Soomaaliya oo la iclaamiyay magacyada 202 xildhibaan ka hor xilliga kama-dambaysta ah ee Isniinta

Agoosto 19, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Guddiga Farsamada ee soo Xulista Soomaaliya (TSC) ayaa soo gudbiyay magacyada 202 xildhabaan Sabtidii (18-kii August), sidaana waxa wariyay AFP.

"Waxannu diyaarinay 202 xildhibaan, waxannu hadda dib-u-eegid ku wadnaa 40 kale oo maanta la gudbiyay," sidaana waxa tiri La-guddoomisada Guddiga Xaliimo Yareey. Barlamaanka ayaa la filayaa in uu Isniinta doorto madaxweyne cusub, taasoo ah maalinta ugu dambeeysa sharciyadda Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah, haddii ay kulmaan kooramka 184-ta ah.

Barlamaanka ayaa ugu dambaynta noqon doonta 275 xildhibaan. "Inta ka dhiman liiska ayaan wali la soo saarin, sababtoo ah khilaafaad ka dhex jira qabaa'illada iyo sababo kale oo la xiriira shuruudihii xildhibaannimada oo aan la buuxin," ayay tiri Xaliima Yareey.

Guddiga ayaa xubnaha ka dooranaya lliis ay soo gudbiyeen 135 hoggaamiye dhaqameed oo ka kala socda dadka oo dhan. Ku dhawaad 70 murashax ayaa laga joojiyay kadib markii ay soo buuxin waayeen shuruudaha laga rabo xidhibaannimada, sida shahaadada dugsiga sare iyo ku lugu lahaanshahooda dagaal-ooganimada.

Iyada oo loo marayo hab-qaybsiga ku dhisan 4.5, ayuu barlamaanku ka koobnaan doonaa min 61 xildhibaan oo ka kala socda qabaa'illada waawayn ee Soomaaliya -- Daarood, Dir, Hawiye iyo Raxanwayn -- iyada oo 31-ka kalena ay ka imaan doonaan huwan ka kooban qabaa'illada yaryar.

Dawladda Puntland ee Soomaaliya ayaa Sabtidii soo saartay hadal ay ku dhalleeceeynayso faragalinta lagu hayo Guddiga Farsamada ee soo Xulidda..

"Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan dhinacyada uu arrinku khuseeyo in ay ixtiraamaan dhexdhexaadnimada, madax-bannaanida iyo go'aanka Guddiga Farsamada," ayaa lagu yiri war-murtiyeedka oo ammaanay shaqada guddiga uu qabtay illaa iyo haatan.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa isna hadal uu Jimcihii soo saaray waxa uu ku sheegay in kuwa qasaya geeddi-socodka nabadeed ee Soomaaliya ay dawladdiisa ku soo rogi doono cunaqabatayn, sidaana waxa sheegay Capital FM-ta Kenya.

"Waxan jeclahay in aan digniin cad u diro dhammaan kuwa qorsheeynaya in ay majara-habaabiyaan, carqaladeeyaan ama ay dibin-daabyeeyaan Khariidadda Nabadda ee la doonayo in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo rasmi ah wixii ka dambeeya August 2012-ka, iyada oo Kenya ayan u dul-qaadan doonin tallaabooyinka caynkaa oo kale ah," ayuu yiri Kibaki. Waxa uu sheegay in ammaanka Soomaaliya uu si wayn muhiimad ugu leeyahay kan Kenya iyo Afrika-ba, isaga oo ku celiyay taageerada dalkiisa uu siinayo Soomaaliya wajiga kan xiga.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 5)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada