Geelle oo uga digay mucaaradka in uu ka waantoobo rabshadaha

Maarso 03, 2013

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jimcihii (1-dii Maarso) ayaa ugu baaqay mucaaradka in uu ka waantoodobo dibad-baxyada rabshadaha wata oo ay taa baddalkeeda isticmaalaan hannaanka garsoorka si wax looga qabtodacwadadaha ay ka qabaan doorashooyinkii February ee barlamaaniga ahaa, sidaana waxa sheegay La Nation-ka Jabuuti.

Waraysi uu siiyay Voice of America, ayuu Geelle ku qiray xaqa uu mucaaradka u leeyahay in uu dibad-baxo laakiin waxa uu codsaday in mucaaradku ka waantoobo dadaalladooda ku aaddan in ay "abuuraan xaalado dalka galin kara dagaal sokooye."

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xasan Dharaar Hufane ayaa mamnuucay dhammaan dibad-baxyada iyo socodyada siyaasadeed.

Dibad-baxyo ay hoggaaminayeen taageerayaasha isbhaysiga mucaaradka ee Midowga Badbaadada Qaranka ayaa socday muddo todobaad ah, iyaga oo ku dhalleeceeyay Midowga Aqlabiyadda Madaxtooyada in ay is-daba-mariyeen doorashooyinkii barlamaaniga ahaa ee 22-kii February.

"Xiqiri maayo xuquuqda mucaaradka ee ku aaddan in ay ka dhiidhiyaan natiijada doorashada, inkasta oo 62 xubnood oo ka tirsan kormeerayaasha caalamiga ah ayan soo gudbin wax qayru-caadi ah," ayuu yiri Geelle. "Saas oo ay tahay, waa annaga talada haynna kuwa mas'uulka ka ah sugidda ammaanka hantida iyo dadka. Marka dhankaa laga eego, mas'uuliyad ayaa naga saaran in aan hor istaagno qas-wadayaasha kuwaa oo tiro yar ka ah bulshada dalkeenna."

Geelle waxa uu sheegay in qiyaastii la xiray 40 dibad-baxe kuwaa oo dhawaan la soo saari doono maxkamad.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Maxaa kugu dhiirri-galiya in aad mas'uuliyiinta amniga ku wargaliso falalka laga shakiyo ama xubnaha loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin ee al-Shabaab?

Fiirso natiijada