Agoosto 15, 2012
Dowlad goboleedka Puntland waxaa wali ka go'an dagaalka ay kula jirto burcad-badeednimada kadib dhacdooyin dhowr ah oo dhacay todobaadkan, dowlad goboleedka ayaa shaacisay Talaadadi (Agoosto 14-keedii).
"Ciidamada dowladda Puntland waxa ay sii wadaan in ay xoojiyaan howl-galada ammaan ee kadhanka kadhanka ah burcad-badeednimada ee ay ka wadaan aagagga xeebaha, sidoo kale magaalada Gaalkacyo, oo ku taala xudduudda gobolada ay rabshaduhu ka taaganyihiin ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya," ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha iyo la dagaalanka Burcad-badeednimada.
Maamulka Puntland ayaa u mahad celiyay ciidamada caalamiga ah taagerada ay siinayaan, sida ciidamada Gaashaan Buurta NATO, kuwa Midowga Yurub iyo Ciidamo-badeedyada isku dhafka ah.
"Dowladda Puntland ayaa ugu baaqaysa jaalkeeda caalamiga ah in ay taageero la tallaaban karo u fidiyaan waaxyaha ammaanka iyo garsoorka taasoo qayb ka noqonaysa dadaalka socda ee la dagaallanak burcad-badeednimada," war saxaafadeedka ayaa sidaa lagu yiri.
Koox looga shakiyay in ay burcad-badeed yihiin ayaa weeraray xabsi ku yaala Gaalkacyo Axaddii, laakiin ciidamada Ammaanka Puntland ayaa iska caabiyay weerarka, mid kamid ah kuwii wax soo weeraray ayaa la dhaawacay oo la qabtay, halka seddex kalena ay baxsadeen.
Isniintii, burcad-badeedda ayaa qabsaday dooni xoolo ka qaaday xeebta Mudug. Howlgal wadaag ah oo ay fuliyeen NATO iyo EU ayaa lagu qabtay markabka, iyagoo badbaadiyay shaqaalaha, xirayna lix tuhmane oo burcad-badeed ah.
Markab ay leehiin ciidamada badda Holland ayaa "arbushay tuhmanayaasha burcad-badeedda kahor inta aanay weerar doonta ay qabsadeen kaga soo qaadin markabka ganacsi, NATO ayaa war saxaafadeed ku tiri.
Ururka Badaha Caalamiga ah ayaa shaaciyay bishii hore in weerarada ay hoos u dheceen qeybtii hore ee sannadka 2012-ka iyadoo ciidamada caalamiga ah ee badaha ee gaaf wareegaya badaha Soomaaliya ay kordhiyeen dadaalladooda ay ku hakinayaan weerarada ay burcad-badeeddu ku doonayaan in ay ku afduubaan maraakiib.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waa in wada shaqayn la sameeyaa si loo hawl galiyo laashash iyo doonyo dagaal, waana in la xoojiyaa kormeerka iyo ilaalinta xeebaha, waana in la adeegsada diyaaradaha kormeerka, si dhamaan xeebaha soomaaliya gacanta loogu dhigo, waayo xeebahaasi waxay hoy u yihiin budhcad badeeda iyo khatartooda, kuwaasoo saameeyay isu socodka ganacsiga caalamka.
Badda Cas iyo gacanka cadmeed waa labada marin ee kaliya ee dalalka badahaas kulaala ganacsigu u soo maro, sida dalka Jordan iyo Sudan iyo Djibouti, waxaana muhiimad wayn oo ganacsi ay u leeyihiin dalalka masar iyo sucuudiga, inkastoo ay labada dalba ay bado kaleeto kulaalaan, sida bada cad oo masar ay kulaasho, iyo gacanka cadmeed oo uu sucuudigu xeebo ku leeyahay. Sidoo kale, soomaaliya iyo yaman labaduba waxay ku yaalaan badwaynta hindiya, hadii qas iyo qalalaase uu bada cas iyo gacanka cadmeed ay ka dhacaana waxaa saamayn xumi soo gaadhi kartaa danaha labadaas dal. Sidoo kale, badiba shidaalka caalamku wuxuu maraa bada cas, markaa qaskaasi wuxuu sidoo kale saamayn ku yeelan karaa dalalka carbeed ee shidaalka dhoofiya, gaar ahaan dalalka khaliijka carbeed, kuwaasoo shidaal badan u dhoofiya qaarada yurub, kaasoo mara bada cas. Hadaba marinkani wuxuu sidoo kale muhiimad wayn u leeyahay dalalka ciraaq, Kuwait, sucuudiga, baxrain, gadar, imaaraadka iyo cumaan.