Mahiga oo hoggaamiyayaasha Soomaaliya ku tirtirsiiyay in ay u hoggaansamaan xilliga kama-dambaysta ah ee 20-ka August

Agoosto 17, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa hadal uu ku beegay munaasabadda Ciidul-Fitriga Khamiistii (16-kii August) waxa uu hoggaamiyayaasha Soomaaliya ku dhiiri-galiyay in ay ku sii joogaan ballantoodii ahayd in ay dhammeeyaan marxaladda ku-meel-gaarnimada.

“Taariikhdii la muddeeystay ee 20-ka August waa ay taagan tahay,” ayuu Mahiga ku yiri hadal uu soo saaray. “Jid dheer ayaannu soo marnay mana fashili karno markii ay kaliya saacado naga xigaan dhamaystirka marxaladda ku-meel-gaarnimada.”

Waxa uu sheegay in Soomaalidu la gudboon tahay in ay dib u milicsadaan horumarkii la soo gaaray, al-Shabaab waa laga saaray Muqdisho sannad ka hor magaaladuna intii xilligaa ka dambeeysay waxa soo hirgalay koboc dhaqaale iyo horumar.

Waxa uu ammaanay horumarkii dhawaan laga gaaray siyaasadda Soomaaliya, oo ay ka mid tahay ansixintii dastuurka qabyada ahaa. “Waxan ugu yeerayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed in ay ka faa’idaystaan fursaddan taagan oo ay si iskaashi leh uga wada shaqeeyaan maslaxadda dalkiinna,” ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada