Wasiirka difaaca Soomaaliya oo ku dhawaaqay in hub-ka-dhigis lagu sameeyn doono Muqdisho

Agoosto 10, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xukuumadda Soomaaliya ayaa biloowday qorshe ammaan oo hubka looga dhigayo muwaadiniinta iyada oo mamnuucday in hubka lagu qaato Muqdisho, sidaana waxa Jimcihii (10-ka Agoosto) wariyay Radiyo Bar-Kulan-ka ay maalgaliyo Qaramada Midoobay.

Mamnuucidda ayaa qayb ka ah istaraatijiyad ballaaran oo kor loogu qaadayo ammaanka magaalada iyada oo la isku diyaarinay tartanka madaxweynenimada ee 20-ka Agoosto, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca Xuseen Ciise Carab.

Ciise ayaa ugu yeeray dadka reer Muqdisho in ay ciidamada bilayska iyo millatariga kala shaqeeyaan dadaalka ay ku yareeynayaan dambiyada oo ay ku soo war-galiyaan haddii ay arkaan dhaq-dhaqaaq laga shakiyo.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiintu ay tahay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka waxana uu uga digay in ay siyaasadeeyaan talaabooyinka millatari.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Bashir
    August 12, 2012 @ 01:23:23PM

    Muqdisho wakhti hore ayay ahayd inay hubka iska dhigto, waayo hubku waa inaysan u gacan galin koox dad ah. Waxaan canaanta usoo jeedinayaa madaxwaynaha hadda talada haya, waayo hub badan ayuu u qaybiyay qabaa’ilka kadib markii ay maxaakiimtii burbureen, Illeen talo isuma kaa sheegto.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada