Bilayska Kenya oo baaraya farsamooyin cusub oo ay al-Shabaab u adeegsato aragaggixisannimada

Agoosto 07, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dambi-baarayaal sare oo katirsan bilayska Kenya ayaa isugu soo aruuray Nairobi Isniintii (6-dii Agoosto) si ay uga wada-hadlaan hababka loola dagaallami karo khidadaha cusub ee ay al-Shabaab u adeegsato argaggixisanimada, sidaana waxa sheegay Daily Nation-ka Kenya.

Farsamooyinka ay qaadatay al-Shabaab ayaa waxa ka mida iyaga oo dadka rayidka ah ee Kenyan-ka ah ee aan ku baraarugsanayn khayaamooyinkooda u isticmaalaya in ay qaataan qaraxyo lagu soo sameeyay guryaha oo loo soo ekeeysiiyay agabyada caadiga ah ee lagu isticmaalo guryaha, halkii ay ka shaqaaleeysiin lahaayeen ismiidaamiyayaal.

Farsamadan waa "mid aad halis u ah waana mushkiladda ugu wayn ee maanta hortaal saraakiisha bilayska ee ku howlan la dagaallanka argaggixisada", ayuu yiri Ndegwa Muhoro, oo ah madaxa Waaxda Baarista Dambiyada.

Laba qarax oo kala duwan oo todobaadkii hore ka dhacay xaafadda Islii ayaa dilay afar qof. Bambaanooyinkii loo isticmaalay weerarka ayaa loo soo ekeeysiiyay raadiye iyo bamba gaas.

Argaggixisada isticmaasha farsamadan way adag tahay in la raad-raaco, sida xaaladaha khuseeya ismiidaamiyayaasha, kuwaa oo ay dambi-baarayaasha bilaysku ay raad-raaci karaan meelihii ay ku xirnaayeen. "Arrintani waa ay dhib badan tahay sababtoo ah qofka sida bamka, inkasta oo uu ku dhintay qaraxa, haddana kama uusan tagin wax raad ah oo lagu daba-gali karo dhagar-qabayaashii, maadaama tacaamulka uu la sameeyay qofka argaggixisada ah uu kaliya ku siman yahay daqiiqadihii ka horeeyay qaraxa," ayuu yiri Muhoro.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 5)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada