Agoosto 02, 2012
Barlamaanka Galmudug, oo iminka shaqeeynayay todobaad, ayaa Arbacadii (1-dii August) madaxweyene u doortay Cabdi Xasan Qeybdiid.
Qeybdiid, oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka bilayska Soomaaliya, ayaa in dhawaalaba ku dhex-jiray siyaasadda Galmudug waxaana uu sheegay in uu qorsheeynayo in uu ka shaqeeyo arrimaha ammaanka, lana dagaallamo khatarta ay gobolka ku hayaan burcad-badeedda iyo al-Shabaab.
"Gobollada Dhexe waxa ka taagan khataro ammaan oo ay sababeen, af-duubyo, burcad-badeed iyo al-Shabaab," ayuu Qaybdiid ku yiri Sabahi. "Kooxahani waxa ay iyagoo firaxada [soo weeraraan] meelihi looga adkaaday. Taasi waxay kamid tahay waxyabaha aan xogga saarayo iyadoo aan iska kaashanayno Qaybaha Bulshada."
Qaybdiid waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay meel-marinta dastuurka cusub ee Soomaaliya. "Waa tallaabo horay loo qaaday, Waxanan filayaa in laga wada-hadli doono sida looga shaqayn doono arrimaha haray," ayuu yiri.
Barlamaanku waxa uu sidoo kale madaxweyen ku-xigeen dib ugu doortay Cabdisamad Nuur Guuleed oo la shaqayn jiray madaxweyne Maxamed Axmed Caalin. Caalin ayaa Nairobi u jooga arrimo caafimaad.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo