Laan Qayrta Cas oo $140,000 u qoondeeysay taageerada gargaarka cudurka dabaysha ee Kenya

Maajo 27, 2013

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xiriirka Caalamiga ah ee Ururrada Laan Qayrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) ayaa Sabtidii (25-kii Maajo) shaaciyay in ay $140,000 oo doolar (11.9 milyan shilin) u qoondeeysay sidii loo caawin lahaa dagaalka uu Ururka Laan Qayrta Cas ee Kenya (KRCS) kula jiro cudurka dabeeysha ee ka dillaacay gobolka.

Qoondeeynta lacagta ee ka imanaysa Santuukha Garkaanka Musiibooyinka Degdegga ah ee IFRC-da ayaa ku soo beegmaysa kadib markii dhowr xaaladood oo cudurka dabaysha ah laga xaqiijiyay Kenya iyo Soomaaliya.

KRCS ayaa ku tala-jirta in ay fuliso dhowr wareeg oo tallaal ah saddexda bilood ee soo socda kuwaa oo laga fulin doono degmooyinka Gaarisa, Wajeer, Mandheera, Nairobi iyo Turkana, iyada ooy intaa dheertahay in ay kor u qaaddo wacyiga isla markaana taageero loojistiko u fidiso dadaallada xukuumaddu ku xakameeynayso cudurka dillaacay.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Maxaa kugu dhiirri-galiya in aad mas'uuliyiinta amniga ku wargaliso falalka laga shakiyo ama xubnaha loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin ee al-Shabaab?

Fiirso natiijada