Red_arrow

Ma jeclaan lahayd in Soomaali aad ka dhigato luuqaddaada asaasiga ah, ee mareegtan? |

Rabshado maalintii labaad ka socda Mombasa kadib dilkii Rogo

Agoosto 28, 2012

  • 4 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dad rabshado wada ayaa maalintii labaad dagaal kula jira ciidamada bilayska ee magaalo-xeebeedka Mombasa Talaadii (28-kii August) kadib dilkii Aboud Rogo Maxamed, oo ahaa wadaad Islaami ah oo lala xiriiriyay al-Shabaab, sidaana waxa wariyay AFP-da.

Shaqaalaha Isbitaalka guud ee Mombasa ayaa soo sheegay in ay rabshadahaas ugu yaraan ku dhaawacmeen 14 qof oo rayid ah, iyada oo ay intaa dheertahay dhaawaca laba ka tirsan bilayska ka hortagga rabshadaha.

Boqolaal dhallinyaro caraysan ah ayaa weeraray kaniisadaha, dhagaxyo tuurayay, khasaare u gaystay baabuur, weeraray xarumaha ganacsiga isla markaana ku heesayay hal-ku-dhagyo lagu taageerayo Rogo, halka uu bilayskuna isku dayayay in uu xakameeyo dhallinyaradaas.

"Waxaan isku dayaynaa in aan xakamayno si markaa aynaan u keenin dhimasho dheeraad ah. Dilka iyo burburinta hantida waxba sooma kordhinayaan," ayuu yiir taliyaha bilayska gobolka Aggrey Adoli.

Ciidamada bilayska Kenya ayaa halkaa geeyay sunta dadka kaga ilmaysiisa, waxayna fureen rasaasta caagga ah si ay u istaajiyaan dibad-baxayaasha, iyaga oo qabtay 12 qof Talaadadii, sida uu sheegay Daily Nation-ka Kenya.

Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya (SUPKEM) iyo ururro kale oo Islaami ah ayaa dhalleeceeyay rabshadaha, gaar ahaan bar-tilmaameeysiga kaniisadaha, kuwaa oo shan kamid ah dab la qabadsiiyay.

"Rabshadaha caynkan oo kale ah waa wax aan waafaqsanayn diinteena. Dibad-baxayaashu maaha in ay isku qariyaan magaca islmaanka iyo nuxurka uu xambaarsanyahayba," ayuu yiri Xog-hayaga Guud ee SUPKEM Adan Wachu, sida laga soo xigtay AFP-da. "Kuwaasi waa dambiilayaal, waana in loola dhaqmaa qaabkaas."

Ra'iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa dhalleeceeyay dilka Rogo, isaga oo intaa ku daray in xukuumaddu "ballan-qaadday in ay caddaaladda hor keeni doonto jiho kasta oo ka dambaysay dilkaa".

Rogo waxa uu ahaa "hoggaamiyaha muhiimka ah ee dhinaca fikirka" ee kooxda al-Hijra ee Kenya, ururkaa oo sidoo kale loo yaqaan Xarunta Dhallinyara Islaamka (Muslim Youth Centre), sida ay sheegtay Qaramada Midoobay .MYC waxa loo arkay in uu yahay xaliif aad ugu dhow al-Shabaab oo Kenya ku sugan.

Iyada oo ka jawaabaysa dilka, ayay al-Shabaab ugu baaqday Muslimiinta Kenya in ay qaadaan "dhammana tallaabooyinka lagama maaarmaanka ah" si ay u difaacdaan diintooda.

"Muslimiintu waa in ay arrinka ay gacmahooda wax uga qabtaan, oo ay ka horyimaadaan kufaarta oo ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah sidii ay cadowga Islaamka uga difaaci lahaayeen diintooda, hantidooda iyo naftooda," ayay al-Shabaab ku tiri hadal ay soo saartay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 9)

Dislike_icon(5)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Catrina fire
    August 30, 2012 @ 04:54:15AM

    Marka ay arrimaha noocan oo kale ahi dhacaan, waa inay xukuumadu soo qab qabataa dhalinyarada lagu helo inay iyagu ka qayb qaateen arrimahaas, waayo dhalinyaradaas intooda badani waa kuwo bilaa camal ah oo aan haynin wax shaqo ah oo ay qabtaan.

  • Lohay Langay wa Gallapo
    August 29, 2012 @ 05:41:08AM

    Aniga waxaa marwalba iga yaabiya in marka qof la dilo, kadib waxaa weeraro lala beegsadaa kaniisadaha iyo baararka, markaasina waa marka aan warwaro oo aan is dhaho malaha wali maynu midoobin hadaynu dadka reer afrika nahay, oo aynu noqonay dad dhacdooyinku hogaamiyaan.

  • ares
    August 29, 2012 @ 04:43:12AM

    Waa meel wacan oo qofku wax kaga ogaan karo amuuraha mandaqada

  • william wangome kimani
    August 29, 2012 @ 01:49:17AM

    Anigu aad ayaan u cadhaysanahay niyoow. Arrinku waa laba midkood, ama inay dhalinyaradan muslimiinta ahi ay rumaysan yihiin in dadka aan muslimka ahayn aysan dhalinyaro ahayn, ama inaysan waxbarasho wacan ka helin meeshii ay diinta islaamka kusoo barteen, meeshay doonto ha ahaatee. Anagu muslimiinta dagaal kulama jirno, hadii aan si kale oo fudud u dhigana waa inay dadka muslimiinta ahi dalka Kenya ka baxaan, oo ay dagaalka la tagaan meelaha dadka dhiigooda lagu daadiyo ee dagaaladu ka socdaan, waayo in dad aan waxba galabsan cadhada lagula dhacaa dadkaas aan waxba galabsan ayay dhaawac ku keenaysaa.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada