Ammaanka Muqdisho waxa si buuxda gacanta ugu haya dawladda, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa yiri

Agoosto 03, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa Khamiistii (2-dii Agusut) sheegay in Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ay si buuxda gacanta ugu hayso ammaanka Muqdisho, sidaana waxa sheegay Shabakadda Warbaahinta Shabeelle.

"Ciidamada ammaanka Soomaaliya maanta aad ayay uga feejigan yihiin xillyadii la soo dhaafay. Waxa ay sugeen ammaanka caasimadda waxayna fashiliyeen weerarro badan oo lagu hooban lahaa oo ay al-Shabaab la damacsanayd dhismayaasha dawladda iyo xarumaha ciidamada ee Muqdisho," ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka ayaa Arbacadii fashiliyay laba qof oo isa soo miidaamiyay kuwaas oo bar-tilmaameedkoodu uu ahaa Golaha Degaannada Qaranka xilligii ay ansixinayeen dastuurka cusub ee Soomaaliya. Ismiidaamiyayaashii ayaa la dilay markii ay bannaanka dhismaha ku qarxiyeen suumankii ay ku siteen walxaha qarxa.

Muqdisho ayaa ku jirtay gacanta dawaladda Soomaaliya tan iyo markii al-Shabaab ay ka baxday caasimadda bishii August ee 2011-ka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada