Luulyo 30, 2012
Lix dal oo ku yaala Bariga Afrika ayaa halis ugu jira raashin yari baahsan, iyadoo 16 milyan oo qofna ay la kulmi doonaan jahawareerka ugu xun ee xagga raashinka ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Famine Early Warning Systems Network (FEWSN).
Digniinta FEWSN ayaa waxaa ku jira dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Ugandha, waxaana sababai doona roob yari, colaad, kor u kac sicirka raashinka ah iyo mararka qaar oo la awoodo waayi doono in la helo gargaarka aadaninimada ah. FEWSN, oo ay maal galiso hay'adda Mareykanka ah ee Horu-marinta Caalamiga ah (USAID), ayaa waxa ay la mataan tahay hay'ado gobolka iyo caalamiba ah, si ay usoo gudbiso digniin goor hore ah oo la xiriirta arimaha sugnaanta cuntada.
Roobabkii Koonfur Bari Kenya laga filayay intii u dhaxaysay bilihii Maarso iyo May ayaa aad u yaraa sanadkan, iyadoo aagagga koonfureed ee gobolka ay la kulmi karaan dhibaatooyin raashin yari ah, ayaa warbixinta lagu sheegay.
Caawinta raashinka aadaninimo ayaa sicirka ka dhigay mid daggan, iyadoo xaaladaha ay macluul gaareen sanadkii 2011-ki. Inkastoo hor'umar la sameeyay, haddana in ka badan 15 boqolkiiba bulshada waxaa ay wajahayaan raashin yari meelo kamid ah dalka.
Aaggagga ku tiirsan dalagga ee Koonfurta Soomaaliya, sida Baay, qeybo kamida Jubba, Shabelle, Bakol iyo Gedo ayaa helay roob yar oo soo daahay intii lagu jiray xili roobaadkii sanadkan ee bilihii u dhexeeyay April iyo June, hay'adda ayaa warisay. Dad fuqarada ah iyo kuwa ka sii daran ee guryaha ku leh koonfurta Soomaaliya ayaa la rajaynayaa in ay ku sii sugnaadaan dhibaatooyin iyo xaalado deg deg ah oo la xiriira sugnaanta raashinka.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo