Geelle iyo Hollande oo ka wadahadlay iskaashiga laba-geesoodka ah

Maajo 27, 2013

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa kulmay intii uu socday shir-madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa Sabtidii (25-kii Maajo) si ay uga wada hadlaan sii adkeeynta iskaashiga laba-geesoodka ah, sidaana waxa sheegay Wakaaladda Wararka Jabuuti.

Intii uu socday kulanku, ayuu Hollande waxa uu Geelle uga mahadceliyay taageerada uu siiyo ciidamada Faransiiska ee howlgallada la-dagaallanka burcad-badeednimada ka wada gobolka waxana uu Jabuuti ku dhiirri-galiyay in ay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu raadinayo xasilinta Soomaaliya xilligan ay dib ugu soo noqoneeyso masraxa siyaasadda caalamiga ah, sida laga soo xigtay Radiyaha iyo Talafishanka Jabuuti.

Hollande waxa uu sheegay in Faransiisku sii wadi doono taageerada uu ku bixiyo horumarka bulsho iyo dhaqaale ee Jabuuti.

Waa kulankii ugu horreeyay ee ay wada yeeshaan labada hoggaamiye tan iyo markii Hollande qabtay xafiiska Maajo 2012-kii.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Dhacdooyinkii ammaan ee dhawaan ka kala dhacay Mombasa iyo Nairobi sida ay u badan tahay waxay ka dhasheen:

Fiirso natiijada