Agoosto 17, 2012
AMISOM ayaa sii wadi doonta mudnaanta ay siiso ilaalinta rayidka Soomaaliyeed dagaalka milatari ee ka socda Soomaaliya, sidaana waxa Khamiistii (16-kii August) sheegay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Boubacar Diarra.
"AMISOM waxa ay si dhab ah u qaadanaysaa mas'uuliyadda ka saaran ammaanka dadka Soomaaliyeed waxayna fahamsantahay waajibka ka saaran in ay fuliso howl-galladeeda iyada oo aan wax khatar ah galin shacabka gudaha ku nool," ayuu yiri Diarra.
Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muhiim u yihiin guusha howl-galka AMISOM. Waxa uu "dareen wayn" ka muujiyay warbixinno Kismaayo ka soo baxay oo sheegaya khasaare nafeed, isaga oo intaa raaciyay in warbixintaa la baari doono.
Warbixinta ayaa ka hadashay in maraakiibta dagaalka ee fadhiya xeebaha kulaala Kismaayo ay rasaas is dhaafsadeen dagaalyahaniinta al-Shabaab ee ku sugan Kismaayo, halkaa oo ay ugu yaraan ku dileen saddex afar kalena ay ku dhaawacmeen.
"Waxan ku adkeeynaynaa ciidamada millatari ee kale in ay muujiyaan taxaddar iyaga oo maanka ku haya in ay jiraan aagag ay ku nool yihiin shacab aad u tira badan," ayuu yiri.
Ciidamada AMISOM ayaa lagu tababaray arrimaha la xiriira sharciyada caalamiga ah ee bini'aadanimada waxana arrinka ilaalinta dadka rayidka ah uga yaal siyaasado, ay ka mid yihiin in aan wax dab ah laga ridin meelaha ay dadku ku badan yihiin, ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in dadaalka ay AMISOM ka muujiso ilaalinta dadka rayikda ah uu aqoonsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo caalami ah.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waa wax aad u wacan in aan aragno in dunidu ay haatan usoo jeesatay qadiyada Soomaaliya, sababtoo ah arrinkaasi wuxuu caawin doonaa dadka soomaaliyeed, laakiin wax faa’ida ah la gaadhi maayo haddii aysan dadka Soomaaliyeed wada shaqayn la imaanin si ay mushkilada haysata u xaliyaan. Hadii aysan soomaalidu midoobin, oo aysan la imaanin go’aan ay ku go’aansadaan inay mashaakilka dhexdooda ka jira xaliyaan, isku day kasta oo dibada ka yimaada oo la iskugu dayo in mushkilada la xaliyaa wuu fashilmi doonaa.
Waxaan ciidamada Amisom ugu ducaynayaa inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan oo ay soo afjaraan dhibaatooyinka, Geeska Afrikana nidaam iyo kala dambayn kusoo dabaalaan. Dadka Soomaaliyeedna waa inay ogolaadaan caawimada caalamku u fidiyay, si dalkooda xasilooni looga hirgaliyo.