Maarso 03, 2013
Maxkmadda racfaanka Soomaaliya ayaa Axaddii (3-dii Maarso) waxa ay dambiyadii ka ridday haweeneey lagu xukumay hal sano kadib markii ay saxafi u sheegtay in ay kufsadeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, laakiin saxafigu waa uu sii xirnaan doonaa, sidaana waxa sheegay AFP.
"Maxkmaddu waxa ay amartay in la sii daayo haweeneeyda, halka uu saxafigu uu lix bilood xirnaan doono taasoo oo uu ku muteeystay in uu ku xad-gudbay hay'adaha dawliga ah," ayuu yiri Garsoore Xasan Maxamed Cali. "Maxkamaddu waxa ay ogaatay in wariyuhu uu marin habaabiyay haweeneeyda la sheegay in la kufsaday markii uu waraysanayay."
Bishii hore, Luul Cali Cismaan, iyo saxafi Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim oo 25-jir ah, ayaa lagu helay in ay yihiin dambiilayaal kadib markii ay ku xad-gudbeen hay'adaha dawliga ah. Ibraahima yaa sidoo kale lagu helay in uu galay dambi ah "in uu qaaday waraysi been ah, iyo in uu galay guri qof dumar ah oo uunan joogin ninkii lahaa".
Luul, oo horay xabsigeeda dib loogu dhigay lix bilood si ay u soo nuujiso ilmaheeda inta ayan dib u bilaabin xabsigeeda, ayaa si buuxda xor u noqoneeysa kadib xukunka ka dhacay Muqdisho.
Laakiin Ibraahim ayaa isaga oo jeebaysan waxa lagu riday gaari waxaana loo qaaday xabsiga dhexe, taasoo xanaaq ka dhex abuurtay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo saaxibbadii.
Daniel Bekele, oo ah agaasimaha Afrika ee Hay'adda Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, ayaa dhalleeceeyay sii xirnaanshaha Ibraahim, oo xabsiga ku jiray tan iyo 10-kii Janaayo.
"Maxkamadda racfaanka waxa dhaafay fursad ay ku sixi kartay khalad aad u wayn, hadday ahaan lahayd saxafiyiinta iyo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya," ayuu Bekele ku yiri hadal uu soo saaray. "Xukuumaddu waxa ay ku doodday in garsoorku ay tahay in uu iskii u shaqeeyo dacwaddan, laakiin tallaabo walba waa caddaaladdii waa loo diiday."
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo