Tansaaniya oo 104 bilyan oo shilin u qoondeeysay dayactirka waddo-tareenka

Agoosto 02, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wasiirka Gaadiidka Tansaaniya Harrison Mwakyembe ayaa Arbacadii (1-dii August) shaaca ka qaaday qorshe 104 bilyan oo shilin ($66 milyan oo doollar) oo lagu dayactirayo hannaanka waddooyinka tareennada qaranka, sidaana waxa qoray The Guardian.

Isaga oo hadal ka jeedinaya barlamaanka, ayuu Mwakyembe waxa uu soo bandhigay dhowr mashruuc oo lagu dayactirayo Waddooyinka Tareennada Tansaaniya. Wasiirku waxa uu sheegay in lacagta sidoo kale loo isticmaali doono in lagu soo iibiyo 13 matoor tareen, 22 kuraasta waawayn, 274 gaari-tareen iyo 34 bareegyada gaari-tareenka ah, iyo sidoo kale in la dayactiro 125 kale oo gaari-tareen kuwaa oo lagu sameeyn dayno hoosooyin ku yaal Tabora iyo Daarusalaam.

Qoondeeyntan maaliyadeed ayaa tareemada dadku raacaan ee ka baxa Daarusalaam ee aada Kigoma kor u qaadi doonta, gaarsiinna doonta saddex jeer todobaadkii, iyada oo uu bilaaban doono tareen aada Mwanza dhammaadka sannadkan, ayuu yiri.

Badinta adeegyada tareennada ee Daarusalaam dhexdeeda waxa uu si wayn hoos ugu dhigi doonaa ciriiriga, isaga soo kordhin doona gaadiid ay 30,000 oo rakaab raacaan maalintii, ayuu yiri Mwakyembe. Adeegyada tareennada ayaa laga bilaabi doonaa inta u dhexeeysa astaanka Daarusalaam iyo Ubungo Maziwa, iyo sidoo kale inta u dhexeeysa Mwankanga iyo Kurasini, isaga oo khadkaasi sii mari doono Astaanka Daarusalaam.

Ka sokoow horumarinta qalabka, Mwakyembe waxa uu sheegay in astaanka Ubungo oo ku taal bannaanka Daarusalaam laga dhiso doono meel gaadiidka la dhigto oo baaxaddeedu le'egtahay afar hiktar.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • antonymayunga
    August 4, 2012 @ 12:50:23PM

    Waa maqaal aad u wacan

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad