Agoosto 03, 2012
Guddoomiyaha degmada Dhadhaab Albert Kimathi ayaa ku dhaartay in uu la dagaallami doono mootooyinka loo yaqaan boda bodaha ee sida tagaasida uga shaqeeya xeryaha qaxootiga Dhadhaab, sidaana waxa Khamiistii (2-dii August) sheegay The Star-ka Kenya.
Wadayaasha mootooyinka ayaa lagu eedeeyay in ay bilihii dhawaa ay dadka dambiilayaasha ah u kala daabulayeen gudaha iyo bannaanka xerada. Hadda iyo wixii ka dambeeya mootooyinka looma ogolaan doono in ay shaqeeyaan wixii ka dambeeya 6-da maqribnimo.
"Si ka duwan sidii hore markii aan hayanay tagaasida kaliya, ayay bilihii la soo dhaafay mootooyinku soo bexeen oo ay noqdeen nooc gaadiid oo ay in badan dadku door-bidaan," ayuu yiri Kimathi. "Tani waxa ay nagu sababtay argaggax, waayo wadayaashu waa la yaqaan oo intooda badan maaha kuwo diiwaan-gashan. Waxannu hadda ka shakisanahay in ay dhagar-qabayaashu u isticmaalaan sidii ay ku fulin lahaayeen jariimadooda."
Laba mooto ayaa dajiayay dagaalyahaniintii al-Shabaab ee looga shakiyay in ay afduubeen shaqaalihii gargaarka ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC) ee la afduuay bishii hore kuwaa oo laga qafaashay xerada qaxootiga Ifo II looga kaxaystay Soomaaliya, sida uu sheegay wargaysku.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo