Danjirayaasha Finland iyo Norway oo ammaanay Ilaalinta kaymaha Tansaaniya

Agoosto 03, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Danjirayaasha Finland iyo Norway ayaa ammaanay qorshah uu Adeegga Kaymaha Tansaaniya ku ilaalinayo kaymaha, haseyeeshee waxa ay sheegeen in intaa laga sii badin karo, sida uu Khamiistii (2-dii August) sheegay Daily News-ka Tansaaniya.

Labada dal ayaa ku deeqi doona 7.9 bilyan ($5 milyan oo doollar) si ay u taageeraan qorshaha shan-sanaadlaha ee ololaha Mama Misitu, kaasoo kor u qaadi doona wacyiga dadka ee ku aaddan dhibaatada ka iman karta dhir-jaridda sharci-darrada ah iyo maaraynta liidata ee kaymaha.

Markii ololaha laga furyay Dar es Salaam todobaadkii hore, ayay danjiraha Finland Sinikka Antila waxa ay hay'adda kaymaha Tansaaniya ku tirtirsiisay in ay door wayn ka cayaaraan sidii loo yarayn lahaa jarridda dhirta sharci-darrada ah ee la dhoofinayo.

"Sida ay sheegtay ilaaaliyaha iyo xisaabiyaha guud, kaliya 4 boqolkiiba ka mida kaymaha dalka ayaa si xilkiasnimo leh looga manaafacaadsadaa," ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in badan oo ka mida dakhliga laga keeno wax-soo-saarka kaymaha la baylihiyo.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad