Bilayska Kenya oo qortay odayaal si ay uga caawiyaan doorashada guud

Agoosto 10, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Kenya iyo Guddiga Wadajirka iyo Is-dhex-galka Qaranka (NCIC) ayaa isku dayaya in ay helaan taageerada odayaasha dhaqanka si looga hortago colaad dhacda doorashooyinka 2013-ka, sidaana waxa Khamiistii (9-kii Agoosto) sheegay Daily Nation-ka Kenya.

"Jawiga siyaasaded ee ay ku socdaan doorashooyinka guud ee 2013-ka illaa iyo xad waa uu ka gaddisan yahay kii 2007-dii. Sharciga cusubi waxa uu nasiinayaa awood badan, qof walbana waxa uu waajihi doonaa sharciga," sidaana waxa yiri ku-xigeenka af-hayeenka bilayska Charles Owino. "Ma rabno in aan sugno illaa iyo marka uu shilku dhacayo, waana sababtaan tan aan u shaqo-galinay odayaasha bulshada oo noqonaya tallaabada ugu horreeysa ee lagu xalliyo khilaafaadka," ayuu yiri.

Dadaallada bilayska ayaa xoogga lagu saari doonaa ilaa iyo 29 degmo oo loo aqoonsaday in ay yihiin meelo dhibtu ka iman karto."

"Maanta dadka Kenya waxa ay kalsooni badan ku qabaan bilayska waana la tacaamuli karnaa arrinkaa," ayu uyiri Owino. "Xaqiiqda ah in taliyaha cusub ee bilayska uu ka madax-banaanaan doono u nisba-sheegashada syaasadeed ayaa kaliya waxa ay arrintaasi kor u sii qaadi doontaa kalsoonida."

Guddi heer qaran ah oo ay xubno ka yihiin wakiillo ka socda bilayska, Wasaaradda Warfaafinta, Guddiga isgaarsiinta Kenya, Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha iyo NCIC ayaa sidoo kale dusha kala socon doona saxaafadda, waxana ay ku dhiirri-galin doonaan in ay ka shaqeeyso midnimada qaranka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada