Bilayska Kenya oo dilay qof looga shakiyay al-Shabaab

Maajo 27, 2013

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Kenya ayaa dilay Khalid Ahamed oo looga shakiyay in uu ka tirsan yahay dagaalyahannada al-Shabaab kadib dagaal qoryo la isku adeegsaday oo ka dhacay Kisauni oo u dhow Mombasa Axaddii (26-kii Maajo), sidaana waxa sheegay Daily Nation-ka Kenya.

Ciidamada ammaanka ayaa awood ku galay guri uu dagannaa Ahmed kadib markii ay heleen xog, iyaga oo goobtaas ka helay qoryo iyo rasaas.

Ahemd, oo Kenya ka soo galay Soomaaliya 20-kii Maajo, ayaa la rumeeysnaa in uu tababare malleeyshiyaad u ahaa al-Shabaab isaga oo sidoo kale dhallinyarada degaanka u qori jiray kooxda argaggixisada ah, sida uu sheegay taliye ku-xigeenka bilayska ee Kisauni Thomas Sangut.

Laba askari oo bilays ah oo uu dhaawac halis ah ka soo gaaray dagaalka ayaa la dhigay Isbitaal.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Illaa iyo xadkee baad ku kalsoon tahay in xukuumadaha Bariga Afrika ay tallaabooyin waafi ah u qaadayaan ka hortagga dillaacidda Ebola?

Fiirso natiijada