Agoosto 17, 2012
Kooxda Kenyanka ah ee baadi-goobka ayaa Khamiistii (16-kii August) helay afartii mayd ee ugu dambeeyay ciidamadii Ugandha u dhashay ee ku dhintay burburkii helikobtarkii millatari ee dhammaadkii todobaadkii tagay, taasoo dhimashada ka dhigtay todoba, sidaana waxa sheegay ciidanaka Kenya.
“Dhammaan todobada mayd ayaa laga ag helay burburka gubtay ee helicopterka, dabadeedna waxa loo soo duuliyay Nairobi […] Haatan waxaan si nabad-galyo ah ku oran karnaa in uu soo gabagaboobay howl-galkii badbaadinta,” ayuu yiri af-hayeenka ciidamada Kenya Bogita ongeri, sida ay sheegtay AFP-du.
Hal helicobtar ayaa la helay Isniintii, iyaga oo dhammaan la badbaadiyay ciidamadii todobada ahaa ee la socday. Burburka laba helikobtar oo kale ayaa la helay Talaadadii, iyada oo mid ka mida diyaaradahaasi ay si aad ah u gubatay.
Siddeed askari oo ka badbaaday helikobterka labaad ayaa ku soo dhex lugeeyay kayn ciriiri ah masaafo siddeed kiiloomitir ah iyaga oo raadinayay caawimaad, dabadeedna waxa Talaadadii loo soo duuliyay Nairobi.
Diyaaradda ayaa ku soo dhacday kayn jiq ah oo ku taal dhul buurallay ah oo ku dhex yaal buurta Mount Kenya, oo ah buurta labaad ee ugu dheer Afrika oo dhererkoodu yahay 5,199 mitir.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo