Agoosto 16, 2012
Midowga Afrika ayaa sii wadi doona howl-gallada ay kula dagaallmayaan al-Shabaab, iyadoo ay saddex helikobtar oo ay leeyihiin ciidamada Ugandha ay burbureen dhammaadkii todobaadka, sidaana waxaa hadal uu soo saaray Arbacadii (15-kii August) ku sheegay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya ugu qaybsan Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Boubacar Diarra.
"Xilligan waxan la murugoonaynaa una ducaynaynaa qoysaskii laga geeriyooday, iyo sidoo kale dadka, dawladda iyo ciidamada ammaanka ee Ugandha," ayuu yiri Diarra. Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya waa uu sii socon doonaa si loo sii wado horumarka laga sameeyay howlgallada iyo badbaadinta, ayuu sheegay.
Diyaaradaha ayaa u soo qasdiyay in ay sii xoojiyaan guulaha laga gaaray al-Shabaab, oo bilihii la soo dhaafay isaga carartay goobo ay ku xoog badnaan jirtay, arrintaa oo awoodda millatari ee AMISOM ku fidisay dhulal intii hore ka baaxad wayn.
Inkasta oo uu jiro dib-u-dhacaas, haddana Diarra waxa uu sheegay in AMISOM ay ka go'antahay in ay sii horumariso ammaanka dadka Soomaaliyeed waxana ay ku tirtirsiisay Qaramada Midoowbay iyo beesha caalamka in ay dadajiyaan soo baddalidda diyaaradahaas iyo shaqaalahoodaba.
"Mar haddii ay AMISOM ku sii fidayso dhulkaas baaxadda wayn, keenidda diyaaradahaa na caawinaya ee muddada la sugayay, ee uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku ogolaaday qaraarkii tirsiguusu ahaa 2036, waa arrin wali si wayn muhiim ugu ah howl-galka, iyo sidoo kale taakulada, caawinta iyo daad-guraynta caafimaad," ayuu yiri.
Hal helikabtar ayaa la helay Isniintii, iyada oo dhammaan todabadii askari ee la socday la soo badbaadiyay. Samatabixiyayaasha ayaa Talaadadii burburka laba helikobar oo ay leeyihiin ciidamada Ugandha ka helay meel u dhow Mount Kenya, iyada oo laba askari oo Ugandha u dhashay ay dhinteen ugu yaraan siddeed kalena ay badbaadeen, sida ay sheegay AFP.
Mayd kale ayaa laga dhex halay mid ka mida burburka helikobtarada, taasoo ka dhigaysa tirada dhimashada la xaqiijiyay saddex, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Kenya Bogita Ongeri.
"Waxan la murugooneeynaa qosaysaka wali dhowraya askarta aannu baadi-goobayno," ayay ciidamada Ugandha ku yiraahdeen hadal ka soo baxay.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Run ahaantii ciidamadu waa seeska nabada uu dal waliba ku taaganyahay, waayo iyagaa ah cida ka masuulka ah amaanka dalka gude iyo dibadba. Sidoo kale, ma jirto dhaqaale wacan oo aan ciidan awood badan lahayn, horumarna lama gaadhi karo hadii uusan ciidan jirin, waxbarashaduna waa la mid, sababtoo ah xitaa haduu dalku isku dayo inuu horumar xaga gudaha uu sameeyo, hadii uusan dalkaasi ciidan lahay, askari kaliya oo dalalka jaarka ka mid ah ayaa intuu weerar soo qaado wax kasta burbrin kara. Markaa in dal kasta oo raba inuu horumar gaadhaa waa inuu ahamiyada koowaad siiyaa ciidamada iyo askarta, waana in ciidamada miisaaniyad u gaar ah loo qoondeeyaa, si ay si buuxda ugu diyaar garoobaan heegana ugu ahaadaan inay la tacaalaan khatar kasta oo wax u dhimi karta xasiloonida iyo nabada dalkaas. Sidaynu ognahay, wixii ka dambeeyay burburkii soomaaliya iyo kala jabkii ciidamada qaranka iyo kala yaacii askarta wuxuu dalku ku jiray cadaalad darro iyo jahli balaadhan, waxaana dhacday in awood la isu adeegsado.