Maamulka Dhuusamareeb oo cafis u fidiyay kuwa ka soo goosta al-Shabaab

Agoosto 02, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa ballan-qaaday in ay cafis siin doonaan xubanaha al-Shabaab ka soo goosta ee isu soo dhiiba dawladda, sidaana waxa Khamiistii (2-dii August) sheegay Raido Bar-Kulan-ka ay Qaramada Midoobay maal-galiso.

Xubanaha al-Shabaab ee soo goosta oo isa soo dhiiba laguma ciqaabi doono ku lug-lahaanshahoodii hore ee kooxda ku xiran al-Qaacidda, ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Geeda-Qoroow.

Waxa uu ku tirtirsiiyay wiilasha dhallinyarada ah ee la shaqeeya al-Shabaab in ay ku soo biiraan dawladda oo ay joojiyaan dagaalka, xilli ay al-Shabaab faraheeda ka baxayeen dhulal ku yaal gobolka.

Dadka degaanka Dhuusamareeb ayaa soo dhaweeyay hadalkaa, iyaga oo sheegay in qaar badan oo ka mida dagaalyahannada al-Shabaab ay cabsi ka qabaan in maxkamad la soo taago haddii ay isa soo dhiibaan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada