Xarumaha Warbaahinta Soomaaliya oo dhalleeceeyay weerarrada lagu hayo saxafiyiinta

Agoosto 07, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa todobaadkii hore xarumaha warbaahinta u qabtay shir looga wada-xaajaysanayo sidii loo horumarin lahaa ammaanka saxafiyiinta ku sugan dalka, sidaana waxa Isniintii (6-dii Agoosto) sheegay Raido RBC-ga Soomaaliya.

"Xukuumaddu waa in ay baaritaan dag-dag ah oo xor ah ku sameeysaa dilalka saxafiyiinta; uma dul-qaadan karno in ay iska sii socoto la xisaabtan la'aanata dhagar-qabayaasha," ayuu yiri Cabdirashiid Cabdulle Abiikar oo ah isku-duwaha Saxaafadda Xorta ah ee NUSOJ. Waxa uu ku dhiirri-galiyay hoggaamiyayaasha bahda warbaahinta in ay isticmaalaan hannaan tifaftir iyo heshiiyo shaqaalayn si loo ilaaliyo xuquuqda saxafiyiinta u shaqeeya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb-galay maamulayaasha idaacadaha Raadiyaha Maanta, Telefishanka Universal, Telefishanka Horn Caple, Raadiyaha Kulmiye, Raadiyaha Dalsan, Telefishanka Somali Zat, Raadiyaha Risaala, Raadiyaha Xamar VOD, Raadiyaha Mustaqbal, iyo kuwo kale oo badan.

Shirka NUSOJ ayaa daba socda dilkii majaajiliistihii Soomaaliyeed Cabdi Malaaq Jeylaani oo ay dileen rag hubaysan oo aan haybtooda la garanayn. Ka qayb-galayaasha shirka ayaa ku baaqay in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo dilkii Jeylaani iyo saxafiyiin kale oo dhawaan la dilay

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada