Golaha Ammaanka ee QM oo u digay kuwa carqaladeeynaya geeddi-socodka nabadda

Agoosto 10, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hadal uu Khamiistii (9-kii Agoosto) soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu dhalleeceeyay tallaabo kasta oo lagu carqaladeeynayo geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.

"Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si adag u dhalleeceeyay isku-dayada socda, ee ay ku jiraan kuwa ay waddo kooxda al-Shabaab, ee la doonayo in lagu wiiqo geeddi-socodka kala-guurka," ayaa lagu yiri hadalka. "Waxa ay ku celiyeen sida uu Golaha Ammaanku ugu heellan yahay in uu tallaabo ka qaado jiho kasta, dibadda iyo gudahaba, ee ku kaca falal lagu doonayo in lagu wiiqo geeddi socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta."

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in xubnaha barlamaanka loo soo xulo si dag-dag ah oo hufan.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaalya Augustine Mahiga, ayaa ku waramay dhacdooyin ay kamid yihiin hanjabaad iyo laaluush ku yimid hannaanka xulashada. Waxa uu sidoo kale todobaadkan ku tirtirsiiyay hoggaamiyayaasha soomaaliya in ay u hoggaansamaan xilliga kama-dambaysta ah ee 20-ka Agoosto si loo dhamaystiro marxaladda loogu guurayo dawladda rasmiga ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad