Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |
Febraayo 12, 2013
Saddexda isbahaysi-siyaasadeed ee Jabuuti ayaa qabtay ololayaal doorsho Axaddii iyo Isniintii (10-kii iyo 11-kii February), ka hor doorashooyinka barlamaaniga ah ee 22-ka February.
Isbahaysiga mucaaradka ah ee Midowga Badbaadada Qaranka (USN), oo horay loogu yiqiin Midowga Barakaysan ee Isbaddalka, ayaa socod ku qabtay Balbala Axaddii, kaas oo uu horkacayay Ismaaciil Geedi Xareed, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti. Iyada oo ay ku hareeraysan yihiin taageerayaal ku labisan midab burtuqaali ah, ayay murashaxiinta USN waxa ay ku celiyeen rabitaankooda ay ku doonayaan doorasho u dhacda si xor ah oo caddaalad ah. "Xilligii ay madaxdu awoodda ku qabsan jireen awoodda waa uu dhammaaday rabitaanka dadkuna waa in lagu muujiyaa isbaddal," ayuu yiri Xareed.
Sidoo kale Axaddii, Ilyas Moussa Dawaleh, hoggaamiyaha isbahaysiga Modowga Aqlabiyadda Madaxtooyada (UMP), ayaa Istaadiyamka Guuleed taageerayaal ku labisan dhar cagaar ah u soo bandhigay murashaxiinta isbahaysiyga, sidaana waxa sheegay La Nation-ka Jabuuti. Hoggaamiyayaasha UMP ayaa waydiistay dadka Jabuuti in ayan ku khatalmin ballamaha xisbiyada mucaaradka. "Mahadi ha ka gaadhee siyaasadihii uu meel-mariyay Madaxwyene Ismaaciil iyo xisbiyada uu ka kooban yahay isbahaysigan, maanta dalkeennu horay ayuu u sii socdaa, wuu isbadalayaa waana uu is dhisayaa, mustaqbalkiisuna waa uu ifayaa," ayuu yiri Xasan Siciid Goumaneh, oo ah mid ka mida murashaxiinta ugu miisaanka culus isbahaysiga UMP.
Isbahaysiga dhexdhexaadka ah ee Dimuqraadiyiinta ku Midoobay Bartamaha (CDU) ayaa taageerayaashiisa Isniintii kula kulmay garoonka minishiibiyada ee Farah Had, iyada oo uu hoggaaminayay Cumar Cilmi Khayreh. Khaireh ayaa ugu baaqay taageerayaasha in ay u codeeyaan doorashooyinka soo socda, isaga oo naqdiyay dhibaatooyinka uu keenay maamulka haatan talada haya, sida musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo eexda, kuwaa oo uu ku tilmaamay in ay xagal-daacinayaan horumarka dhaqaale ee Jabuuti.
Olalaha doorashooyinka ayaa furmay Jimcihii (8-dii February) waxayna socon doonaan laba todobaad. Tani waa doorashadii ugu horreeysay ee ka dhacda Jabuuti iyada oo aan lagu dhaqmayn hannaanka liiska aqlabiyadda, waxana la filayaa in xisbiyada lata tirada badan yahay cod kii hore ka badan laga siiyo xukuumadda.
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
Bilayska Tansaaniya ayaa koox khaas ah u diray Arusha Axaddii (16-kii June) si ay baaritaan ugu s...
Wafdi ka socda Yemen ayaa fasixii todobaadkan booqday Jabuuti si uu u soo saxiixo heshiisyo xirii...
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa booqday Jabuuti Sabtidii ...
Toban qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Jowhar Sabtidii (15-kii June) kadib dagaallo ay ku lu...
Hay'adaha la-dagaallanka musuqmaasuqa Kenya ayaa u midoobay si ay u sameeyaan xarun kaliya oo lag...
Ugu yaraan saddex qof ayaa looga cabsi qabaa in ay dhinteen 20 kalena uu gaaray dhaawac halis ah ...
Shan iyo toban dal iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka qayb-galay shir khuseeya kacs...
Weerar loo adeegsaday walxaha qarxa ee la macmalay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shab...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo