Kikwete oo ku baaqay in jaan-gooyo sare loo sameeyo madaxda

Agoosto 05, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxeynaha Tansaaniya Jakaya Kikwete ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa ku aaddan in uu saraakiisha dowladda ku qiimeeyo tayada sare ee adeegyada ay bixiyaan, sidaana waxa Axaddii (5-tii August) sheegay Daily News-ka Tansaaniya.

Kikwete waxa uu sheegay in dadaalka joogtada ah ee xukuumaddu sameeysay uu gayaysiiyay Tansaaniya in ay xaqiijiso koro dhaqaale -- waxa kor u kacay kharashaadka la galiyo adeegyada bulshada, waxa kor u kacay wax dhoofinta iyo kaydka lacagaha qalaad, waxa kor u kacay maal-gashiga shisheeye ee tooska ah, waxaana la xakameeyay sicir-bararkii. Si kastaba ha ahaatee, horumarkaa oo jira, ayaa haddana saboolnimadii wali wax laga qaban la'yahay, ayuu yiri.

"Aniga aragtidayda, jawaabta dhibaatadasi waa xoojinta hannaanka wax-qabad ee dawladda iyo kor u qaaddidda wax-qabadka dhinacyada ay ka mid yihiin ganacsiga gaarka ah, beeralayda yaryar iyo shaqaalaha," ayuu yiri Kikwete. "Waxa aannu awood u yeelan doonnaa in aannu si wanaagsan kaga dhabayno rajooyin badan oo aan ku qeexnay waraaqaha iyo dokumentiga oo aan u baddalno natiijooyin la taaban karo kuwaa oo baddali doona nolasha dadkeena iyo qarankeena."

Kikwete ayaa hadalladan ka jeediyay xilli ay xubno ka tirsan xukuumadda u ambabaxayeen sidii ay u soo baran lahaayeen sida kor loogu qaado horumarinta adeegyada, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay madaxa Waaxda Shaqada Maamulka iyo Adeegyada ee xafiiska Ra'iisul-wasaaraha Malaysiya. Jaan-gooyada sare ee shaqadu waxa ay fure u noqon doontaa sidii loo meel-marin lahaa Himilada Tansaaniya ee 2025-ka, ayuu yiri Kikwete.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada