Odeyaasha oo dowr muhim ah ka cayaaraya midaynta reer Kenya, madaxweyene ku-xigeenka ayaa sheegay.

Agoosto 03, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay kaalin muuhim ah ka ciyaaraan ilaalinta wadajirka qaranka taasoo noo hagi karta doorashooyinka madaxweynenimo ee soo socda, sidaana waxa Khamiistii (2-dii Agustu) sheegay Daily Naiton-ka Kenya.

"Maxay tahay faa'idada laga helayo in aad u dagaallanto doorasho aadan hadhow helayn dal aad hogaamiso?" ayuu yiri Musyoka intii lagu jiray kulan uu Arbacadii gurigiisa Nairobi kula qaatay Golaha Odayaasha ee Kipsigis. Musyoka ayaa u tartamaya doorashada madaxweynenimada ee Kenya ka dhici doonta 4-ta March, 2013-ka.

Musyoka waxa uu sheegay in kaalinta odayaasha ee ku aaddan in ay talo xikmad ku fadhida siiyaan dhallinyarada iyo siyaasiyiinta ay arrin asaasi ah u tahay sii wadidda guulaha laga gaaray in la mideeyo bulshooyinka kadib qalalaasihii hareeyay doorashooyinkii 2008-dii. Waxa uu ku tirtirsiiyay odayaasha in ay maskaxda siyaasiyiinta ku beeraan daacad u ahaanshaha qaranka, oo ay taa ka hormariyaan danahooda gaarka ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada