Agoosto 10, 2012
Oradyahanka reer Kenya David Rudisha ayaa ku guulaystay billadda dahabka ah ee orodka 800 ee mitir ee ragga ee Olambikada London Khamiistii (9-kii Agoosto), isaga oo dhigay rikoor cusub oo caalami ah kadib markii uu ku orday 1 daqiiqo iyo 40.91 il-biriqsi.
"Kaasi waxa uu ahaa orod aad u heer sareeya. David Rudisha waxa uu muujiyay kalsooni jismiyeed iyo mid maskaxeed oo aad u heer sareeysa markii uu illaa iyo heerkaa u orday ciyaarihii kama-dambaysta ahaa ee Olambikada," ayuu yiri Sebastian Coe, guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Ciyaaraha Olambikada ee London iyo Olambikada Naafada, oo ruuxiisu horay u ahaan jiray horyaalka orodka 800 ee mitir.
Rudisha waa orodyahankii ugu horreyay ee Olambikada oo rikoor caalami ah dhiga Ciyaaraha London. Waxa masraxa lagu bixiyo billadaha ku weheliyay Jijel Amos oo u dhashay Botoswana kuna guulaystay billadda qalinka ah iyo ninka ay isku waddanka ka soo jeedaan Timothy Kitum oo ku guulaysta billadda maarta ah.
"Waa dareen aad u wanaagsan in inta halkan imaado aan jabiyo rikoorka caalamka," ayuu yiri Rudisha. "Sannadkan aad ayaan isku soo diyaariyay, shakina iigama jirin in aan guulaysan doono. Laakiin waxa aan sugayay duruuf munaasib ah oo aan ku jabin karo rikoorka caalamiga ah waayo waan ogaa in aan sannadkan ku ordi karo 1 daqiiqo iyo 40 il-biriqsi.
Guusha Rudisha ayaa sii waday taariikha qoyskooda, iyada oo aabihii horay ugu guulaystay billadda qalinka ee ororka 400 ee mitir ee qori isku-dhiibka Ciyaarihii Olambikada ee Mexico 1968-kii.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waxaan dalka ruushka ku hambalyaynayaa guusha uu ku guulaystay bilada dahabiga ah, iyo jabinta uu jabiyay rikoodhkii dunida.
Waxaan hambalyaynayaa Rusisha, iyo dadka reer Kenya ee London jooga.