaxweynenimada iyo tartamo kale oo doorashooyin," ayaa yiri Madaxa dul-joogayaasha EUEOM Krzysztof Lisek, sida uu sheegay The Standard-ka Kenya. "Si kastaba ha ahaatee, farqiyada ayaa kulligood ahaa wax ka yar 1%. Tiradaas ayaa u badan in ay tahay khalad ka dhacay tirinta oo ayan ka imaan wax is-daba-marin."

Si kastaba ha ahaatee Lisek waxa uu sheegay in doorashooyinku ay wali ka jireen dhibaatooyin. "Soo gudbintii natiijada ayaa waxa ka marnaa daalacnaanta, iyada oo wakiillada xisbiyada iyo ilaalada doorashada aan galaangal ku filan loo siin xarumaha tirinta," ayuu yiri.

Intaa waxaa dheer, in diiwaannadii cod-bixiyayaasha ee lagu isticmaalay maalindii codeeynta aanan laga helin xog la isku halleeyn karo oo waafaqsan diiwaan-galintii muwaadiniinta, ayaa lagu yiri warbixinta, sida uu sheegay Capital FM-ta Kenya. Khilaafkaadka u dhexeeyay diiwaannada cod-bixiyayaasha ayaa illaa iyo xad eeddeeda loo tirin karaa safafkii dhaadheeraa, ayay sheegtay warbixintu.

Ergada ilaalada ayaa ku dhiirri-galisay Komishanka Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha in uu doorashooyinka dhici doonta mustaqbalka u daabaco baratakoollo faahfaahsan oo khuseeya tirinta cododka.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Tacaddiga ku saleeysan jinsiga ee Kenya waa:

Fiirso natiijada