Howlgalka Puntland ee kadhanka ah burcad-badeednimada oo sii wada fashilinta weerarada

Agoosto 15, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dowlad goboleedka Puntland waxaa wali ka go'an dagaalka ay kula jirto burcad-badeednimada kadib dhacdooyin dhowr ah oo dhacay todobaadkan, dowlad goboleedka ayaa shaacisay Talaadadi (Agoosto 14-keedii).

"Ciidamada dowladda Puntland waxa ay sii wadaan in ay xoojiyaan howl-galada ammaan ee kadhanka kadhanka ah burcad-badeednimada ee ay ka wadaan aagagga xeebaha, sidoo kale magaalada Gaalkacyo, oo ku taala xudduudda gobolada ay rabshaduhu ka taaganyihiin ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya," ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha iyo la dagaalanka Burcad-badeednimada.

Maamulka Puntland ayaa u mahad celiyay ciidamada caalamiga ah taagerada ay siinayaan, sida ciidamada Gaashaan Buurta NATO, kuwa Midowga Yurub iyo Ciidamo-badeedyada isku dhafka ah.

"Dowladda Puntland ayaa ugu baaqaysa jaalkeeda caalamiga ah in ay taageero la tallaaban karo u fidiyaan waaxyaha ammaanka iyo garsoorka taasoo qayb ka noqonaysa dadaalka socda ee la dagaallanak burcad-badeednimada," war saxaafadeedka ayaa sidaa lagu yiri.

Koox looga shakiyay in ay burcad-badeed yihiin ayaa weeraray xabsi ku yaala Gaalkacyo Axaddii, laakiin ciidamada Ammaanka Puntland ayaa iska caabiyay weerarka, mid kamid ah kuwii wax soo weeraray ayaa la dhaawacay oo la qabtay, halka seddex kalena ay baxsadeen.

Isniintii, burcad-badeedda ayaa qabsaday dooni xoolo ka qaaday xeebta Mudug. Howlgal wadaag ah oo ay fuliyeen NATO iyo EU ayaa lagu qabtay markabka, iyagoo badbaadiyay shaqaalaha, xirayna lix tuhmane oo burcad-badeed ah.

Markab ay leehiin ciidamada badda Holland ayaa "arbushay tuhmanayaasha burcad-badeedda kahor inta aanay weerar doonta ay qabsadeen kaga soo qaadin markabka ganacsi, NATO ayaa war saxaafadeed ku tiri.

Ururka Badaha Caalamiga ah ayaa shaaciyay bishii hore in weerarada ay hoos u dheceen qeybtii hore ee sannadka 2012-ka iyadoo ciidamada caalamiga ah ee badaha ee gaaf wareegaya badaha Soomaaliya ay kordhiyeen dadaalladooda ay ku hakinayaan weerarada ay burcad-badeeddu ku doonayaan in ay ku afduubaan maraakiib.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • omar sheikh
    August 15, 2012 @ 10:25:21PM

    Waa in wada shaqayn la sameeyaa si loo hawl galiyo laashash iyo doonyo dagaal, waana in la xoojiyaa kormeerka iyo ilaalinta xeebaha, waana in la adeegsada diyaaradaha kormeerka, si dhamaan xeebaha soomaaliya gacanta loogu dhigo, waayo xeebahaasi waxay hoy u yihiin budhcad badeeda iyo khatartooda, kuwaasoo saameeyay isu socodka ganacsiga caalamka.

  • khalid rahman
    August 15, 2012 @ 09:59:54PM

    Badda Cas iyo gacanka cadmeed waa labada marin ee kaliya ee dalalka badahaas kulaala ganacsigu u soo maro, sida dalka Jordan iyo Sudan iyo Djibouti, waxaana muhiimad wayn oo ganacsi ay u leeyihiin dalalka masar iyo sucuudiga, inkastoo ay labada dalba ay bado kaleeto kulaalaan, sida bada cad oo masar ay kulaasho, iyo gacanka cadmeed oo uu sucuudigu xeebo ku leeyahay. Sidoo kale, soomaaliya iyo yaman labaduba waxay ku yaalaan badwaynta hindiya, hadii qas iyo qalalaase uu bada cas iyo gacanka cadmeed ay ka dhacaana waxaa saamayn xumi soo gaadhi kartaa danaha labadaas dal. Sidoo kale, badiba shidaalka caalamku wuxuu maraa bada cas, markaa qaskaasi wuxuu sidoo kale saamayn ku yeelan karaa dalalka carbeed ee shidaalka dhoofiya, gaar ahaan dalalka khaliijka carbeed, kuwaasoo shidaal badan u dhoofiya qaarada yurub, kaasoo mara bada cas. Hadaba marinkani wuxuu sidoo kale muhiimad wayn u leeyahay dalalka ciraaq, Kuwait, sucuudiga, baxrain, gadar, imaaraadka iyo cumaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada