Agoosto 10, 2012
Kenya ayaa ku tala-jirta in ay gudbisato codsi ay ku doonayso in ay noqoto qarankii ugu horeeyay Afrika ee marti-galiya Ciyaaraha Olambikada sannadka 2024-ka, sdiaana waxa Jimcihii (10-kii Agoosto) sheegay wargayska Financial Times.
"Kenya waxa ay ku kalsoonayd in ay lahayd awoodda ay ku marti-galin karto Olambikada illaa iyo sannadkii 1968-kii," ayuu yiri Raila Odinga oo jooga London. "Waa ruuxaas kan aan doonayno in aan dib u hanano. Waxan doonaynaa in aan dib u soo ceshano isku-kalsoonaantaa oo aan niraahno waannu awoodnaa in aan marti-galinno. Waa muhiim in aan dib u eegno halkii aan ka nimid iyo halka aan rabno in aannu aadno, sababto ah waxannu isku diyaarinaynay muddo dheer," ayuu yiri.
Odinga waxa uu sheegay in kaabayaasha Kenya iyo dhaqaaleheeduba uu "faa'ido badan" ka kasban doono maal-galinta la socota marti-galinta Olambikada.
Guddiga Olambikada Adduunka ayaa muujiyay in ay daneeynayaan ina y codsi marti-galin ka helaan waddamada ka hooseeya saxaaraha, sida ay sheegtay Financial Times. Koonfur Afrika, Qadar, Maraykanka, Moroco, Masar iyo Argentin ayaa sidoo kale loo aqoonsaday in ay yihiin tartamayaal marti-galin kara Ciyaaraha 2024-ka.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo