Kenya oo 2010-kii xirtay ninka lagu tuhunsan yahay in uu dilay askarigii Ingiriiska

Maajo 26, 2013

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Mid ka mida tuhmanayaasha muhiimka ah ee dilkii askarigii Ingiriiska ahaa ee lagu dilay London ayaa waxa saddex sano ka hor lagu xiray Kenya isaga oo wax laga waydiiyay xiriir la tuhmay in uu la lahaa xag-jiriinta al-Shabaab, sidaana waxa Axaddii (26-kii Maajo) xaqiijisay xukuumadda Kenya.

Michael Adebolajo, oo 22-jir ah, ayaa Arbacadii laga duubay fiidiyoow isaga oo sida minddiyo dhiig leh iyo hilb-jar-jare isaga oo sheegaya in uu dilay Lee Rigby oo ahaa askari aan shaqo ku jirin.

Ciidamada Kenya ayaa 2010-kii Adebolajo su'aalo ka waydiiyay arrimo ku saabsan xiriir u la leeyahay al-Shabaab, isaga oo xiriir la lahaa tuhmanayaal kale oo ku sugan Mombasa, sida ay warisay AFP. Adebolajo ayaa la sii daayay laba maalmood ka dib markii la waayay wax caddeeyn ah.

"Waxa la qabtay isaga oo wata magac kale, magac been ah," ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Muthui Kariuki. "Wax tallaabo ah kama aynaan qaadin maadaama lagu wareejiyay xafiiska maxalliga ah ee MI5."

Al-Shabaab ayaa soo qortay dhowr fariimood oo ay Twitterka ku soo gudbisay tan iyo dilkii askariga ee Arbacadii, lakiin marna sooma qaadin Adebolajo. "Toulouse, Boston, Woolwich...Xaggee baa xigi doonta? Kaliya awood la'aan iska daawo, tani waa mid hubaal dhici doonta. Waxa la gaaray waqtigii la idinka gooyn lahaa dambiyadii aad horay u gasheen!" ayaa lagu qoray mid kamida farriimaha, iyada oo sidoo kale lagu muujiyay weerarro dhawaan ka dhacay Faransiiska iyo Maraykanka.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • salma tanzania
    June 18, 2014 @ 02:08:16AM

    Reer Kenya waxaan leeyahay idinka ayaa wax kharribay. Markaa waa in aad waajahdaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Maxay kula inay tahay natiijadii ugu muhiimsaneeyd ee ka soo baxday Shir-madaxeedkii Hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika?

Fiirso natiijada