Ireland oo Soomaaliya u balan qaadday gargaar 3 milyan oo Euro ah

Luulyo 30, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Ireland Eamon Gilmore ayaa balan qaaday 3 milyan oo Euro, oo u dhiganta 3.7 milyan oo doolar, oo gargaar ahaan loo siin doono Soomaaliya, intii lagu jiray booqsaho uu Muqdisho ku tagay Axaddi (July 29-keedii), Independent-iga Irishka ah ayaa sidaa warisay.

"Maal-galinta aan ku dhawaaqay maanta waxa ay Qaramada Midoobay iyo hay'adaha aan dowliga ahayn ee la jaalka ah ka caawin doontaa in ay ku xoojiyaan caawintooda malaayiinta Soomaalida ah ee qatarta ku hoos nool, taasi oo ka dhalatay dagaalo iyo macluul," Gilmore ayaa yiri.

Maal galinta ayaa lagu qeybin doonaa iyadoo loo marayo hay'adaha aan dowliga ahayn ee caawiya Soomaaliya, sida hay'adda uu fadhigeedu yahay Dublin ee Concern Worldwide.

Gargaarka ayaa qeyb ka ah 30 milyan oo Euro, oo u dhiganta 36.9 milyan oo doolar, oo ay hay'adda Hor'umarinta Irishka ay siisay dadka Soomaaliyeed shantii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo lacagahaasi loo adeegsaday hor'u-marinta deg degga ah iyo tan mudada fog shantii sano ee la soo dhaafay sida ay warisay Irish Times.

Gilmore, oo noqonaya wasiirkii ugu horreeyay oo Irish ah oo booqda Soomaalia in ka badan 20 sano, ayaa waxa uu kulan la qaatay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad