Maarso 03, 2013
Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Jimcihii (1-dii Maarso) ku dhawaaqay l in shirkii todobaadkii hore ee lagu dhisiayo dawlad-goboleedka Jubbaland uu yahay mid aan dastuuri ahayn, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Shirdoon waxa uu ka digay in go'aanka uu maamulka Kismaayo uu shirka uga furay Jaamacadda Kismaayo iyada oo ay maqan tahay xukuumadda federaalka ay khatar ku tahay in ay wiiqdo dadaalka xukuumadda federaalka ee ku aaddan dib-u-heshiisiinta iyo dhisidda dalka.
"Tallaabadan kallinimada ah, oo loo qaaday iyada oo aan laga talagalin xukuumadda federaalka, waxa ay jabinaysaa dastuurka waxayna caqabad ku tahay in si nabad ah lagu gaaro horumar siyaasadeed," ayuu yiri. "Tallabadani uma adeegayso danaha bulshada maxalliga ah ee ku nool mandiqadda iyo tan dawladda cusub ee Soomaaliya."
"Waajibka dastuuriga ah ee xukuumadda waa in ay sameeyso dal federaal ah kama dambaysta," ayuu yiri Shirdoon, isaga oo intaa ku daray in xukuumadda federaalka ay ka shaqeeynayso sidii ay maamullo maxalli ah uga dhisi lahayd goobaha laga xoreeyay al-Shabaab. "Sidii horey loo sheegayba, xukuumaddu waxa kaliya oo ay ka noqoneeysaa fududeeye."
Wakiillo ka kala socda gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa ka soo qayb-galay shirka, iyada oo ay sidoo kale ay joogeen xubno ka tirsan maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo. Madaxa maamulka ku-meel-gaarka ah iyo hoggaamiyaha malleeyshiyada Guutada Raas Kambooni Sheekh Axmed Maxamed Islam ayaa khudbaddiisii furitaanka ugu yeeray xukuumadda federaalka in ay wakiillo u soo dirsato shirka.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo