Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah oo Jabuuti ka maal-galinaya mashruuc tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo mid kale oo macaanaynta biyaha ah

Agoosto 28, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Jabuuti ayaa qorshaynaysa in ay dhisto laba mashruuc oo mid yahay tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo mid kale oo lagu macaaneeyo biyaha badda kuwaa oo ay ku kici doonto 18 bilyan oo faranka Jabuuti ah ($100 milyan oo doollar) lagana dhisi doono dekedda Doraleh, sidaa waxa Isniintii (27-kii August) sheegay La Nation-ka Jabuuti.

Mashruuca lagu macaanaynayo biyaha ayaa maalintii soo saari doona 45,000 mirir kubig oo biyo nadiif ah, iyada oo cilmi-baarista laga sameeyay mashruucan ay saadaalinayso in tamarta laga dhaliyo dabaysha ay soo saari doonto 20 magawaat oo koronto ah maalintii.

Mashruuca ayaa looga golleeyahay in uu wax ka taro gabaabiska ka jira biyaha la cabo ee dalka, gaar ahaan caasimadda oo ay ku noolyihiin 820,000 oo qof. Xukuumadda ayaa rajaynaysa in tamarta laga helo dabaysha ay kabi doonto qiimaha lagu macaaneeynayo biyaha badda, taasoo ogollaan doonta soo saaridda kordhinta biyaha la cabo oo qiime ahaanna ka dhigi doonta mid u ladifan isticmaalayaasha.

Santuukha Horumarinta Yurub ayaa ballan-qaaday in uu biyo 4.4 bilyan farnka Jabuuti ah ($25 milyan oo doollar) si uu u taageero mashruuca, halka ururka IGAD-na uu bixin doono inta u dhexeeysa 6.6 bilyan-9.9 bilyan faranka Jabuuti ah ($38-56 milyan oo doollar) lacataas oo la sii doon barnaamijka Jabuuti ee tamarta nadiifka ah.

Xukuumadda Jabuuti ayaa samayn doono olole ay ku soo ururinayso lacagta dhiman, sida uu sheegay wargayska rasmiga ah ee dawladda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad