Diblomaasi reer Venezuela ah oo lagu soo eedeeyay in uu dilay danjire Kenya fadhiyay

Agoosto 07, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Maxkamad ku taal Kenya ayaa Isniintii (6-dii Agoosto) waxa ay ku soo eedaysay diblomaasi reer Venezuela ah in uu dilay ku-sumihii danjirihii dalkiisa, oo maydkeeda laga helay gurigeeda ku yaal Nairobi 27-kii June, sida ay warisay AFP.

Dwight Sagaray, oo ahaa xoghayntii koowaad ee safaaradda, ayaa maxkamadda u sheegay in uunan galin dabmiga lagu soo oogay. Waxa uu ku sii jiri doonaa xabsiga, iyada oo la hakiyay dalab la rajaynayay oo ay qareennadiisu ku codsadeen in lagu sii daayo dammaanad.

Waxaa la qabtay maalin kadib markii la helay maydka Olga Fonseca Gimenez oo 57-jir ahayd, ahaydna ku-simihii danjiraha dalkeeda u joogtay Kenya.

Maxkamadda ayaa sidoo kale isaga oo maqan dambi dil ah ku soo oogtay Maxamed Axmed oo Keenyaan ah. Bilayska ayaa la siiyay amar lagu soo qabanayo.

Ka diblomaasi ahaan, Sagaray waxa uu xaq u lahaa xasaanad diblomaasiyadeed, laakiin taas waxa laga xayuubiyay ka hor soo qabashadiisa, ayay sheegeen saraakiisha Kenya.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada