Agoosto 28, 2012
Wakiillo ka kala socda Puntland iyo Galmudug ayaa ku kulmay saldhigga bilayska ee Galmuug Isniintii (27-kii Augusut) si ay kor ugu qaadaan howl-gallada ammaanka ee ka dhexeeya labada maamul goboleed, sidaana waxa sheegay Garowe Online.
"Puntland iyo Galmudug ayaa kulmay si ay uga wadahadlaan mustaqbalka oo laga gudbo wixii tagay; waxa naga go'an in aan wada-shaqayn la nimaanno si loo sugo ammaanka gobolka," ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac.
Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay gaari lag asoo soo xaday waqooyiga Gaalkacyo oo ay warkiisa gudbiyeen bilayska Puntland. Bilayska Galmudug ayaa soo helay gaariga dabadeedna u soo celiyay milkiilihiisii.
"Waxaan jeclahay in aan u mahad celiyo wakiillada Puntland ka socda ee na soo booqday waxan sidoo kale doonayaa in aan uga bilayska Galmudug uga hambalyeeyo shaqada adag ee ay qabteen," ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug, ee dhinaca Galmdug Aways Cali Saciid. "Waxan rumaysanahay in haddii aan si wadajir ah u shaqeeyno waxannu si wayn u horumarin karnaa ammaanka gobolka."
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Midnimadu waa awood, kala qaybsanaantuna waa diciifnimo, wada shaqayntuna waa wax faa’ido leh, waxaanan idinku hambalyaynayaa arrinkaas, waana fikrad wacan.