Tansaaniya oo bilaabaysa qorshe ay kula dagaallamayso hijrada sharci-darrada ah

Agoosto 05, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Tansaaniya ayaa shaacisay in ay dhisayso guddi-howleed heer gobol ah si loola dagaallamo hijrada sharci-darrada ah iyo ka ganacsiga dadka, sidaana waxa Sabtidii (4-tii August) sheegay Daily News-ka Tansaaniya.

Guddi howleedkan, oo ay ka mid noqon doonaan wakiillo ka socda dawladaha dariska, ayaa diiradda saari doona in ay tirtiraan ganacsiga sharci-darrada ah ee dadka ee la sii marsiiyo amaba laga qaado Tansaaniya. "Si kastaba ha ahaatee, waa in aannu qirannaa in aan dhibaato ku qabno muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ka jira dalkeenna," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Emmanule Nchimbi u sheegay barlamaanka.

Maqnaanshaha warqadaha aqoonsiga qaranka iyo xudduudaha jilicsan ee Tansaaniya ayaa suura-gal ka dhigta in ay muhaajiriinta sharci-darrada ahi soo galaan dalka, ayuu yiri Nchimbi.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 3)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada