Guddiga la-dagaallanka musuqmaasuqa ayaa su'aalo waydiiyay Kimemia

Maajo 27, 2013

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Guddiga barlamaanka Kenya ee maamulka iyo amniga qaranka ayaa Isniintii (27-kii Maajo) waxa uu su'aalo la xiriira eedeeymo musuq-maasuq wax ka waydiiyay Madaxa Shaqaalaha Dawladda Francis Kimemia, sidaana waxa sheegay Daily nation-ka Kenya.

Komishanka Akhlaaqiyaadka iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Kenya ayaa guddiga u soo gudbiyay warbixin arrinka ku xiriirinaysa Kimemia. Komishanka ayaa hadda laga filayaa in uu qoro warbixin ku saabsan sida uu Kimemia munaasibka ugu yahay xafiiska kadibna u gudbiyo barlamaanka todoba maalmood guduhood.

Su'aalihii la waydiiyay mas'uulka Isniintii ayaa daba socda fadhi baaritaan ah oo dhacay Jimcihii halkaa oo uu Kimemia uga jawaabay su'aalo khuseeya hufnaantiisa iyo dhaqankiisa xafiiska. Kimemia ayaa lagu eedeeyay in uu u xagliyay Isbahaysiga Jubilee intii lagu jiray doorashooyinkii guud, taas oo uu beeniyay.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Illaa iyo xadkee baad ku kalsoon tahay in xukuumadaha Bariga Afrika ay tallaabooyin waafi ah u qaadayaan ka hortagga dillaacidda Ebola?

Fiirso natiijada