Agoosto 07, 2012
Guddoomiye-ku-xigeenkii Maxkamadda Sare ee Kenya Nancy Baraza ayaa laga qaadayaa xilkeeda kadib markii ay hanjabaad jismiyeed ay u geeysatay qof waardiye ah, sdiaana waxa Isniintii (6-dii Agoosto) ku taliyay guddi Kenyaan ah oo xeer-beegti ah.
Nancy Baraza ayaa lagu eedeeyay in ay bistoolad ula soo baxday oo ay u hanjabtay gabadha waardiyaha ah ee Rabeca Kerubo kadib markii ay diiday in la baaro xilli ay galaysay Faramshiyaha Belladonna ee ku yaal suuqa Village Market ee Nairobi, sida ay sheegtay Daily Nation-ka Kenya.
"Xubnaha guddiga xeer-beegtida ayaa si buuxda isugu raacay in dhaqanka ku-xigeenka maxkamadda sare ee 31-kii December, 2011-kii ay ka sameeysay suuqa Village Market uu yahay xad-gudub aad u wayn iyo dhaqan-xumo. Waxan u soo jeedinaynaa Madaxweyne Kibaki in uu Garsoore Nancy Makhoha Baraza uu ka qaado mas'uuliyadda," ayay xeer-beegtidu ku tiri hadal ay soo saartay.
Baraza ayaa cududaar ka bixisay shilka "ayaan-darrada ah", iyada oo sheegtay in ay ahayd in loo fahmo iyada oo la xeerinayo nabad-galyada iyo ammaankeeda shakhsiga ah.
"Bilihii yaraa ee la soo dhaafay, dhowr shil oo amni ayaa ka dhacay bannaanka xafiiskayga. Iyada oo hanjabaado colaad ah la ii soo diray, waxanan ku khasbanaaday in aan dalbado in la ii kordhiyo ilaalada xafiiskayga iyo sidoo kale ammaankayga shakhsi ahaaneed," ayay tiri.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo