Kenya oo sharciyaysay shahaadada ay bixiyaan 5 barnaamij bilayseed

Agoosto 19, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wasaaradda Tacliinta Sare ee Kenya ayaa Jimcihii (17-kii August) u sharciyaysay shahaadada ay bixiyaan shan dugsi oo lagu tababaro bilayska.

Fursaddan la ballaariyay ee waxbarashada bilayska ee Kenya ayaa qayb ka ah dadaallada Guddiga Dhaqan-galinta Dib-u-habeeynta Bilayska si loo wanaajiyo adeegga bilayska, shahaadooyinkaana waxa laga bixin doonaa dugsiyo ku yaal Kiganjo, Embakasi, Utawala, Emali iyo Nairobi. Barnaamijyadan ayaa waxa ay u furan yihiin saraakiisha xilligan ee bilayska, iyada oo sidoo kalena arday laga qoran doono dadka rayidka ah ee ka soo qalin-jabiyay jaamacadaha.

Heshiis ay la gashay Jaamacadda Kenyatta, ayay Kuliyadda Bilayska Kenya waxa ay bixin doontaa waxbarasho u ogolaan doonta saraakiisha in ay kor u qaadaan khibraddooda jaamaceed, taasoo ay markii hore u doonan jireen bannaanka ciidanka iyaga oo iska bixinaya qarashka.

Guddiga bilayska ayaa sidoo kale dhawaan soo gudbiyay manhaj cusub oo loogu tala galay tababarka bilayska kaasoo diiradda lagu saarayo xuquuqda aadanaha, kala duwaanaashaha jinsiga, isgaarsiinta iyo xiriirka guud, qiyamka iyo akhlaaqiyaadka, adeegga iyo danaynta macaamiisha.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • muchirih
    August 20, 2012 @ 03:42:07PM

    Ala bilayska Kenya! Waa qaar ku ceeboobay musuqmaasuqa iyo xumaanta hadhaysay, waxaasi waa ceeb, oo waa ceeb, oo waa ceeb. Waxa dirayska loo siiyay in si fudud looga garto dadka kale, laakiin waxay u adeegsadaan inay laaluush dadka xoog kaga qaataan. Anigu markaan gaadhiga kaxaysto waan dawakhaa markaan arko koox bilays ah oo iga soo hor baxa, kuwaasoo laaluush ka qaadanaya dadka mootooyinka wata. Hadaba waxaan odhan karaa farqi aad u yar ayaa u dhexeeya bilayskaas iyo kooxda alshabaab ee soomaaliya joogta. Markaa waxaan odhan lahaa hawlgalka “Linda Nchi” ee soomaaliya hore ha loo soo gaba gabeeyo, si loo bilaabo wax aan ugu magac daray “hawlgalka mootooyinka” ee lagula dagaalamayo kooxda alshabaab ee wadooyinkeena jooga, si ay gaadiidkeenu si xadaari ah isugu socdaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad