Saxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn oo ugu baaqday Jabuuti in ay sii dayso saxafi xiran

Agoosto 10, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Saxafiga Xuseen Axmed Faarax ayaa Khamiistii (9-kii Agoosto) waxa lagu xiray Jabuuti, sidaana waxa sheegay hay'adda caalamiga ah ee ilaalisa xoriyadda saxaafadda ee Saxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn (RSF).

"Mas'uuliyiinta ma ayan bixin wax sabab ah oo ay ku xireen Faarax, waxaanan ku tirtirsiinaynaa in ay sii daayaan," ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay. "Waxan aad uga welwelsanahay xarigiisa, maadaama uu qabo jirada sokorta, isla markaana uu sooman yahay. Marka wax laga soo qaado kulayka jira iyo duruufaha adag ee xabsiga Jabuuti, arrintani waxa ay saamayn khatar ah ku yeelan kartaa caafimaadkiisa.

Faarax, oo ah xubin ka tirsan Ururka Xuquuqda Aadahana ee Jabuuti iyo Dhaq-dhaqaaqa Cusboonaysiinta Dimuqraadiyadda iyo Horumarka ayaa dhowr jeer horay loo qabtay. Waxa uu qoraa bogga internetka ee La Voix de Djibouti, oo horay u ahaan jiray raadiye laga dhagaysto internetka, dabadeedna isu badalay bog internet oo ay maamulaan dad u dhashay Jabuuti oo ku nool Yurub. Boggan ayaa laga xiray gudaha Jabuuti, haseyeeshee RSF ayaa abuurtay daaqaqad ay Jabuutiyaanku ka gali karaan.

Faarax Aabadiid Xiladiid, oo isaguna ah qoraa kale oo ka tirsan La Voix de Djibouti, ayaa waxa sidoo kale raadinaya ciidamada bilayska, sida ay sheegtay hay'adda Saxafiyiinta aan Xudduudda lahayn.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Mohamed Hassan
    August 10, 2012 @ 08:17:35PM

    Baadhitaano socday muddo sanad ah ayaa waxay daah fureen in boqolkiiba konton ka mida masuuliyiinta sarsare ee Soomaalilaand ay sitaan isla markaana isticmaalaan baasaboorka jamhuuriyada jabuuti. Badiba masuuliyiinta sirdoonka, wasiirada, xildhibaanada, madax dhaqameedyada, suxufiyiinta caanka ah iyo ganacsatada waawayn ee reer Soomaalilaand waxay isticmaalaan baasaboorkaas. Hadaba masuul ka tirsan sirdoonka jabuuti oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa waagacusub u cadeeyay in baasaboorada noocaas ah la jidiidiyo saddexdii sanoba mar, waxaanuu intaa raaciyay in madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele uu isagu fasaxay bixinta baasabooradaas, laakiin masuulku wuu diiday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo. Dhanka kale, waxay kooxaha mucaaradka ee reer jabuuti walaac ka muujiyeen bixinta baasaboorada jabuuti ee la siiyo shakhsiyaadka soomaaliyeed ee xidhiidh dhow oo ganacsi ama siyaasadeed ama sirdoon la leh madaxwayne geele. Hadaba dadka isticmaala baasaboorka jabuuti waxaa ka mid ah wasiirka daakhiliga Soomaalilaand, mudane Maxamed Caraale Nuur, oo ku magac dheer duurjaan, iyo afhayeenka madaxtooyada, mudane Cabdilaahi Cukuse, kuwaasoo labadoodaba la aaminsanyahay inay ka tirsan yihiin sirdoonka jabuuti. Waxay sidoo kale baadhitaanadu daboolka ka qaadeen inuu jiro wax dad badani aaminsanyihiin inuu yahay isku day ay jabuuti ku rabto inay si tartiibtartiib ah oo nidaamsan ula wareegto Somaalilaand, halkaasoo cida gadhwadeenka koowaad ka ah arrinkani uu yahay maareeyaha baanka dhexe ee jabuuti, mudane Jaamac Xayd. Sidoo kale, waxa dhigaalo ay waagacusub.com ay heshay shaaca ka qaadeen in uu maareeyuhu lacag aad u badan uu u diray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaalilaand, mudani Cabdiraxmaan Cirro, kaasoo aysku qoys kasoo wada jeedaan marwada koowaad ee jamhuuriyada jabuuti. Intaa waxa dheer, waxa ay jabuuti awood u leedahay inay internetka ka xidho Soomaalilaand.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad