Maarso 04, 2013
Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa Axaddii (3-dii Maarso) waxa uu maxkamadda racfaanka ku bogaadiyay sida ay u baabi'isay xukunka gabadhii la sheegay in la kufsaday Luul Cali Cismaan, laakiin waxa uu sheegay in uu ka xumaaday go'aanka ay ku sii xajisay xabsiga saxafi Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim.
"Waxaan ku faraxsanahay in aan arko go'aanka ay maxkamadda racfaanku ka gaartay dacwaddii dhibbanihii kufsiga waxaanan rumaysannahay in aan ku dhawaannay in caddaalad la sameeyo," ayuu Shirdoon ku yiri hadal uu soo saaray. "Si kastaba ha ahaatee, waxaan rajaynayay in saxaafigana laga gaaro xukun ka duwan kan la siiyay. Waan la socdaa in xukunkiisii hoos looga soo dhigay 12 bilood lagana dhigay lix bilood, laakiin ma rumaysni in saxafiyiinta lagu xiro in ay shaqadooda guttaan."
Bishii hore, ayaa Cismaan iyo Ibraahm waxaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah taaso oo ay ku muteeysteen xad-gudub ay ku sameeyeen hay'ado dawli ah. Ibraahim ayaa sidoo kale lagu helay in uu "qaaday waraysi been ah iyo in uu galay guriga haweeneey uunan ninkeeda joogin".
Shirdoon waxa uu ku celiyay in uunan ku farxin caddaalad darradii maxkmadayntii hore, laakiin waxa uu sheegay in ay waajib tahay in garsoorka la siiyo wakhti uu ku horumaro illaa uu ka gaaro heer uu si macno leh u shaqeeyo.
"Si kastaba ha ahaatee si le'eg sida ay noo soo jiidatay in ay baddasho xukunkii aan la soo dhaweeyn, ayay sidoo kalena waxa ay ahayd arrin aan marna munaasib ahayn in xukuumaddu faragalin ku sameeyso," ayuu yiri. "Waxannu ku jirnaa qorshihii aan ku kobcin lahayn mua'sasaad dawli ah oo laga hirgaliyo Soomaaliya, oo aan hunguriga lagu dhagin marka ay dhashaan."
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo