Agoosto 17, 2012
Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa Arbacadii (15-kii August) 73 ka tirsan dagaalyahaniinta al-Shabaab ku dilay dagaal ku dhexmaray tuulada Faxfax-dhuun ee gobolka Gedo oo ku yaal koonfurta Soomaaliya, sidaana waxa sheegay Daily Nation-ka Kenya.
Af-hayeenka Ciidamada KDF Emmanuel Chirchir ayaa tirada dhimashada ku xaqiijiyay qoraal uu ku diray alladda Twitter-ka, isaga oo sheegay in ciidamada Kenya ay qabsadeen in ka badan 100 qoryaha AK-47 ka ah.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in ay dishay in ka badan 60 askari oo ka tirsan kuwa Kenya iyo Soomaaliya.
Tirada dhimashada ee labada dhinac ayaanan laga xaqiijin jiho madax-bannaan.
Ugu yaraan laba ka tirsan ciidamada Kenya ayaa ku dhaawacmay dagaalka, kaasoo biloowday markii ay al-Shabaab weerartay xero ay ciidamada Kenya ku leeyihiin Faxfax-dhuun habeennimadii Arbacada. Al-Shabaab ayaa qorsheeysay in ay dulmarto xerada, haseyeeshee ciidamada Kenya ayaa xog horudhac ah ka helay weerarka dabadeedna jilibka u aasay si ay ula dagaallamaan, sida uu sheegay wargaysku.
Askarta dhaawacantay ayaa loo soo duuliyay Nairobi Khamiistii si halkaa loogu daweeyo.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waxan usoo jeedinayaa ciidamada difaaca Kenya inay kooxda alshabaab cagta mariyaan oo ay garaacaan, waxaanan leeyahay anagu waxaanu diyaar u nahay in aan qadiyadan wacan naftayada u hurno.
Hambalyo ku socota ciidamada difaaca Kenya
Aakhirka kooxda alshabaab waa laga guulaysan doonaa oo waxa jabin doona ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa Amisom (bilaw kastaa dhamaad buu leeyahay).
Waxay ila tahay in jahligu uu dhibtooda ka dambeeyo