Dalxiiska Kenya oo la horumarinayo, sida uu sheegay wasiirka dalxiiska

Agoosto 17, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Kenya ayaa filaysa in ay sannadkan 100 bilyan oo shilin ($1.2 bilyan doollar) oo dakhli ah ka hesho waaxda dalxiiska, sidaana waxa Khamiistii (16-kii August) sheegay Wasiirka Dalxiiska (Dan Mwazo)

"Makra la barbar dhigo sannadkii hore, xilligaa oo uu dalku 98 bilyan oo shilin ($1.1 bilyan doollar) ka helay dalxiiska, waxannu sannadkan filaynaa in aan helno 100 bilyan oo shilin," ayuu yiri Mwazo xilli uu socod ku marayay Seeraha Qaranka ee Maasai Mara, sidaana waxa sheegay The Standard-ka Kenya.

Kororku intaa waa ka sii badnaan lahaa haddii ayan jiri laheeyn shilalkii argaggixisanimo ee dhawaanahan ka dhacayay Kenya, ayuu yiri Mwazo.

Mwazo waxa uu sheegay in uu filayo in ay kor u kacdo tirada dalxiisayaasha imanaya Kenya sababtoo ah siyaasadda firfircoon ee olalayaasha suuq-geeynta. "Waxaan ku guulaysanay in aan Kenya ku suuq-gayno in ay tahay goobta dalxiis ee ugu wacan dunida, laakiin arrimaha ammaanka iyo waddooyinka liita ayaa halis ku ah in ay guulahaas xagal-daaciyaan," ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in kororka dakhliga lagu heli karo iyada oo la ballaarinayo dadaallada suuq-gaynta lana gaarsiinayo meelo ka baxsan goobaha ay caadiyan Kenya ku buunbuuniso dalxiiskeeda ee Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Jarmalka, Faransiiska iyo Asia. "In aan isaga tiirsanaano suuq-yada soo jireenka ah ma kordhin doonto dakhligeena dalxiiska," ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad