Maarso 03, 2013
Komishanka Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha (IEBC) ayaa sheegay in agabkii doorashada uu diyaar noqon doono Axadda (3-da Maarso), ka hor doorashoyinka guud ee Isniinta.
Inta badan agabka codeynta waxa goobaha la gaarsiiyay intii lagu jiray fasaxa todobaadka, kuwa aan wali la geeynna waxa la geeyn doona duhurnimada Axadda, ayuu yiri Madaxa Maamulka Sare ee IEBC-da James Oswego, sida ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.
Oswago ayaa sheegay in saxaafaddu ay galaangal u yeelan doonto natiijada goobaha cod-bixinta. Xogta codeeynta ee laga oo aruuriyay daafaha dalka ayaa waxa lagu soo diri doonaa khadka taleefanka gacanta iyada oo loo soo diri doono xarunta lagu kala gurayo ee Nairobi si loo tiriyo, iyada oo ay jiraan saddex heer oo lagu hubinayo natiijada ka soo baxda gobollada, ayuu yiri.
Tallaabooyinka ammaanka ayaa sidoo kale kor loo qaaday Gobolka Waqooyiga Rift, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Galbeedka Eldoret Christopher Wanjau. "Ma hayno tirada rasmiga ah ee askarta ammaanka laakiin waxan doonaynaa in aan dadweynaha u xaqiijinno in ammaankoodu uu sugan yahay," ayuu yiri.
Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray Jimcihii ku sheegay in ay sidoo kale guud ahaan dalka ku diyaariyeen tallaabooyin bini'aadannimo iyo jaangooyooyin gurmad.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo