Agoosto 09, 2012
Guddiga Farsamada ee soo Xulidda Soomaaliya (TSC), oo u xilsaaran in uu la socdo hannaanka loo soo xulayo xubnaha cusub ee barlamaanka, ayaa shaaciiyay in illaa iyo Khamiista (9-ka Agoosto) la fidiyay waqtigii kama-dambaysta ahaa ee lagu qaban lahaa liiska xubnaha sharaxan.
Guddiga Farsmada soo Xulidda ayaa markii hore u qabtay xilliga kama-dabaysta ah ee liiska looga qabanayo 135-ta oday ee haatan Muqdisho ku shiran maalintii Arabacada.
"Waxannu go'aansannay in aan fursad siinno odayaashii ay u suuroobi wayday in ay soo gudbiyaan magacyada wakiilladooda si ay u soo gudbiyaan musharraxiinta dhiman," ayuu yiri Cabdullaahi cismaan oo ah madaxda Gudiga Faramada soo Xulista. "Suuragal nooma ah in aan albaabada ka xiranno odayaasha dhaqanka."
Guddiga ayaa ku daray waqtiga 24 saac, sida uu Cismaan u sheegay Sabahi. "Hoggaamiyayaasha qabaa'ilku waxa ay ahayd in ay soo xushaan wakiilladoda kahor 5-tii Agoosto, laakiin uma ayan suuragalin in ay soo dhamaystiraan taariikhdaas, haddana markale ayaya ku guul-daraysteen in ay ku soo buuxiyaan xulashada waqtigii loo qabtay ee 8-dii Agoosto. Hataan, ma aqablaki karno dib u dhac dambe," ayuu yiri.
Waxa uu shegay in guddigu waydiistay hoggaamiyayaasha dhaqanka in ay xushmeeyaan waqtiga la qabtay oo ay dadajiyaan hannaanka xulashada si loo dhamaystiro liiska. "Waqti badan nooma uusan harin mana sugi karno intaa wax ka badan," ayuu yiri.
In badan oo ka mida hoggaamiyayaasha qabaa'ilka ayaa sheegaya in jiitanka ku jira hannaanka doorashada uu ka imanayo faragalinta ay hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda wadaan.
"Saraakiisha dawladda ayaa isku dayaya in ay ku cadaadiyaan hoggaamiyayaasha qabaa'ilka in ay magacaabaan wakiillo iyaga u codeeya doorashooyinka soo socda," ayuu hogaamiye dhaqameed Cali Cabdiraxmaan ku yiri Sabahi.
Guddiga Farsamada ee soo Xulashada ayaa todobaadkan shaaciyay in ay qabteen 70 boqolkiiba- magacyada sharci-dajiyayaasha cusub..
Cismaan waxa uu sheegay in guddigu bilaabi doonaan in ay qiimeeyaan taariikhda musharaxiinta la soo xulay si ay u xaqiijiyaan in ay soo buuxiyeen shuruudihii loo dajiyay ee ku xusnaa heshiiskii Garoowe.
Guddiga Farsamad ayaa awood buuxda u leh in ay joojiyaan magacaabista xubin kasta oo aan soo buuxin shuruudaha laga rabo xubnaha barlamaanka, ayuu sheegay. Shuruudahaas waxa ka mida in uu jiro 25 illaa iyo 75 sano, ugu yaraan shahaado gudsi sare iyo in uunan horay u soo galin wax dambi ah.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Dadka soomaaliyeed waxay rabaan wakhtigan nabad, markaa waa inaad is dhiibtaan oo aad miiska wada hadalka soo fadhiisataan, waxaanan u jeedaa kooxda alshabaab iyo xukuumada soomaaliyeed. Waa wax laga xumaado in dad isku diin ah oo isku dhaqan ahi ay labatankii sanadood ee u dambeeyay dagaalamayeen, arrinkaasina wuxuu burbur wayn usoo jiiday qaranka, dad badan dhiigoodii ayaa la daadshay, iyadoo aan la tix galinayn qiimaha nafta bini’aadamka. Dhacdada ugu dambaysay ee soomaaliya ka dhacdaa wa isu kordhinta ay gudida doorashooyinku wakhtigeedii kordhisatay, laakiinse maxay yihiin duruufaha kalifay in doorashada dib loo dhigo, iyadoo xiliga la isla gartay uu ahaa bisha 20 keeda, markaa maxaad damacsan tihiin, se doorashooyinku ma noqon doonaan kuwo xor ah oo xalaal ah.
soomali in gadan ayay ku soo daashay dagaalo iyo lugooyo maamul xumaaday ee ha is kajirto waxala wixii keenaya ,baarlamaan xumaada iyo qabiil ka hormariye danta guud iyo sharci ma ilaalye, waa in qofka bbrlamaanka ahi sharci sameeye yahay islarkaana sharci ku dhaqme ama sharci illaaliye, aqoonala leh