Maarso 04, 2013
Xafiiska muftiga ugu sareeya Sansibar ayaa ku boorriyay xukuumada in ay si rasmi ah baaritaa ugu sameeyso weerarrada lala beegsaday culimada diinta Sansibar, sidaana waxa Isniintii (4-tii Maarso) sheegay The Guardian-ka Tansaaniya.
Ma kala cadda in weerarradii dhawaan dhacay ay yihiin kuwo diin ku saleeysan iyo kuwo siyaasadeed midna, ayuu Ku-simaha Xoghayaha Muftiga Sheekh Thabit Noman Jongo ka sheegay xafalad qalin-jabin ah oo ay lahaayeen Madasha Dhallinyarada ee Unguja. Waxa uu si wayn u ammaanay tallaabadii uu Madaxweyne Jakaya Kikwete ku casumay dambi-baarayaasha shisheeye si ay bilayska gudaha gacan uga siiyaan in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilalka.
Bishii hore, ayay Baaba Evarist Mushiayay ku dileen rag hubaysan oo aan lagarayn bannaanka kaniisaddiisa. Intaa waxaa dheer, dhaawaca rasaaseed ee gaaray Baaba Ambrose Mkenda oo la isku dayay in la dilo maalintii dhalashada Masiixa iyo in wadaadka Muslimka ah Sheekh Fadhil Suleiman Soraga lagu weeraray aashito bishii November.
Jongo waxa uu sheegay in shilalkaasi ay xad-gudub ku yihiin mabaadii'da Islaamiga ah. "Sida uu qabo Qur'aanka Kariimka ah, ma bannaana in qofna sabab la'aan lagu dilo ... khubaradu waa in ay sameeyaan baaritaan qoto dheer oo dheeraad ah si loo helo halka ay ka imaanayaan dhaqamaadaasi," ayuu yiri.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo