Maarso 04, 2013
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Axaddii (3-dii Maarso) waxa uu mashaariicda horumarineed ee socda ee uu maal-galiyo Midowga Yurub kala hadlay Ku-xigeenka Xog hayaha Guud ee Adeegga Dibadda Yurub Maciej Popowski, sidaana waxa sheegay La Nation-ka Jabuuti.
Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay mashaariicda ay kamid ka yihiin macaaneeynta biyaha iyo barnaamijyada khuseeya tamarta nadiifka ah.
Yuusuf ayaa sidoo kale Popowski ku soo qaaday doorashooyinkii barlamaaniga ahaa ee 22-kii Febraayo ka dhacay Jabuuti, isaga oo tilmaamay in kormeerayaashii caalamiga ahaa ay caddeeyeenin doorashooyinku ahaayeen kuwo lagu guulaystay oo hufnaa, inkasta oo ay jiraan dibad-baxyo ay wadaan mucaaradku.
Yuusuf waxa uu sheegay in tir tiriddii hannaankii liiska aqlabiyadda uu muujinayo ixtiraamka ay xukuumadda Jabuuti u hayso afkaarta dimuqraadiyadeed ee oggolaanaya in aragtiyada mucaaradku yimaadaan barlamaanka. Isbahaysiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Aqlabiyadda Madaxweynenimada ayaa horay u heeysan jiray dhammaan kuraasta barlamaanka tan iyo 2003-dii.
Popowski ayaa hoosta ka xariiqay kaalinta Jabuuti bacdamaa ay saldhig istiraatiiji ah u tahay dadaallada reer Yurub ee la-dagaallanka burcad-badeednimada, waxaana uu xukuumadda Jabuuti ku ammaanay in ay ciidamo u direen Soomaaliya kuwaas oo qayb ka noqda Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo