Sibteembar 07, 2012
Colaado ka soo cusboonaaday gobolka Tana River Delta ee Kenya ayaa sababay dhimashada 11 qof Jimcihii (7-dii September), sida ay warisay wakaaladda wararka ee AFP.
"Weerarro cusub oo ka dhacay Tana River ayaa waxa ku nafwaayay 11 qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 10 qof oo isbitaal la geeyay," ayuu yiri mas'uul ka tirsan Laan-Qaydha Cas ee Kenya Nelly Muluka. Waxa ay sheegtay in weerarradu ahaayeen aargoosi ku aaddan dagaalladii dhex maray beelaha Orma iyo Pokomo kuwaa oo ay ku dhinteen 52 qof bishii August.
Tuuladii ayaa cagta la mariyay xoolihiina waa lakala yaaciyay weerar ka dhacay tuulada chamwanamuma, sida uu sheegay Daily Naiton-ka Kenya. Laan-Qaydha Cas ayaa sheegay in 300 oo lo' ah iyo 400 oo ari ah la waayay.
Dhinaca kalena, Kaaliyaha Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhadho godhana ayaa Khamiistii bilayska Kenya siiyay hadal, kaasoo uu ku beeniyay eedeeynta ah in uu ka horyimid dadaalladii nabadda lagu dhisayay, sdiaana waxa sheegay Daily Nation-ka Kenya.
Sii hayaha Wasiirka Amniga Gudaha Yuusuf Xaaji ayaa ku eedeeyay Godhana in uu ku fashilay ka soo qayb-galka kulanka hoggaamiyayaasha sifo dib loogu soo dhiso xiriirka labada beelood ee Pokoma-da iyo Orma-da.
"Waxan diyaar u ahay in aan Waaxda Baarista Dambiyada la shaqeeyo si aan gacan uga gaysto soo qabashada kuwii weerarka geeystay," ayuu yiri Godhana, isaga oo xaaladda kacsan ee Tana River ku eedeeyay in ay salka ku hayso ajandayaal siyaasadeed. "In nabad waarta laga gaaro gobolka wax fudud maaha inta ay uu jiro khilaafka ka dhex taagan hoggaamiyayaasha," ayuu yiri.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo